Home » Siyaasad »

RAQBA WAA KU RAGGEED|Maxamud

Wallee ama rafiiqdoo sidii raxan walaalowde

Ama idin rash tiri bawdadaan laga rukuucaynin

Rufucii tol kala gala haddii layska wada raadsho

Haddaydaan sidii yacay ruqsamin dhagaxa ii raabi

Raqba waa ku raggeed oo meeshan raq baa taal, laakiin raqdan halkan taal raggeedii lama hayoo lama hayo, soomaalidu waxay ku maah maahdaa waxaadan hurayn habaar laguma darsado, somaaliya nasiib darrada ku habsatay waxaa ka mida dadkii oon madax iyo mijo lahayn, waagii hore inta madaxda ah ama inta waaya aragga ahaa talada lahaa oo indheer garadka iyo waayo araggu waxay ahaayeen dad aan laga maarmin oo talada gooya, caalin iyo cirroole caqli badanbaa baa dadka hoggaamin jiray, wax garadka hawlgabka noqday waa qushigiise dagaalkii iyo dawlad la,aantii waxaa laga dhaxlay is bar bar yaac iyo istixgalin la,aan, waagii hore waxaa loo kala dambayn jiray sida loo kala aqoon badan yahay ama loo kala waaya aragsan yahay, laakiin hadda waxaad mooddaa in kala dambaytii dagaal naxariis la,aan ah lagu qaaday, natiijadii ka soo baxday dagaalkaas arxan darrada ah ee lagu qaaday indheer garadkii waxay noqotay in dad badan oo indheer garad iyo masuuliyiin hore ahaa ay isla hadlaan markii ha joogto in talo loo dhiibtee laga dhagaysan waayay sheekooyinkii iyo taariikhihii xiisaha badnaa ee ay haysan waayeen, wax kastoo dhaca dadka inta aqoonta lihi ama waaya aragga ahi waagii hore kuma qadi jirin ugu yaraan sheekadoodaa la dhagaysan jiray. Dadka aqoonta iyo waaya aragnimada u saaxiibka ah inta badan dad xoog iyo galaangal badan ma,aha oo energy badan ma hayaan, dadka inta inta ugu qualityga yar baa hor cararta inta badan, haddii in wax garanaysa wax cid wax ka maqasha la helo wax yar oo nuxur badan bay sheegaan.

Maanta qoraalkan gaaban waxaan kaga hadli doonaa wararka iska soo daba dhacaya ee ka imaanaya Mudug, wararka iska daba imaanaya ee qosol iyo maad badan xambaarsan, waxaan jeclaan lahaa inaan laabta ku hayno inteenna arrimaha hadda mudug ka taagani akhuseeyaan inta aan ku jirno qoraalkan yar dhawr arrimood oo muhiim ah oo ay tahay in laabta lagu hayo inta qoraalku socdo midda ugu horraysaa waxaa weeye si looga baxo qaska, qalalaasaha iyo jahawareerka waxaan muran ka taagnayn in loo baahan yahay in la helo hoggaamiye, se doodi waa dhalan kartaa sidee hoggaamiye loo helaa, qodobka labaadina waxaa weeye inaanay jirin qof ama koox aan iska jeclahay anigu ama aan iska necbahay oo taasi dhaqankaygaba ma,aha saas darteed baan ka afeefanayaa inaan qoraalkayga loo arag surma seejin iyo duuflaalnimo.

Waxaa jira arrin iska caam ah oo laysla yaqaan oo ah in koox yar ama shakhsi aanu midkoodna keeni karin wax weyn oo isbaddal ah oo ama lawada jeclaado ama la wada naco ee waxaa wax weyn keena mujtamac qof waliba wixii uu yaqaan tabarruca ee qof ama kooxi kuma dacwoon karto guusha isbaddalka, mujtamucuna haddii ay tahay inuu hore u socdo waa lama huraan inuu aqoon yahan iyo wax walbaale yeeshaa waana inuu hogaamiye leeyahay. Waxaan muran ka joogin in qurba jooggii dalxiisayaasha u ekaa ee Gaalkacyo tegay 2006dii ay aasaas fiican dhigeen, laakiin xaalkii wuxuu noqday wadaad jiilaal takar lagama qabto oo dadkiiyoo iska deggan bay hiyi kiciyeen waxna soomay kordhin oo maamulkii meeshaas lagaga dhawaaqay natiijadii laga dhaxlay waxay noqotay kob abaar ah oo saddex madaxweyne leh, kobtaasi waxay qarka u saarantahay markii laysku daro madaxweynaha, wasiirrada, agaasimayaasha Ilka Dahab ee Al Jameeca walsunan iyo kuwa labada madaxweyne ee kale iyo kuwii Mr. Kiimico amaba Comico1 midkaad rabtidba ugu yeere waxa ay ka badanayaan, mujtamaca halkaas deggan, madaxweynayaashaas laysku cayrsaday ee layska daba keenay waxay qurbaha ka abuurtay dad yaab leh oo aan noocooda horay loo arag, muran mooyee aan dood fiican caafimaad qabta aan la imaan karin, waxaad arkaysaa kuwo jacbur iskaga hadlaya oo wixii ay ku hadlaniba aanay ahayn wax dadka nacfi u leh oo isku soo dhaweyn kara ee wax kasta oo dadka kala geynaya ku hadlaya, dad aan asluubta garanayn oo wixii afkoodu helaba iska oranaya, nasiib darrada taaganina waa middaas, dadka siyaasiyiinta ahi waa masiibooyin meel jooga, dad caama ah iyo shacab meel iska deggan oo danahooda ku mashquulsan bay siyaasad aanay ka war hayn ku furan markaasay dadka isku didiyaan caamadaasi wixii ay dhibaan ee dad dad kala geyn ah masuuliyaddeeda waxaa iska leh afarta nin ee shacabka isku didiyay mirahaasna qaraarka badan ayaa muddo dheer la gurtaa, dadkaas aan shacabka ah een ka hadlay markay isku daalaan baa galabtii ninba gurigiisii u carraabaa. Waxaan laysku khilaafsanayn in Mudane Kimico fashilmay isbaddalna waa loo baahday laakiinse Kiimico waa uu ku guul darraystay in si miyir ah oo deggan oon buuq lahayn oo nadaamsan maamulkii loogala wareego, haddaba baahidii iyo harraadkii markii hore een Kiimico imaan hoggaamiye fiican loo qabay ayaa ilaa iyo hadda taagan.

