Home » Warar »

Sidee u shaqeeyaa Xafiiska Jimciyadda Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Suudaan

Intii aan ku sugnaa dalka Suudaan waxaana kullan la yeeshay madaxa Xafiiska Jimciyadda Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Suudaan Aadan Sheekh Xasan (Aadan Azhar), waxaana wax ka weydiiyey xaaladda Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Suudaan, waxa uuna ii sheegay in Jimciyaddaan ay ka diiwaangashan yihiin suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Suudaan, isagoo sheegay in ay la socdaan xaaladdooda isla markaana ay u qabteen siminaaro fara badan oo la xiriira kor u qaadida garaadkooda, waxaa sidoo kale weydiiyey waxyaabihii ugu waaweynaa ee ay qabteen intii uu furnaa xafiiskooda, waxa uuna ku jawaabay imarkii ciidamada Itoobiya qabsadeen Dalka Soomaaliya wuxuu sheegey in xafiiskaani bilaabay olole bulshada lagu baraarujinayo sidii dalka looga saari lahaa Ciidamadda Itoobiya, waxa uuna sheegay in ay qoreen qoraalo fara badan opo la xiriira tacyadiyaddii ay ciidamadda Itoobiya ka gaysteen gudaha Soomaaliya, waxaa kale oo uu sheegay in ay qoraalo gaarsiiyeen wadamada Carbeed iyo qaar ka mid ah wadamada Caalamka oo ay uga dhaadhicinayeen in Ciidamada Itoobiya si dhaqsi leh uga baxaan gudaha dalka Soomaaliya.

Aadan Azhar waxa uu sheegay in Soomaalida timaada dalka Suudaan ay si aad ah u soo dhaweeyaan ha ahaadaan kuwo ku yimaada Isboorti, siminaaro ama siyaabo kale, wuxuu sheegey in ay u fududeyaan hawliha ay u yimaadaan dalka Suudaan, sidoo kale waxaan uu sheegey in ay qabanqaabiyaan kulamo aad u balaaran oo uu sheegey in ay uga hadlaan xaaladda ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda wax ka barata dalka Suudaan.

Aadan waxa uu ka mid ahaa dadkii sida aadka ah noogu soo dhaweeyey dalka Suudaan intii aan ku sugneyn, waxa uuna xafiiskaas Jimciyadda nala garab taagaa taageero hiil iyo hooba leh kaas oo ay ku dhiiragelinaayeen cayaartooydii Soomaaliyeed ee ka qaybgalayey tartankii Juunyariska ee 17-jira K/cagta ee dhawaan lagu soo gebagabeeyey dalka Suudaan, waxayna cayaartooyda Soomaaliyeed muujiyeen karti maadaama la cayaarayey xili bil Ramadaan ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.