Home » Warar »

Haweeney qabta Cudurka AIDS-ka oo markii ugu hareysey Muqdisho ka qayb gashey siminaar

Haweeney qabta Cudurka AIDS-ka oo markii ugu hareysey Muqdisho ka qayb gashey siminaar ay qaban qaabisey Hayadda OSPAD

Wareysi aan la yeeshey Haweeneydaas

Haweeney qabtey Cudurka AIDS-ka ayaa markii ugu horeysey Muqdisho ka soo qaybgashey siminaar ay soo qabanqaabisey Hayadda OSPAD oo inta badan isku howsha siminaarada looga hadlo Khatarta Cudurka AIDS-ka waxaana qaybgalayaasha ku noqotey mid la yaab leh waayo meesha ka ma fileyn in siminaarka ka soo qaybgasho Hawweney qabta cudurka AIDS-ka , waxaana markiiba bilowdey Guux Hoose qaarkood Dhakafaar bay ku noqotey Haweeney la soo taagan “Waxaan qabaa Cudurka AIDS-ka” Muddo Daqiiqado ah iyada ayaa lagu maqnaa waxaase markii dambe bilowdey in Haweeneydii inta istaagto tiraahdo “Waxba ha ila yaabine waxaan aamisanahay in cudurkaan aad ka baqeysaan uu yahay cudur ka mid ah cudurada jira” markii intaas afkeeda ka soo baxdey ayaa ka qaybgalyaasha waxay bilaabeen in ay yiraahdaa ” Waa runtaa Cudurka waa mid ka mid ah cudurada Adduunkaa jira waana mid loo baahnaa in sidaan oo kale sameeyaan kuwa qarsanaya cudurka “.

Haweeneydaas ayaa si qoto dheer ugu sheegeysey qaabkii ay ku qaadey cudurkaas waxayna sheegtey in Muddo 6 sanno ah ay qabtey Cudurkaas markii dambana waxay sheegtey in Hayadda OSPAD ay geysey isbitaalka magaalada Marka halkaas oo ay ku qaadato daawada kaalmaatiga ah , waxay kaloo ay sheegtey in ay maanta xubin ay ka tahay Hayadda OSPAD kalana qaybqaadato wacyigelinta ku aadan Cudurka AIDS-ka iyo weliba sidii aan loo takoori lahayn dadka qaba cudurkaas oo ay sheegtey in ay u baahan yihiin Naxariis gaar iyo damqasho ” Aabahay iyo Hooyadey oo si wanaagsan u garanaya cudurkaas ayaa si wanaagsan iila dhaqmey maanta heerka aan joogo ma soo gaari lahayn hadddi ay i faquuqi lahaayeen waxaana u soo jeediniyaa dadka la nool kuwa qaba cudurkaas in ay si wanaagsan ula dhaqmaan”ayey tiri Haweeneydaa oo aadan ka dareemeyn in qabto cudurkaas ,waxa kale ay sheegtey in muddadii uu cudurkaas hayey ay bulshada soomaaliyeed kala kulantey Midab Takoor iyo Faquuqid balse waxay sheegtey in Aabaheed iyo hooyadeed ay kala kulantey soo dhaweyn wanaagsan .

ka qaybgalayaasha oo markii hore ka fiigsanaa Haweeneydaas ayaa markii dambe bilaabey in ay la sheekeystaan Haweeyneydaas waxaa goobta lagu qabtey ku arkeysaa iyadoo haweeneydaas koox koox ugu warameysey qaabkii ay ku qaadey cudurkaa waxayna bilowdey in ay ka sheekeyso qaabkii ay ku qaadey cudurkaas waxayna ka qaybgalayaasha ay ogaadeen in cudurkaan uu yahay cudur ka mid ah cudurada jira waxayna sheegeen in wixii maanta ka dambeeya ay la tacaali doonaan ama si wanaagsan ula dhaqmi doonaan dadka qaba cudurka AIDS-ka .

Haweeneydaan ayaa markii ugu horeysey waxay wareysi siisey Bahda Warbaahinta iyadoo intii uu socdey wareysigaas haweeyneydaas ay ka muuqatey dhiiranaan waxayna sheegtey in ay u joogaan Afar Caruur ah oo mid ka mid ay ku dhashey yadoo qabta Cudurka AIDS-ka balse nasiib wanaag laga waayey cudurkaas sadexda kale waxay sheegtey in aysan qabin cudurkaas , waxay kaloo carabka ku dhifatey in ay caruurteeda u shaqeysato”inta aan noolahay waxaan ku dadaalayaa koriimada caruurtey” ayey tiri haweeneydaan oo diidey in magaceeda la shaaciyo” .

Haweeneydaa ayaan dhawaan ka qaybqaadatey wacyigelin loo sameeyneyey qoys qaba cudurka kana koobnaa afar Caruur iyo Hooyadood waxaase dhacdey in subixii la balansanaa in ay bilaabato wacyigelintaa guriga loogu tagey Laba caruur waxaana halkaa lagu waayey Hooyadii yo laba Caruur ah waxayna haweeneydaan bilowdey in ay wacyigeli balaaran u sameyso labadii caruurta ahayad “Aniga aan idiinla hadlayo waxaan qabaa cudurka AIDS-ka marka ma aha in deriska iyo ehelka faquuqaan qoyska”ayey tiri haweeneydaas oo dadka halkaa ka ag dhawaa bilaabeen in caruurtii loo dhiibo haweyneydaas lana geeyo Isbitaalka marka oo hadda lagu xanaaneeyo waxayna dadkii deriska la ahaa ka codsatey in gacan ku siiyaan sidii dib loogu soo celin lahaa qoyskaas , waxaana arrintaas si aad ah u soo dhaweeyey dadkii halkaa ku sugnaa .