Luuqadda ingiriiska waxaa jira laba eray oo aad muhiim u ah marka la damco in hawl weyn la fuliyo waxaana la yiraahdaa (Aims & Objectives), Aims: waa yoolka, hadaf la higsanyo markii la gaarana loogu yeero achievement waana berrin barwaaqaa oo la rabo in reerka lagu furo taasaana ah guul gallad iyo guri barwaaqo, Objective: waa sida howshaas loo fulinayo iyo meesha loo marayo, labadaas eray waxaa ku daaban eray kale oo la yiraahdo Vision (waana aragti fog) saddexdaasi waa saddexdii dhardhaar oon looga maarmin hawl weyn oo la damacsanyahay in la qabto, waxaa la mid ah haddii la damco in dawlad ama maamul goboleed la sameeyo qofkii isku mashquuliyaa waa inuu marka hore caddeeyaa oo uu fahmayaa hadafkiisa(aim) marka xigana waa inuu yaqaan sidii iyo tabtii uu u mari lahaa oo u gaari lahaa, arrintaas, saddexdaas dhardhaar haddii aanad hayn maamul dawladeedna dhisiddiis hollisay waxaad gashay mawjad aanad ka soo laaban karin iyo xaalad dheelallaw ah, waana dhayalsi waajib culus maxaa yeelay haddii layska cawaysimayo oo Liillalow layska dhagaysanayo looma baahna Aims & Objectives waxaa kaliya oo loo baahanyahay in layska kaftamo, xoogaa laysku faan faano, ka bacdina layska kala tago.

haddiise aad saddexdaas haysid waxaa muhiim ah inaad la timaaddid (Focus & Commitment) waxayna yihiin inaad caqligaaga iyo kartidaadaba ku jeedisay hawshaas ee aan lagaa jeedin xaalad dabiici ah iyo mid aan dabiici ahaynba oo aanay dhawaaqyo iyo hillaacyo kale kuu bixin taasoo wixii aad qabanaysay aad inta marba qabyo uga tagtid haddana ku soo noqotid maxsuulkuna uu noqdo talo xumo oyo tacabqasaaray, intaas waxaa la jira commitment oo ah inaad ku dul gawracantid arrinkaas oo wax walba aad uga tagtid hawshaas si,aad natiijo uga gaartid xitaa markii in badani ay fashil iyo tacab khasaaray ay u arkaan waxaana la yiraahdaa UDHABAR ADAYG.

Focus iyo Commitment haddaanad la imaan markii aad hawsha gashidna waxaad soo kordhisay guul darro iyo gacma maran, Mudane. Maxamed Warsame Kiimico oo ahaa haldoorkii soomaalida marka laga hadlayo (Technocrats) iyo xukuumaddiisii sida muuqata ma,aanay dhigan Aims & Objectives, dadkii yagleelay oo u badnaa qurba joog dibadaha ka tegay waxay la tageen niyad wanaag natiijadii ka soo baxdayna waxay noqotay maamulkii lagu dhawaaqay ee loo baxshay Galmudug.Waxaa la yiraahdaa tirade eber asalka wax ku daridda iyo wax ka jaridda waxba kama baddasho, cilmi ahaanna waxaa loo yaqaan asal maddorshaha isugaynta iyo kala goynta, marka haddii mushaarkaaga eber baa lagaa goostay lagu yiraah ma xanaaqdid illeen waxaad ogtahay inaan waxba lagaa goosane haddii lagu yiraah eber baa laguugu darayna waa la mid marka Galmudug markii lagu daray anigu kumana farxin kumana xanaaqin, waxa kaliya ee aan ka caban lahaa maamulkaasna waxa ay ahayd magaca Galmudug. Waxay ahayd April 1975kii markii macallinkii school uu na weydiiyay mid waliba inuu sheego magaaladii iyo Gobolkii uu ka yimid ama ku dhashay, macallin waxaan ka imid Gaalkacyo oo gobolka Mudug ah baan iri, abaal marintii aan helayna waxay noqotay inaan noqday ardayga kaliya ee saxay magaaladii iyo gobolkii uu ka yimid taas macnaheedu waxa weeye in 34 sannadood ka hor aan aqiin in dhulkaas loo yaqaan Mudug. Markaas shacabkii faraha badnaa ee halkaas iskugu tegey 2006dii in laga waayo nin kaliya oo aqooda meesha in Mudug la yiraahdo waxay igula muuqatay kaftan iyo cayaar.

