Home » Sports »

Ururka NSUM Ma Ku Guullaysan Doonnaa|Galoose

Ururka NSUM Ma Ku Guullaysan Doonnaa: Halganka Uu Ugu Jiro Dibu Soo Noolaynta Kooxdii Darwiish Ee Burburtey 1993.? (Qaybta 2aad)

Innagoo sii tixraacayna qormadan qaybteedii hore ee aynu kaga hadalnay Hannaanka Isboorti ee Adduunka ka jira, Burburkii xidhiidhka Soomaaliya, Taariikhdii Kooxda Darwiish iyo Qaabkii ay u kala jajabtey.

Muddo shan sananood ah markuu xaalku sidaas ahaa ayaa waxaa sanadkii 1998 magaalada Garoowe laga yagleeley Naadiga Puntland,kaasi oo ay ku midoobeen Kooxo yar yar oo uu ka mid yahay Garabkii Sool ku baaqiga ahaa iyo mid dib uga soo noqdey Soomaliland muddo ka dib,Waxaase jirey ciyaaryahanno iyo dad kale oo ka biyo diidey ku biiristii Puntland,kuwaas oo dareensanaa iney la mid tahay tii Soomaliland oo kale, kol haddii aan midnimo iyo qorshe loo dhan yahay lala shirtageyn, waxaanna ay door bidayeen dadkaasi in marka hore magacii Kooxda Darwiish dib loo soo celiyo, hogaan kaliyana la yeesho, si aanu wax qaybsigu u noqon mid lagu dulmanyahay oo qariya:- magacii, misaankii iyo taariikhadii Kooxda Darwiish, hase yeeshee taasi ma noqon mid dhacda, waxaynuna ka warqabnaa in Puntland loogu biirey qaab habqan ah, oo ugu yaraan loo kala socdey sadex qaybood.

Maxaa laga dhaxley midnimo la’aantii lagu galay Puntland.?

Waxaa lumey doorkii kooxda,waxaa dhacay cadaalad darro, waxaa meesha ka baxay miisaankii iyo waxtarkii loo galey Puntland , waxaa laga ilaaliyey xubnihii Kooxda Darwiish in ay ka qayb galaan ama wax kala socdaan shirarka waa weyn ee lagu gorfeeyo qorshayaasha Isboorti ee Dalka, kuwa Qaaradda Afrika iyo kan guud ee FIFA, waxaa laga dhigey Ciyaaryahannadii kartida iyo khibrada lahaa ee Kooxda wax la eryo, qaar lagu ilaawo Kaydka, oo aan la ciyaarsiin kulamada waa weyn iyo kuwo lagu furo dacaayado kala duwan; waxaa taas badalkeeda la xushay xubihii C-da iyo D-da ahaa, waxaanna ugu danbayntii qarsoomey: magacii Kooxda Darwiish ee wax ka dhistey Naadiga Puntland.

Xaalku wuxuu aad u sii dhiiqoobey markii lugaha la qabtey Rug caddaa Maxamed Cabdi Xaashi, oo u tartamayey xilka Gudoomiyenimada ee Naadiga Puntland, taasi oo loo arkeyey haddii uu ku guulaysan lahaa; mid ay Kooxdu kaga samata bixi lahayd duruufihii la soo darsey.

Arimaha aynu soo xusney ee ku habsadey Garabyadii kala duwannaa ee Kooxda, ayaa waxaa ay Bulshadda ku keenneen dhibaatooyin aan kala g’o lahayn oo dhan walba leh,waxaanna dhacdey in guud ahaan Magacii Kooxda laga waayo Garoomada iyo munaasibadaha waa weyn ee Ciyaareed.

Inkasta oo xilli hore la darreemey dhibaatooyinka laga dhaxley burburkii Kooxda ku yimi, sidoo kalena aan la mahadin ku biiristii Naadiga Puntland, ayaa haddana waxaa ay arintu noqotey mid aan la sii eegan karin markii ay dhacdey Ciyaartii Kooxaha Puntland iyo Soomaalind ku dhex martey Garoonka Cabdi Bille Cabdi ee magaaladda Laascaanood 15/10/2007, taas oo ay ka dhashey rabshado iyo xiisaddo sababey khasaare iyo barro kac,ka dib markii ay si badheedh ah iskula jiidheen bulshada SSC taageerayaasha labada kooxood.

Ciyaartaas oo lagu tilmaamey in ay ahayd mid ay labada dhinac ka soo wada shaqeeyeen, isku aragtina ka lahaayeen, islamarkaana ay kaga hortagayeen qabsoomid shir lagu wadey in uu ka dhaco laascaanood, kaas oo lagaga hadli lahaa dhibaatooyinka laga dhaxley burburkii ku dhacey Kooxda Darwiish iyo sida looga bixi lahaa.