gabarr3

Haweeynedaan oo daawooyinka Kaalmaatiga ka qaadato Isbitaalka Marka ayaa waxay sheegtey in muddo laba biloood ay soo qaadatey dawooyinkeedii si Hayadda OSPAD ugula qayb qaadato Barnaamijyada wacyigelinta ee ku aadan Cudurka AIDS-ka .

sept3Ma aha markii ugu horeysey oo aan wareysi ka qaado ruux qabo Cudurka AIDS-ka bishii September sannadkii 2004 ayey ahayd markii magaalada Jowhar aan wareysi kula yeesho Haweeney qabta Cudurkaas taasoo ku dacdarreysneyd wadooyinaka degmada Jowhar ka dib markii la faquuqey balse markii dambe maamulkii halkaas ka jirey uu amrey in gabadhaa la xanaaneeyo waxaana isbitaalka Jowhar looga heley qol waxaan loo dhiibey gabar kale oo xanaaneysa oo iyada lagu siinayey Dhaqaalo

waxaa kale oo aan wareysi la yeelanay Xiriiriyaha Hayadda OSPAD Maxamed Cumar oo sheegey in muddo shan sanno ay hayadda wadey Barnaamijyo wacyigelin ah oo ku saabsan Cudurka AIDS-ka oo uu shegy in uu khatar uu ku yahay Bulshada soomaaliyeed wuxuuna u mahadceliyey Haweeneydaas oo uu ku tilmaamey geesiyad reer Muqdisho u furtey Albaab cusub wuxuuna u soo jeediyey kuwa qarsanaya in ay ku deydaan Haweeyheydaas .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

wixii faahfaahin ah kala soo xiriir Hay’adda OSPAD
E-Mail ospadsomalia@hotmail.com
ospadsomalia@yahoo.com
0025215194995

Ha’yadda OSPAD oo qabtey siminaar ku saabsan sida loola dhaqmo dadka qaba cudurka AIDS-ka

Sawirada Halkan ka daawo…. GUJI

waxaa xarunta Hayadda OSPAD ee Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeyeeyy siminaar looga hadlayey ka hotaga cudurka AIDS-ka iyo sida loola dhaqmo dadka qaba cuduraasi waxana ka qabygaley ilaa Afartan xubnood oo ka kala socdey Xirfadlayaasha Caafimaadka , Umuliso dhaqmeed iyo Culama’udiin waxaa soo qabanqaabiyey Hayadda OSPAD oo gacan ka heleysey Hayadaha Global Fun, Unicef waxaana kormeerka qaabilsanaa hayadda SCAC Waxaana ugu horeyntii halkaa ka hadley Dr Cabdulaahi Xaashi oo ka socdey Hayadda SCAC wuxuu umahadceliyey in tii isku soo dubaridey siminaarka wuxuuna u soo jeediyey ka qaybgalayaasha in wixii halkaan ay ku barteen ay uga faaiideyaan kuwa aan fursadda u helin , wuxuu kaloo uu sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo wacyigelin fara badan si dadka u ogaadan khatarta uu cudurkaan uy leeyahay Bulshada soomaaliyeed

waxaa kaloo halkaa ka hadley Madaxa Hayadda OSPAD Mudane Cabdi Nuur Cismaan Weheliye oo sheegay in in Hayada ay qabatey siminaaro fara badan oo ku aadan Cudurka AIDS-KA kuwaas oo uu sheegay in ahaayeen kuwo ay ka faaiideeyn dad fara badan oo bulshada ku wacyi geliyey khatarta Cudurka AIDS-ka sidoo kale wuxuu sheegey in dad fara badan oo ka jaahil ka ahaa la dhaqanka dadka qaba cudurkaas ay maanta bilaabeen in la macaamilaan isagoo sheegay in ay meesha ka baxdey faquuqidii lagu hayey dadka qaba cudurkaasi

intii uu socdey siminaarkaas ayaa waxaa casharo ka jeedinayey laba Macalin oo kala ahaa Luul Cali Culisow iyo Abuukar Axmed Shiikh oo iyagu si aad aha uigu dheeradey waxaayabaha dhaliya cudurkaas , siyaabaha looga hortago cudurkaas iyo qaabka loola dhaqmo qofka qaba cudurkaas iyagoo sheegay in aan ;loo baahneyn in la faquuqo dadka uu soo ritey cudurkaas intii uu socdey siminaarkaas oo ahaa muddo sadex Maalmood ayaa ka qayb galayaasha waxa loo qaybiyey Wargeys lagu magacaabo Bulsho Dhowr oo ay soo saarto Hayadda OSPAD kaasoo ay ku qornayeen macluumaad si aad ah uga hadlayey Cudurka AIDS-ka

Siminaarkaas ayaa intii uu socdey waxaa ka soo qayb galey Haweeney qabtey Cudurka AIDS-ka waxayna faahfaahin ka bixisey qaabkii ay ku qaadey cudurkaas iyo waxyaabaha hadda ay sameyso waxaana si aad ah ula yaabey xubnihii ka qaybgaley siminaar oo iyaga aan fileyn in ay siminaarka kala qaybqaadato Haweeney qabta cudurkaa waxayna markii dambe bilaabeen in ay la sheekeystaan haweeneydaas

Sawirada Halkan ka daawo…. GUJI

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.