Arrinku siduu doonaba ha ahaadee Galmudug waxay soo kordhisay magac aad loogu baahnaa, laakiinse waxay ku fashilantay wax kasta oo kale, inay xafiisya samysato, inay booliis samaysato, inay maxkamado samaysato, inay dekado samaysato, inay wasiirro samaysato, inay taliyeyaal ciidan samaysato, inay dhaqaale samaysato,,, liiska wixii laga rabay inay samaysato haddii aan damco inaan wada qoro ilaa ciiddaan wadi karaa, waxaa jirtay sheeko afcarabi ahayd oo anigoo yar aan akhriyay, nin faqri ah oo la oran jiray Zindibaad oo ka tacabbiray Baqdaad, safarkii uu ku raadinayay nolol tan baqdaad uu ku haystay dhaanta wuxuu ku maray dhulal badan meela badan oo halis ahna waa uu galiyay, waxaa ka mid ahaa mar uu u tagay qolo meelo fog oo carabta ah deggan oo uu gabar ka guursaday, gabadhiina ay ka dhimatay, gabadhu ha dhimatee nasiib darrada meesha taal baa waxay ahayd in laba isqabta haddii midkood dhinto kan kale lala duugo, dhaqankii dhulka yiil baana lagu fuliyay Mr. Zindabaad waxaana lala duugay xaaskiisii dhimatay, ninkii ajashiisu dhammato ayaa dhintee Zindabaad ilaah waa ka badbaadiyay godkii la galiyay, u dambayntiina sannada badan ka dib wuxuu dib ugu soo laabtay Baqdaad, buugu sheekadaas wuxuu ku soo gabagabaynayaa Mr. Zindibaad asagoo faqri ah buu Baqdaad ka tegay wuxuuna ku soo noqday asagoo faqri ah. Mudane Kiimico wuxuu Galmudug oo fara maran ka tegay asagoo fara maran, saddex sannadood oo uu qaraab ugu maqnaa kadib wuxuu ku soo laabtay asagoo fara maran.

Mar haddii aynu isla garannay in hoggaamiye fiican baahi loo qabo, sidee lagu helaa hoggaamiye suuban? sideese ku garannaa astaamihiisa? yaa ah hoggaamiye khayr qaba?, waa kuma hoggaamiye? Ma nin oday ah oo garka xinne u marsan yahay, godan, aan hadal badnayn oo matoobad sitaa? ma nin dulqaad badan dadka islaaxiisa jecelbaa? ma nin dheeroo cas labis qurxoon, subkada aragtida hore la jeclaysto laakiinse aan caqli badnayn baa? Ma bashaash kaftan badan dadka meel iyo xaal la joogaba ka qosliyaa?, ma deeqsi wixiisa la wada leeyahay oo karti iyo hufnaan badan baa?… waa kuma hoggaamiye, sideesse loo soo helaa hoggaamiye.

Ragga cilmiga bulshadu uu dooxay eek u talax tegay waxa ay ku sheegeen mid dad soo jiidasha leh. Tamim Ansary nin la oran jiray oo caalin weyn ahaa wuxuu ku sheegay nin hawl socodsiiya oo wax kala wada laakiin waxaa la yiri kaasi waa madax, maareeye ama agaasime oo inkastoo hoggaamiyuhu uu marka si loo eego uu yahay agaasime hawl kala socodsiiye ah xaqiiqda dhabta ahi waxa ay tahay in agaasime, maareeye iyo janan kastaa aanu hoggaamiye ahayn.

Qeexitaanka ugu yar ee hoggaamiye laga bixin karaa waxaa weeye mid haysta raaciyad (mujtamac asaga raacsan) haddaba su,aal inta hoggaamiye raadinaysay wareerinaysay baa waxay ahayd maxay dadka qaarkood mujtamaca u soo jiidan ogyihiin halka kuwa kalena laba ilma adeerradood ah aanay meel isugu keeni karin, tusaale muxuu Sheikh Shariif Sheikh Axmed uu u helay in ku dhaw 300 oo cod oo uu Yuusuf Cumar Al Azhari uu u helay codkiisa oo kaliya.