Waxaanna markaas ka dib guddo iyo dibadba ka bilaabmey shirar iyo kullamo lagu falanqaynayo wixii dhacay iyo sida looga bixi lahaa.Xoggo uruurin iyo ka baaraan deg dheer ka dib waxaa inta badan dadkii arinkan ka damqadey ee u dhashay Gobolka u soo baxey in xalka kaliya ee lagaga bixi karo arinku yahay: In dib boodhka looga jafo Kooxdii Darwiish: si loo helo; Jiil iskugu jirra Ciyaartooy iyo maamul, oo dib u soo celiya: magacii iyo guullihii lagu yiqiin Naadigii Darwiish ka hor intii aanu burburin.

Xubno u badan Jaalliyadda dibadu ayaa waxaa ay markaas Yagleeleen, kuna dhawaaqeen Urur Hawlaha isku duba rida, ugu horeyna culayska saara; xidhiidhka dibada ee go’ay ,waxaanna Ururkaas loogu wanqaley NSUM.

Inta aynaan u gudda galin sida ay ku guullaysan karaan Dadaallada uu wado ururku iyo caqabadaha ka horimaanaya ,aynu waxyar ka taabano Dannaha labada Naadi ay ka lee yihiin Kooxda Darwiish iyo guud ahaan SSC.

Waa Caynkee Dannaha Kooxaha Soomaliland iyo Puntland Ay Ka Leeyihiin Kooxda Darwiish?.

Dannaha ay kooxaha Puntland iyo Soomaliland ka leeyihiin Kooxda Darwiish iyo guud ahaan bulshadda ssc,ayaa waxaa aynu ku soo koobaynaa oo kaliya in ay tahay: Ma jecla in ay arkaan Kooxda Darwiish oo midowda, sidoo kale ma rabaan in Garab-yada Kooxdii Darwiish ee u kala ciyaara ay dhan uun isku raacaan (Soomaliland ama Puntland),taasi oo burbur ku keenaysa mid kood , tan kalena culays iyo miisaan aan hadda jirin.

Waxaa ay danta labada Naadi ku jirtaa,uguna badinaysaa in kooxda Darwiish ay kala qaybsanaantaas ku sii jirto, si aaney u soo noqon kooxdii loolanka adag ee ciyaareed kala dhexeeyey.

Waxay jecel yihiin, Dantoodana ka dhex arkaan, in xaalka kooxda dawiish uu sii ahaado ,sida uu hadda yahay ee ah: midnimo la’aan, awood la;aan, karraamo la’aan, magac la;aan, miisaan la;aan iyo manfac la’aan.

Waxaa iyana arin in la xuso muddan ah, oo horey u jirtey, dad badanina ayba ogyihiin in labadii Gudoomiye ee ugu horreeyey Kooxaha Puntland iyo Soomaliland ay heshiis ku ahaayeen ;in la kala ilaaliyo Garab-yada kooxda Darwiish ee u kala ciyaara Puntland iyo Soomaliland in ay dib u midoobaan, si aanu u muuqan doorka Kooxda Darwiish,marka ay timaado ka qayb galka iyo waxqaybsiga Xidhiidhka Isboorti ee Soomaaliya.

Haddaba Sidee Ku Midha Dhali Karaan Hawlaha Looga Fadhiyo NSUM.?

Markii lagu dhawaaqey dhismaha Ururka NSUM waxaa bulshadda SSC u muuqdey rajo iyo mustaqbal wanaagsan oo dib loogu soo noolaynayo Kooxdii burburtey ee Darwiish,taasi oo ahayd arin ay in badan quudaraynayeen Taageerayaasha iyo guud ahaan ummada ku dhaqan Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn.

Ururku wuxuu markiiba shirar iyo kulamo is daba jooga ah la yeeshey dhammaan Jaalliyadda dibada ee SSC,waxaanna ay uga xogwarameen dhibaatooyinka haysta Kooxdii Darwiish iyo sida looga bixi karo.

Sidoo kale waxaa ay kulamo la qaateen Xidhiidhada kala duwan ee la socda arimah Isboorti ee Soomaaliya iyo kan guud ee FIFA, waxayna warbixin ka siiyeen hawlaha uu ururku ku doonayo dib loo soo celinta Naadigii Darwiish, shirarkaasina waxaa ay noqdeen kuwo midha dhala dhanka xidhiidhka sare,wallow ay wali jiraan goobo aanu wali Ururku gaadhin.

Ururka NSUM oo la dhisey bilowgii 2008-kii ayaa waxaa la rumaysan yahay in guullaha uu ilaa iyo haatan gaadhey ee dhanka xidhiidhada sare ah ay sabab u tahay, Magaca uu xanbaarsan yahay, oo ah mid muddo badan laga baarraan dagayey,kaasi oo muujinaya in dadka dega Gobollada Sool,Sanaag iyo Cayn ee waqooyiga Soomaaliya aysan ka tirsanayn, ogolayna, waxna ka dhisan Naadiga Soomaliland ee isagu sheegta in ay ku midaysan yihiin Bulshooyinka dega Waqooyiga Soomaaliya ee xoriyadda ka qaatey Ingiriiska.

