Home » Warar »

Xarunta Daryeelka Agoonta Iyo Dadka Waalan Oo Ay Darxumo Darteed Ugu Geeriyoodeen 30-Qof

Xarunta Daryeelka Agoonta , Derbi Jiifka Iyo Dadka Waalan Oo Ay Darxumo Darteed Ugu Geeriyoodeen 30-Qof

Warbixinta Xarunta oo uu soo jeedinayo C/raxmaan Macow (DHEGEYSO)

Sawirada Halkan ka daawo

Waa sidee xaalada dadka waalan ,caruurta derbi jiifka ah ,iyo agoonta ku jirta xerada ahlu kheyr ee magaalada muqdisho,ma dhabaa in jirkoodu u joogo qalbigoodune uu maqan yahay ?

Maamulaha xerada cabdiraxman macow xaaji maxamed oo shir jaraid ku qabtay xafiiskiisa magaalada muqdisho wuxuuna kaga hadlayey meelo badan oo dan u ah xaruntiisa iyo asaxaabta lagu xanaaneeyo ee jilicsan wuxuuna ku xusay shirkiisa jaraaid in ay haatan ku jiraan qeyla dhaan ka soo yeertay maamulka xerada dadka waalan oo guriga ay deganaayeen mudo 20 casho ah loo qabtay in ay kaga guuraan.

Hal xabo roti, koob shaah ah iyo dalac bilaash ah ayaa Quraac ahaan loo siinayey xiligii aan halkaa tagey taas oo aan layaabay sida ay ugu nool yihiin !!!!!!

Xarunta daryeelka derbi jiifka iyo dadka waalan waxaa ku jira caruuro curyaan ah oo iyaga oo barelis ah looga dhex cararay isbitalkii hooyada iyo dhalaanka ee SOS kuwaas oo aan waalidkood lagaraneyn ilaa iyo hadana ma jirto cid soo sheegatay iyo cid kale oo noloshooda kafaala qaaday ,arintaa ayaan ku baraarujinayaa shacabka somaliyeed in ay xil iska saran oo ay wax weyn ka qabtaan waxa aan ku soo arkay xeradaan dhexdeeda oo aan la dhalayelsan Karin cidii alle wax siiyey ayaan gaar ahaan ugu baaqayaa waxayna ka mid tahay waxyaabihii la shegay in janada ilaaheyn lagu mutaysanayo hadii alle idmo.

Xarunta daryeelka derbi jiifka iyo dadka waalan oo uu gacanta ku hayo Nin isu xilqaamay oo lagu magacaabo sh,c/raxmaan macoow xaaji maxamed oo ku magac dheer Ehlu kheyr ayaa saxaafada u sheegay dhibaatada nololeed ee uu dadkaasi ku debero iyo weliba xaaladihi uu kasoo maray tan iyo intii uu xaruntan sameeyey .

Sh,C/raxmaan Macow ayaa tibaaxay inay jirto dhibaato nololeed oo ay kala kulmaan had iyo jeer xaalada dadka waalan iyo weliba kuwa u baahan nolosha ee agoonta iyo derbi jiifka,islamarkaana tilmaamay inay wadooyinka magaalada caasimada muqdisho iyo weliba goobaha ganacsiga ay u weydiiyaan dhaqaalaha isagoo tilmaan ka bixiyey sida ay isugu keenaan dhaqaalaha oo sheegay inay sanduuqyo ay mikirifoono ku xidhan yihiin ay dhigaan hareeraha wadooyinka iyo masaajidyada .

Sidoo kale sheikha ayaa ayaa intaasi sii raaciyey inay dadka waalan kasoo ururiyeen wadooyinka magaalada muqdisho halka qaarkoodna ay u keensadeen dad tabar yar oo aan awoodin wax qarash ah islamrkaana xusay inay boqolaal qof oo u badnaa dad waalan ay ku caafimaadeen kadib markii Qur,aan iyo dadaalo kale oo caafimaad u sameeyeen.

Xaruntan loogu magac daray Ahlu khayr ayaa iminka waxaa ku jira dad tiro ahaan ka badan 300,oo qof oo dhamaantood u baahan daryeel caafimaad ,iyadoo qaarkood waalan yihiin oo maskaxda looga jiro ,halka qaarkoodna ay yihiin Agoon danyar ah oo haysan wax hanta ah ,mana jiraan cid gacan kasiisa daryeelka dadkan dhibaatsyan oo isugu jira Agoonta ,Derbijiifka ,iyo dadka waalan ee maskaxda looga jiro marka laga reebo sadaqada kunka shilin iyo labada kun ee laga soo ururiyo dadka ku dhaqan caasimada muqdisho .

Dhinaca kale sh,C/raxmaan ayaa tilmaamay inuu meeshan Hindisay oo uu isu xilqaamay 1990-kii kadib markii uu arkay dhibaatada ay ku jiraan dadka waalan ,agoonta iyo derbi jiifka , islamarkaana dadka waalan ee soo maray tan iyo sanadkaasi ku sheegay inay dhan yihiin ilaa 14o-qof oo isugu jira rag iyo dumar iyadoo ay ku geeriyoodeen ilaa 30-qof oo uu sheegay sheikhu sababta ugu badan ay tahay daryeel la,aan oo ay u baahan yihiin midka badan inta ay kazoo Ururiyaan shacabka soomaaliyeed ee reer muqdisho iyo masaajidyada .

Ugu dambayna sheikh c/raxmaan ayaa codsaday inay gar gaar lasoo gaaraan dhinacyada isku haya talada dalka iyo weliba muslimiinta kala jooga dalka iyo dibadiisa isagoo tilmaamay inay bidhani tahay bishii ugu wanaagsanayd ee sadaqo lala baxo .

Si kastaba ha ahaatee hadalka sheikha ayaa kusoo beegmay xili ay magaalada caasimada ah ee muqdisho kusii yaraanayaan hay,adihii gargaarka islamarkaana aysan jirin wax u Qabad dhab ah oo ay bixiyaan dad isu taagay dadka dhibaatsaysan .

wiilyar

Xadiis ayaa haa Agoonka aabihii geeriyooday ruuxii madaxiisa u salaaxo madaxa in danbigiisa oo dhan lagu hoobinaayo inta aad madaxa u salaaxayso ,maxaad u malaynaysaa qofkii ka farxiyey oo dhar uu ku dukado siiya iyo cidii u gaday iyada oo manta dadku dhiban yihiin,tankale waxaa la wariyey in ey haraadan haweeney fasahaadsan oo jirkeeda ka ganacsata biyo ay siisay darteed in ilaahay jano ku dejiyey danbigeediina halkaa lagu dhaafay eygaas ay u naxariisatay dartiis maxaad u malayneysaa hadii aad wax siiso dadka waalan, caruurta agoonta ah ,iyo kuwa darbi jiifka loo yaqaano ee aan waxba heysan.

Qof kasto wixii ay ilaah hortii la baxo waa helaysaa walaalayaalow ku dadaala walaalihiin maanta la qatan yahay oo la qaawan yahay waxaanabadbaadineysaan dad waalan oo aan ehel laheyn ,caruur agoon ah iyo dad kale o jilicsan

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.