Aragtiyo dhawr ah baa jira sifaha hoggaamiye, culimada mawduucan ku xeel dheeraaday qaar baa ku dooday ‘waa awood rabbaani ah oo mucjiso ah oo dadka qaarkood ay u dhashaan’, caalin cilmiga Sociology la yiraahdo u go,ay waxaa uu taas ugu yeeray ‘Charisma’ oo Charisma waa maxay? Waa karti sida birlabtii dadka u soo jiidata, kicisa dareenkooda, xiise iyo jacaylba galisa, furfurnaan iyo saamayn(influence)darteed, haddii la soo koobase Charisma waa qof soo jiidasho leh noocay doontaba ha ku timaaddee. Inkastuu erayga Charisma uu marxalado badan soo maray, oo habeenba uu meel u soo hoyday marka laga hadlayo cilmiga Theology la yiraahdo Charisma waxa ay ahayd hibo alle oo hadal orosha ogi ah iyo dadka quluubtooda oo la maqsuudiyo ha yeeshee tan iyo waagii cilmigaas Theology la yiraahdaa uu sidaas u yiqiin waqti dheer baa laga joogaa oo waxyaabo badan baa isbaddalay micnaha casriga ah ee eraygaasna intaas waa uu sii xuub siibanayay oo doorsoon baa ku sii dhacayay,haddaba marka laga hadlayo cilmiga la yiraah Sociology oo uu eraygu la micna yahay ‘ awood hoggaamineed ama karti’ turjumadaas oo uu bixiyay ninkii cilmiga bulshada ku xeel dheeraa ee Jarmalka ahaa lana oran jiray Max Weber noolaana intii u dhaxaysay 1864 – 1920

Aragtida kale ee lagu micnayn karo hoggaamiye waa Astaamo: Astaamo gooniya oo qofka hoggaamiye noqon kara ka soo daahira inta aanu hoggaamiye noqonba kuwaasoo haddii aad isla heshid in ka mid ah aad is garanaysid inaad hoggaamiye fiican noqon doontid tusaale ahaan, haddaad tahay caddaawe dheere laf iyo lud kulansaday, geesi warac ahna aad tahay oo laakiinse aadan caqli yarayn markaas waxaad ogaanaysaa inaad xoogaa raja leedahay, laakiin haddaad tahay nin tabar yar oon xoog badnayn, fulaynimo iyo bakhaylnima kulanaday, jacjacoor dabeecad adagna tahay raja fiican ma lihide waa inaad dadkaaga iskaga dhexjirtaa.

Aragti kale waxa ay leedahay, hoggaamiye sidiisaba waa kan sameeya wixii hoggaamiye looga fadhiyay, saasoo ay tahayna cilmi yaqaannada kala dhigdhigay hoggaamiyaha iyo astaamihiisa waxa ay dejiyeen arrima dhawr ah oo ay ka soo dhiraan dhiriyeen habdhaqanka hoggaamiyeyaasha kuwaasoo ay tahay inay ku daydaan kuwa jecel inay hoggaamiyeyaal noqdaan. Waxaa kaloo jira arrin dadka badankiis ay isku qaldaan taasoo ah aqoon yahan, indheergarad (intellectual) iyo Hoggaamiye (leader), kooxda hore waa dad aqoon iyo takhasus rasmi ah oo gooniya leh oo aan looga maarmin howl maalmeedka dawladeed waxaana afka qalaad lagu yiraahdaa (Technocrats) dadkaas aqoontaas lihi waxa ay ka mid yihiin waxa loo yaqaan Human Resources uu mujtamac kastaa u baahan yahay inuu leeyahay kumanyaal ka mid ah si mujtamacaasi uu u daboolo baahida uu u qabo horumar, laakiin dhinaca kale mujtamaca waxaa ku filan hal hoggaamiye oo hoggaamiye asagu sidaas waa uu ka duwan yahay waxaana laga yaabaa inaanayba muhiimad badan lahayn in qofka hoggaamiyaha ahi uu kasoo qalin jabiyay Yale iyo Harvard oo uu shahaadooyin waaweyn sito kaliya waxaa ku filan inuu leeyahay astaamihii aynu ka soo sheekaynay maxaa yeelay hoggaamiye waa titleka ugu sarreeya ee la qaato, ninka titlekaas sitaana wuxuu ka sarreeyaa kuwa sita taytallo waaweyn sida Dr. Siyaasi, Janan… iwm. Masalan waxaa la orankaraa Dr. Maxamed Warame Kiimico waa aqoon yahan , Maxamed Faarax Caydiid wuxuu ahaa hoggaamiye, sidaas darteed waxaa muhiim ah in la ogaado hoggaamiyenimadu inayan ahayn wax layska sheegan karo.

