Home » Siyaasad »

Sabool Hodan ah!|Urursan

Waxaa Dadka Aadamiga ah lagu masaalaa sidii Macdanta oo kale. Magaca Macdan waa mid guud oo u dhaxeeya macaadinta kala geddisan oo dhan,sida: Birta, Maarta, Dahabka iyo kuwa kale. Laakinse waa ay kala tayo sarreeyaan,kala qaalisan yihiin, kalana wax-tar badan yihiin.

Macdanaha qaarkood waxaa lagu helaa si dhif iyo naadir ah,kuwana si fudud ayaa lagu heli karaa,meel kastaana waa lagu arki karaa.

Aadamigu waa sidaas oo kale, magaca ‘Dad, Aadami, Insaan iwm. waa ay wadaagaan, laakinse waxay ku kala sarreeyaan oo ku kala qiimo badan yihiin: Akhlaaqda, Aqoonta, Edebta, Xishoodka, Dhaqanka wanaagsan iyo Amuuro kale.

Waxaannu marar badan maqallaa iyada oo la leeyahay:”Hebel ama Heblaayo waa Dahab”. Taas waxaa loola jeedaa inuu qofkaasu yahay qaali,marka laga eego dhinacyada dadnimada, wax-ku-oolnimada, garaadka, akhlaaqda, waxtarka uu bulshada u leeyahay iwm.

Qaalinimada qofku xiriir lama laha Hanti badan oo uu heysto, Qabiilka uu ka soo jeedo, Awooddiisa jir-ahaaneed, Darajo uu hayo ama Kursiga uu ku fadhiyo iwm.

Waxaan aragnaa ruux aan wax Hanti ah haysan, oo sabool ah, laakinse Hodan ka ah oo ku sarreeya dhanka nafsiyadda, xikmadda, dul-qaadka, kartida, deeqsinimada, geesinimada iyo dhinacyo kale oo dhaxalgal ah.

Dhanka kale, imiseynu aragnaa ruux xoolo badan heysta oo ladan, laakinse bakhayl ah, dabeecaddiisu xun tahay, akhlaaqdiisu liidato, dad la dhaqankiisu hooseeyo, kuna adeegta been, xan, lug-gooyo, xaasidnimo iyo sifaale kasta oo qaab-daran.

Mujtamac kasta oo ku dadaala,una guntada inuu Ubadkiisa soo koraya ka dhiso dhinacyada Tarbiyada, Akhlaaqda iyo Aqoonta, shaki la’aan wuxuu mujtamacaasu ugu dambaynta noqonayaa mid ay dadkiisu wada hodan yihiin.

Soomaaliya waa ay burburtay marka dhan kastaa la eego, waa kala daadatay oo ka hartay asaaggeed. Qabiil, Jahli, caddaalad-darro iyo dib u dhac dhan kasta ah ayaynu dhex-fadhinnaa oo na hareeyay…!!.

Haddii aynu doonayno in aynu mustaqbalka Soomaaliyeed dib u dhisno waa in aynu awooddeenna isugu wada geynaa Ubadka soo koraya,oo ka dhisnaa dhanka: Diinta, Aqoonta, Tarbiyada, Akhlaaqda,Waddaniyadda iwm, si aynu u helno macdan qaali ah oo Soomaalinimo.

Haddii sidaas la yeelo,waxaa la helayaa dad Hodan ah, kuwaas oo dib u dhisan doona dalkooda, kana shaqaynaya horumarinta Arrimahooda Siyaasadeed, Dhaqaale, Dhaqan, Bulsho,Caddaalad, Nabadgalyo iyo dhammaan dhinacyada kale ee Nolosha Aadamiga.

WD/Sharaf Maxamed Cali(Urursan)

Sana’a/Yemen

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.