Home » Warar »

Xaflad Qaran oo lagu maamusayay xiritaankii Somali Week London

London 26.08.2009. Waxaa Waqooyiga magaalada London lagu qabtey munaasab weyn oo lagu maamusayay xiritaanka tartanka Somali Week London 2009 oo ay ka soo qayb galeen dad magac iyo maamuus ku leh bulshada Soomaaliyeed, kuwaasoo kale ahaa fanaaniintii Qaranka Soomaaliya ee Waabari, ciyaartooydii hore dalka Soomaaliya, maamulayaashii Isboortiga , Siyaasiyiin Soomaaliyeed iyo jaaliyada Sports Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska iyo marti kale oo ka timid dalalka Canada, Holand, Finland iyo Sweden.


Sawiroo kaloo dheeraad ah daawo Q-1aad

Sawiroo kaloo dheeraad ah daawo Q-2aad

Xafladaas oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtey Town Hall-ka Totenham oo ku yaal Waqooyiga magaalada London.

Fanaaniinta Qaranka Soomaaliya ayaa halkaasi kaga luuqaynayay heeso isugu jiro maaweelo iyo kuwo wadani ah isla markaana bahda Sports iyo fanaaninta oo mataano ah ayaa goobta xaflada ka dhacaysay si wanaagsan ugu ciyaarayay ciyaaro iyo qoob ka ciyaar ( Jazz).

Fanaaniinta halkaasi sida weyn uga muuqday masraxa waxaan ka xusi karnaa faynuustii fanta Fadumo Qaasim Hilowle, Maryan Cali Muuday, Saynab Cige, Maryan Mursal, C/risaaq Gadaco, Cabdow Arabram, Xuseen Shire Jama iyo Musikiistihii weynaa Macalow.

Waxaana ugu horeyntii halkaasi ka hadlay mudane Ahmed Abdi Dahir ‘’Sheel’’ C/qaadir Xaaji Masale iyo C/qaadir Xuseen Bootaan ‘’ Isoomaarey’’ waxayna mudanayaashan dhamaantood ka soo jeediyeen qudbado isugu jirey gubaabo iyo dhiirigalin.

Waxaana xaflada ka soo qayb galay ku xigeenka Duqa magaalada Liecester mudane Osman oo isna halkaasi ka hadlay amaana u soo jeediyay gudigii qaban qaabada Somali Week isla markaana hadiyado gudoonsiiyay qaar ka tirsan gudiga qaban qaabada Somali Week London.

Xaflada ayaa waxaa kale oo goob joog ka ahaa kooxihii Somali Week ka qayb galay iyo taageerayashooda.

Bahda saxaafada oo si weyn uga dhax muuqday goobta ayaan waxaa la wada gudoonsiyay shahaadooyin iyadoo ay u qaadeen Agaasimaha TV Universal Eng. Ahmed iyo Agaasimaha ETN TV London mudane Bulaale.

Gudiga qaban qaabada Somali Week London ayaa hadiyo gudoonsiiyay dadkii martida ahaa ee uga yimid dalalka dibada iyo shaqsiyaad muhiim u ah jaaliyada Soomaaliyeed ee degan magaalada London oo gacan ka siiyay suurtagalinta qabashada Somali Week sida xawilaada Qaran Express oo ahaa maalgaliyaha tartanka Somali Week London 2009.

Xaflada cashada xiritaanka Somali Week London waxaa maal galiyay Xawilaada Olampic Kamaal oo ka tirsan bahda Sports Waqooyiga magaalada London.

Gudiga qaban qaabada Somali Week London ayaa ugu dambayntii uga mahadceliyay dadka gacanta ka gaystey in magaalada London lagu qabto markii ugu horeysay tartankaan oo kale isla markaana si gaar ahaaneed amaan ugu jeediyay fanaaniinta Qaranka Soomaaliyeed sidii Soomaalinimada ahayd ay uga qayb qaateen barnaamijka Somali Week London 2009 iyo martidii uga timid dalalka dibada.

Tartanka Somali Week London ayaa ku reebay dadka degan magaalada London xusuus iyo taariikh isla markaana ay aad uga heleen 2dii asuub ee u ka socday garoonka New River Staduim ee xaafada Totenham.

Tartanka Somali Week London waxaa ka soo qayb galay 12 kooxood, waxaana koobkii hantiyay kooxda Al-Hijra oo noqotey kooxdii ugu horeysay ee qaada koobka Somali Week London, waxaana la filayaa in sanadka dambe laga balaariyo sida hada loo qabtey oo ayna ka soo qayb galaan kooxo badan oo ka dhisan dalalka Holand, Belguim, Zwitzerland, Finland, Sweden, Norway Manchester, Liecester, Bermingham iyo dabcan kooxaha ugu adag magaalada London oo laga soo qaadan doono kooxo miisan leh si koobka Somali Week London uu u noqdo mid tayo wanaagsan leh sida uu isheegay Mohamed Buuwe oo ka mid ah gudiga qaban qaabada Somali Week London oo aan kula kulmay hall-ka Xaflada.

Somali Week London 2010 ayaa waxaa uu ilaa hada haystaa balan qaadyo badan oo ay ka heleen shirkado ay leeyihiin dad Soomaaliyeed, kuwaasoo balan qaaday inay gacan weyn ka gaysan doonaan sidii Somali Week London u noqon lahaa mid sii soda isla markaana faa’ido badan u leh dadka Soomaaliyeed is dhaxgalkiisa iyo midnimadiisa

W/D: Yusuf Yusuf

Editor of SSPAMEDIA

Somali Week London

mrsomalia@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.