Ujeeddada qoraalkaygu ma,ayn inaan ka sheekeeyo hoggaamiye ee waxa ay tahay inaynu isla garanno baahida noo haysa hoggaamiye si looga baxo quustan iyo qarsanwaaga ka taagan Mudug, haddii aynu kuwo duuflaallo ah inta iska daba shubno aynu doonno inaynu ka baxno qalalaasaha inaga oon isla helin shacab(dadweyne)wax walbaale ah oo raaciyad ah iyo hoggaamiye hufan, markaas waxaa meesha ka jiraa waa qaraw ee caqli kama jiro.

Uma baahnid inaad noqotid mid aad u caqli badan si aad xal ugu heshid oo aad u ogaatid waxa dadka halkaas deggani u baahan yhiin, dadkaasi waxay u baahan yihiin inay si nabad ah oo xiriir iyo xigaalo ah meeshoodaas yar ugu wada noolaadaan inta soomaaliya lagu kala tagayo oo qolo walibaa qawmiyaddii adduunka ay jeceshahay ugu darsamayso, ama Oromo ha lagu darsamo ama carab ama maraykan iyo biljam ha lagu darsamee soomaaliya way kala darsami doontaa markaas qofkii wax caqli ahi ku hareen waa inuu gartaa in inta waqtigaas laga gaarayo dadka uu qaska iyo wareerka ka joojiyo.

Mushkiladan hadda Galmudug ka taagan waxay bilaabatay markii mudane Kiimico uu waqtigii ka dhammaaday asagoon waxba qaban nasiibdarradu waxaa weeye cidina garan mayso inta ay soconayso, laakiin waxaa la saadaalin karaa inay dhammaanayso markii la garto meeshu inay Gaalkacyo ilaa Hobyo inta u dhaxaysa tahay, oo ay beel rubuceed tahay marka waxaa lays waydiikraa maxaa buuqa iyo bulaanka dhaliyay ma batrool baa ka dillaacay aynaan ogayn, mase arrima kaloo aynaan ogayn baa jira oo maraakiib maraykan baa badweynta Hindiya ee hobyo Hogan oo nimco iyo barwaaqa xambaarsan oo saasaa buuqa iyo xasaradda loo aloosayaa, haddii kobtu kobtii ay tahay marka laga tago la sii mari jiray Xarka Goma iyo ximan saxariir, Docol iyo dhul dheer oo omos iyo abaar badan ilaa laga gaaro xeebta Hobyo Godan, haddii arrinku sidaas yahay maxaa buuqa keenay maa nin faataxa loogu daro, Haddiise qoladii awal magaca wadatay laga fujin waayey maa layskaga daayo oo Axmed Shariifna faataxo qaato ayadaa ka khayr badane maxaa dadka loo kala dilayaa illeen meeshii wax yaallaan baa wax laga qaataaye meel aan waxba oollin kan ka fuqi la, iyo kan rabaa waa isma dhaantiyo dhashood … dadka shacabka ahi intaasaa laga yaabaa inay ku wareeraan, laakiin dad aad u kooban baa og arrinku uusan saas ahayn ee uu yahay mudane. Kiimico oo faashil noqday, afar oday oo saaxiibadiis ahina ay wax la walaaqeen, muhiimadda ugu weynina waa Kiimico dabadiis inaan wax hufani meeshaas ka dhicin, taas uguma caraysnin Mr. Kiimico oo waa camal Africaan, ee waxaan ugu caraysannahay inuu garan waayay in Cumar Cabdirashiid oo koofurta gaalkacyo lagula kulmaa aanay ahayn sidii ayadoo la soo cimraystay saas darteed u yaraan in hal weji oo mid ah lagu qaabilo inta uu meesha joogo, mudane Cumar ina adeerkiis buu u yimid oo magaalada dhinaca kale ka jooga ha yeeshee aruursan, waa Mr. Faroolee, waxay kawada hadleen arrimo waa hore ay diyaarsadeen oo qabya ka ahaa iyo dhammaystirkooda, mudanahaas uu Cumar martida u ahaa Mr. Kiimicaa kaga waqti dheeraa haynta xilalka labada dhinac oo Mr. Faroole haddeeray ahayd markii meesha uu qabsaday, Kiimico ka hor iyo kadibba waa joogay, waxaa kaloo cajaab,ibka cajaa,ibkiis ah Kiimico waa ka aqoon iyo waaya aragnimo badan yahay faroole oo farooloon jirin buu Kiimico hawlo waaweyn diplomaasiyadeed ku jiray, haddana Faroole waa nin madax ah oo masuul ah oo dadkiisa nabad iyo horumar u sii hoggaaminaya, Kiimikana nasiib darro inta dakiisii kala qaybiyay buu xawaaraha u jaray inuu Cumar Cabdirashiid asagiyo dhiniciisu arkaan, hadday arkeense wax allaale iyo wax ay kala hadleen lama arko xoogaa catoow ah iyo xoogaa qosol gariir ah kadib waa layska kala tegay, waxayba u ekaatay mid ka mida ah guulihii waaweynaa ee Kiimico afartiisii sannadood, sidoo kale dhinicii kalena maalintii xigtay bay arkeen Cumar Cabdirashiid, illeen qof aan yaab arag yaab loogama sheekeeyo oo haddaanay taasi yax yax ahayn maxaa yax yax ah!!!.