Hasse Yeeshee waxaa hakad yari ku yimi hawlihii NSUM markii ay soo dhawaatey doorashadii hoggaanka Naadiga Puntland loogu tartamayey, kadib markii dad xilal doon ahi ay ugu sheekeeyeen bulshadda ssc in laga bixi karo arimaha jira; haddii hoggaanka kooxda Darwiish ay ku soo baxaan xunbo miissaan iyo karti lihi, waxaase uu arinkaasi guuldaraysatey markii ay soo baxeen Rag horay loo saluugsannaa, oo qayb ka ahaa dhibaatadda ku habsatey Kooxda, kuwaasi oo markiiba ku dhaqaaqey curyaaminta iyo cagga goynta Ururka iyo cidkasta oo ka damqata duruufaha ay ku sugan yihiin Kooxdii Darwiish iyo guud ahaan SSC.

Dadaalada uu wado Ururku waxaa horyaal : Caqabado qoto dheer oo xididaystey oo dhinacyo badan leh,kuwaasi oo uu kaga gudbi karro, haddaba sida uu uga faa’idaysto fursada jirra.

Caqabadaha iyo Fursadaha ururka horyaal. ?

1: Labada Naadi ee Puntland iyo Soomaaliland ee aynu soo sheegney dannaha ay ka leeyihiin kooxda Darwiish.

2: Garab-yadda u kala ciyaara Kooxaha aynu soo xusney ee kooxdii darwiish ka soo jeeda ayaa iyaguna ah taako kale, kuwaasi oo haatan noqdey Group isku dan ah, oo iska kaashanaya: lugahana qabanaya cidkasta oo aan iyaga ahayn, ee Isboortiga SSC soo hadal qaada, walow ay jiraan xubno aan badnayn oo dareen fiicani ku jiro, qaybna ka ah hawlaha haatan loogu jiro dibu soo celinta sharaftii,magacii iyo guullihii lagu yiqiin kooxda Darwiish.

3: Odayaasha dhaqanka SSC oo tan iyo markii ay burburtey kooxdii Darwiish iska dhex jibaaxey arimaha Isboortiga ayaa waxaa ay iyaguna yihiin caqabad kale, kuwaasi oo aan jecleyn; cid kale oo aysan dantooda ka dhex arag , oo u heellan soo celinta magacii Kooxda Darwiish ee dayacmey.

4: Waxaa kale oo ururka ka horimaanaya,loona baahan yahay in ay wax ka qabtaan: hagaajinta xidhiidhka Addis Abba oo ah xarunta Xidhiidhka Q. Afrika, kaasi oo aaney kooxda Darwiish wax xidhiidh isboortiya la lahayn,dhanka kalena waxaa ay arintaasi noqotey illaha ugu waa weyn ee ay adeegsadaan Kooxaha Puntland iyo Soomaaliland: sidii aaney dib u soo laaban lahayn Naadiga Darwiish,taasi oo ay u arkaan mid kaga firfircoon dhanka Garoomada.

1: Fursaddaha uu haysto Ururku ayaa waxaa aynu ka xussi karnaa; Bulshada SSC oo waqtigan dareen koodu ka sarreeyo xilliyadii hore, laguna qiyaasi karo in %70-tan ay wax badan ka fahmeen dhibaatooyinka laga dhaxley Naadiyada Soomaaliland iyo Puntland ee midnimo la’aantu keentey, waxaanna ay muddaba dhawrayeen cid xanbaarsan: fikraddo iyo qorashayaal lagaga bixi karo xaalada lagu jiro,islamarkaana soo celin karta magacii iyo sharaftii Kooxda Darwiish.

2:Qodobka labaad ayaa yahay: duruufaha ka bidhaamaya Kooxaha Soomaliland iyo Puntland,taas oo haddii si cilmiyeysan looga faa’idaysto soo dedejin karta guul aan dhib badan loo marin.

Sidoo kale waxaa iyaguna jira fursaddo iyo qodobo fududayn kara yoolka Ururka NSUM,hase yeeshee aan halkan lagu soo bandhigi Karin, oo u baahan in la xafido, lananna sugo xilliga iyo munaasibada ku haboon.

Inkastoo dadka Ciyaaraha ka faallooda,lana socda dannaha iyo loolannada u dhexeeya xidhiidhada ka duwan ee caalamka ay qabaan in kooxda Darwiish lagu daba socdo kulamadii adkaa ee ay la yeelatey Xulkii Ingiriiska, haddana waxaa ay taariikhdu inoo sheegaysaa in ummadkastaa ay ku gaadhi karto, yoolka iyo ujeeddooyinka ay hiigsanayso: qorshe dhamays tiran iyo adkaysi.

Isku soo wada duubboo waxaa hubaal ah, oo aan cadaymo badan u baahnayn, in Ururka NSUM iyo cidkasta oo u istaagta xaalka Kooxdii Darwiish ay kaga gudbi karaan Caqabadaha jira , una sahli karta ka midha dhalinta fursadaha aynu soo sheegney; hadba sida ay u gaadhsiiyaan awooda ugu balaadhan ee wax badali karta ee ah Bulshadda SSC: ujeedada iyo hadafka loo socdo, islamarkaana ay uga shaqaysiiyaan,uguna iftiimiyaan: fursadaha iyo caqabadaha hadba ka horyimaadda.

Maxamed Axmed Galoose

galoose@yahoo.com

Laascaanood Soomaliya.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.