Home » Warar »

Xisbiga Hanoolaato oo war murtiyeed ka soo saaray qabsashadii Hiiraan

Xisbiga HANOOLAATO oo war murtiyeed ka soo saaray qabsashadii Ethiopia ee Gobolka Hiiraan

Xisbiga HANOOLAATO ayaa war murtiyeed kulul ka soo saaray qabsashada Ethiopia ee gobolka Hiiraan. War murtiyeedkaas oo uu ku saxiixnaa Xoghayaha Ganacsiga ee Xisbiga Mudane Maxamed Cali Bilaal waxa uu u qornaa sidatan:

“Waxa nasiib darro ah u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed in maanta Ethiopia qabsato gobolkii Hiiraan askartoodii

oo hubaysanina ay dadkii reer Beledweyne dilayaan, boobayaan isla markaana bara kicinayaan. Sidaa darteed waxa aannu cambaaraynaynaa falkaas sharci darrada ah, waxaanuna ugu baaqaynaa xukuumadda EPRDF ee ka talisa Ethiopia in ay ciidamadeeda ka baxdo dhammaan gobolada Soomaaliyeed ee ay kibirka iyo gardarada ku soo gashay, isla markaana ay u celiyaan hantidii dadka Soomaaliyeed ee ay ciidamadoodu boobeen.

Maxamed Cali Bilaal waxa kale oo uu fariin gaar ah u diray xakuumadda Shariif Shiikh Axmed oo uu ku eedeeyey in ay galeen khiyaamo qaran oo aan sinaba loo cafin doonin taariikhdana baal madow ka geli doona sidii kuwii iyaga ka horreeyey maaddaama ay dalkii u gacan geliyeen cadow dibadeed.

Ugu dambayn Maxamed Cali Bilaal waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed midnimo, wadajir iyo walaaltinimo si looga baxo qaran jabka ku dhacay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Maxamed Cali Bilaal

Xoghayaha Ganacsiga ee Xisbiga HANOOLAATO

ayax4@hotmail.co.uk

hannoolaato@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.