Waxaa jira qolo yaab leh oo siyaasadda gadaal kaga soo biirtay waxaa la yiraahdaa Al-Jameeca Wal Sunnan waxay ku fiicnaayeen doorkoodii caadiga ahaa laakiin hadda qalad weyn bay bartanka uga jiraan waana inay damac yaab leh la yimaadeen oo ay meeshii afgambiyeen, ha afgambiyeene nasiib darro soomaalidu waxay ku maahmaadaa ninkaad kabo ka tolanaysid kabihiisaa la fiirshaa, ninkii aad ugu fiirsaday sawirradooda iyo meesha ay fadhiyeen mar ay sheegeen inay guddiyo sameeyeen quus iyo qannaas buu ka qaaday, qoladan waxaan u malaynayaa inay noqon doonaan kuwo bur bur baaxad leh keena oo kan Shabaabku i qarso noqon doono.

Labadii Madaxweyne ee hore ee Shariifka iyo Ilka Dahab, madaxweyne kalaa laga daba keenay, Col. Maxamed Axmed Caalin, anigu waxaan u malaynayaa Caalin inuu nin weyn oo masuul ah yahay haddii daacad iyo lillaahi ay jirto, Caalin wuxuu ahaa ninka kaliya ee u dhabar adaygay joogitaanka mudug markii lagu dhawaaqay maamulkii Kimico wuxuuna muujiyay karti iyo dulqaad markii meesha laga soo yaacay, Caalin waa nin oday ah dabeecad iyo dulqaad leh, faan iyo isla weynanna aan aqoon, waa howl wadeen hore oo waayo arag ah oo dadka isku wadi kara oon kala geynayn lana jecel yahay laakiin nasiib darradaa jirtaa waxay tahay”baadida midbaa kula day dayi daalna kaa badane- Oon abid inaad heshana doonahayn daa,in abidkaaye”, rag odayaal ah oo ay ugu tira badan yihiin Cumar Salaad iyo Maxamed Faarax Jimcaale dedaalka iyo buuqa ay la garab taagnaayeen Mudane. Caalin far weyn baa ku godan dad badanina uma malaynayaan in taageeradaasi dhab tahay, dhinaca kale Alsunnan Wal Jameeca inkastoo ay joogeen caleema saarkii Caalin, Axmed Shariifna ay diideen ilaa iyo hadda war cad lagama hayo mana sheegin in taladii ay yiraahdeen waa la wareegnay ay hadda Caalin ku wareejinayaan.

Mudane Axmed Shariif waxaan u malaynayaa inuu wax qabadka kaga fiicnaan lahaa xukuumaddii Kiimiko haddii Shariif Sheikh Axmed iyo ku meel gaarku taageero weyn la garab istaagaan oo ay Galmudug u aqoonsadaan maamul goboleed markaas waxaa u sahlanaanaysa inuu UNka iyo hay,adaha kale kula doodo in la siiyo Galmudug miisaaniyadaha la siiyo Somaliland iyo Puntland oo kale, laakiin waxaan la hubin inta ay le,egtahay taageerada uu ka haysto Sheikh Shariif iyo Kumeelgaarka waayo waxaynu ognahay doorka Cabdi Qaybdiid ee ku meelgaarka, taasoo haddii Shariifku uu Shariifka kale Mudug u aqoonsado hinaase iyo xasarad ku dhalin karta Mr. Qaybdiid, intaas waxaa Axmed Shariif uga daran Alu Sunnan oo Gaalkacyo ku tira badan oo aan jeclayn markaas haddii xitaa Shariifka kale soo taageero waxaa loo arkayaa fara galin bannaanka ah, waxaanse muran ka taagnayn in shacabka inta casriga (sophisticated) una badan dhallinyarada iyo baayac mushtarka firfircoon ee raba in si dhakhsa ah horay loogu dhaaqo ay asaga rabaan.

Haddii marka xaalku halkaas joogo oo arrintu ay isugu soo dhacday ismari waa (stalemate) waxaa muhiim ah in ilbaxnimo lala yimaado, la doodo oo laysku tanaasulo lana heshiiyo.

Labada eray ee “Compromise iyo Deal” adduunka miisaan culus bay ku fadhiyaann marka laga hadlayo is afgaranwaa waayo is afgaranwaa kasta waxaa lagu xalliyaa “Compromise iyo Deal” oo ah meel dhexe oo layskugu yimaado iyo is afgarad hoose oo laysla gaaro, si hoose oo qarsoon inta loo wada hadlo wax loo qaybsado kabacdina heshiis iyo tanaasul lagu dhawaaqo oon layskaga bixin waayo haddii layskaga baxo wixii hoos ahaan loogu heshiiyay waxaa imaanaysa in mushkiladdii meesheedii haddana ka bilaabato. Labada madaxweyne waxaan aad u jeclaan lahaa inay gartaan murankooda waxa ka weyn ee si shakhsiyan ah labadooda iyo si caam ahba uga ba,aya mujtamaca ayaa ka badan oo ka weyn waxaa ay gooni goonida u raadinayaan.

Waxaa marka aad u fiicnaan lahayd in Mudane Caalin iyo Mudane. Shariif ay deal iyo is afgarad gaaraan, ninna loo tanasulo, waxaa kaloo aad u fiicnaan lahayd is afgarad hoose ka bacdi Mudane. Shariif u tanasulo Mudane Caalin arrimahan soo socda dartood:-

a. Waa midda koowaade Axmed waa nin dhallin yar fursad badan baana horay u jirta, magaca iyo maamuuska uu ku helo tanasulka uu manta sameeyo baana berri u noqon karta qaybweyn oo taariikhdiisa gasha xoojisana damac kasta oo siyaasadeed oo uu mustaqlbalka la yimaado.

b. Waxaa uu jeexayaa dhabbe cusub oon soomalidu horay ugu dhaqmin oo tixraac u noqonaysa dadka dambe, sidaasna wuxuu ku noqonayaa nin wax fiican bilaabay, xaddiiskii rasuulkuna wuxuu ahaa ninkii wax fiican dadka u bilaaba tan iyo inta waxaas la sii sameeyaba ajar iyo xasanaad buu ka helayaa, ninkii wax xun bilaabaana waa taas bil caksigeeda.

c. Arrinka kale waxaa weeye dadkiisii oo meeshay iska nici lahaayeen is jeclaada, oo ogaanaya inay yihiin dad haddii mushkiladi ka dhex dhacdo wada hadli kara oo isku tanaasuli kara ee aanay ahayn dad dugaag ah oo haddii ay wax yari dhexmaraan is laynaya oo isku dhammaanaya, dadku waxay walaal yihiin marka ay ogyihiin in wixii dhexdooda ka dhaca ay si nabad iyo dood iyo wada hadal ku xalisan karaan ee haddii marka nabad la yahayna layska sheekaysan karo oo la wada qaxweyn karo mar haddii mushkiladi dhacdana laysku baa ba,ayo dee walaal lamaba aha.

d. Arrinka kale waxaa weeye haddii uu Axmed Shariif ay tahay inuu guulaysto waa inuu wada shaqayn ka helaa Mudane. Kiimico oo uu faylka ku soo wareejiyaa taasina ma muuqato oo Mudane. Kiimico wuxuu jeclaan lahaa inuu wax iskala sii calqisto saaxiibkiis Jaalle. Caalin.

Haddii taasi ay dhacdo waxay noqonaysaa arrin cajiib ah oon horay loo arag waxayna karbuuno weyn ku ifin doontaa Kiimico iyo kooxdiisii, iyo Ahlu Sunnan Wal Jameeca sida ay daacad uga yihiin taageerada Jaalle Caalin, waxaa kaloo waajib noqonaysa labada baarlamman in la mideeyo tirada badanna ama 60% ay ka yimaadaan baarlamaanka tanasulay, uuna guddoomiyo guddomiyaha ilaa iyo hadda laysla ogol yahay Mudane. Salaad Ducaale, jaale Caalinna uu soo dhiso dawlad yar oo aanay qurba joogu ku jirin baarlamaankana laga ansixiyo.

Marka golaha wasiirrada la ansixiyo waa in ciidamada, mleeshiyooyinka, boliiska iyo wixii ammaan ku taxaluuqa oo dhan lagu wareejiyaa madaxweynaha dadka wareejinayana waa inay ugu horraysaa Ahlu Sunan Waljameeca si ay u caddeeyaan daacadnimadooda.

Waa in aanay jirin maleeshiyooyin gaar loo leeyahay waana inaanu jirin wasiir maleeshiyo iskiis u lihi.

Madaxweynuhu waa inuu magacaabaa governors iyo taliyeyaal ciidan oo daacad u ah disciplinenna leh oo awaamiirta madaxweynaha ku shaqeeya ee aan iskood u shaqaysan.

Madaxweynaha iyo golihiisa wasuurradu waa inay noqdaan kuwo dadka la jooga oo wax qabta ee aanay noqon kuwo qurbahooda iska wareega.

Madaxweynuhu waa inuu door muhiim ah siiyaa madaxweynihii ka horreeyay iyo kii u tanasulay labadaba.

Madaxweynuhu waa inuu si deg deg ah u dhisaa guddi aqoon yahan ah oo diyaariya baahida Galmudug ee waxbarasho leh, ee caafimaad leh ee dib u dhis leh, guddigaasina waa inay soo ban dhigaan baahida looga baahanyahay inay daboosho Dawladda federalka ahi iyo waxa looga baahan yahay bulshada caalamka.

Intaas markii laysla helo madaxweynuhu waa inuu guddiga isku xirka deeqaha soomaaliya iyo haddii wax ka sii hareen kooxdii contact group la oran jiray waa inuu xiriir la yeeshaa kuna guulaystaa in qaybtii Galmudug ay baxshaan, arrintaasi ma dhib yara waxayna u baahan tahay farsamo, laakiin haddii Nairobi layska aad aado ama waraaqo layska qor qoro kaddibna dadka lagu maaweeliyo waxbaa soo socda aan jirin markaas waxay noqonaysaa tanagnimo maran iyo naftoo been lagu maaweeliyay, hay,adaha iyo shaqsiyaadka lala kulmo waxaa loo baahan yahay in loo sheegi karo sabab macquul ah oo tusaysa in iyaga laftigooda dani ugu jirto inay taageero bixiyaan waa in la ogaado adduunka wax baryo la yiraahdo wax laguma bixiyo waxaa wax lagu bixiyaa wax la yiraahdo mutual benefit oo ah in wax la kala faa,iido.

Somaalida iyo carabtu waxyaabaha ay iskaga midka yihiin waxaa ka mid ah in qofka ay wax ka rabaan ay iskaga tororogleeyaan, haddii aad u fiirsatid nin carab ah oo masiixi ah oo ka hadlaya television reer galbeed ah ninkaasoo la yiraahdo Saeeb Arakat, waad la yaabaysaa hadalkiisa tira badnida… hadallo badan oo laysku wada aadiyay oo wada run ah, sida Israel waxay jabisay dhammaan security council qaraarradiisii, dhammaan heshiisyadii aan la galnay tan iyo Oslo, waxay iska sii wadataa urya dhisashadii dhulka ay naga haysato, annaga afar iyo labaatanka saac cunaqabatayn bay nagu haysaa, booliiskeenna wey laysaa, ballan kastaa wey noog baxaan, gidaar dheer dabadiis bay nagu oodday.. waxaasoo aan dhammaanayn buu sekenno gudahood ku taruurixiyaa markaasuu maraykanka ka dalbadaa inuu culays saaro Israel, laakiin nikaasi waxaas uu dal dalmayo hal kalmo laga heli mayo warkiisa uu maraykanka ugu sheegayo wax nacfi ah oo uu maraykanku ka helayo inuu falastiin la jirsadoo Israel culays u saaro, ninkaasi wuxuu wadahadal Palestine ugu jiray tan iyo intii aan garaadsaday ilaa iyo haddeerna hadalkiisii sidii buu u tira badan yahay una nuxur daran yahay Palestinenna halkeedii bay iskaga jirtaa, marka waxaan ula jeedaa madaxweynaha waxaa laga rabaa inuu raadsado dad wax kala garan kara, Galmudug iyo amuuraheedana xiisa u qaba. Dhaqan xumada soomaalida waxaa ka mida meel walba mid aan tayo lahayn baa hor cararaya oo aan faraha kala baxayn oo ku naban ninkii meel hoggaamiya markaasaa arrintu fashil ku dhammaataa markaas madaxweynihii loo tanasulaa waa inuu arrimahaas aan ka hadalnay uu ka jiba keenaa muddo sannad gudihiis ah haddii kale uu meesha iskaga tagaa.

Mudane.Kiimico waxaa jira tuhun weyn oo ah inuusan rabin in wax asaga ka dambeeyaa aanay najixin, taas soomalidoo dhan baa ka sinnayd marka laga reebo Mudanayaal. Aadan Cadde Cisman iyo Claahi Ciise Maxamuud, markii talada la hayo oo fadhiid la noqdo iyo iyo markii waqtigu kaa dhammaado oon la wareejin oo qas iyo qalalaase la abuuro Kiimico gooni looguma eedayn karo oo Africa iyo dunida saddexaad oo dhan baa la qabta, horraantii lixdamaadkii waagii loo baxshay sannadkii xorriyadda Africa baa waddan yar oo Africa ku yaal oo Malawi la yiraahdo waxaa qabsaday nin la yiraahdo Kamusu Panda, dadka dalkaasi waa ay caga caddaayeen oo kabo la xirto ma,ayan aqoon mana haysan markaas Mudane. Kamusu markii uu qabsaday waa uu is boohiyay wuxuuna sheegay xanuun inuu ka qaaday cagaagga iyo caga caddaanta dadkiisa haysata wuxuuna ballan qaaday muwaadiniinta inuu kaba ka simi doono, Mudanahaas waxaa xukunka laga faramaroorsaday mar dhawayd oo aan fogayn asagoo gaboobay laakiin maal badan haysta, Dr.Kamuusu Panda wuxuu ahaa ninka dalkiisa ugu cilmiga badan, laakiin afartan sannadood oo uu xukumayay wuxuu ka tagay dadkiiyoo sidii u cagacad, tolow hal warshadna oo dadka kaba ka sinta ma u samayn waayay! Mudane Kiimiko wuxuu ahaa ninkii dadka ugu aqoonta badnaa uguna waaya aragsanaa laakiin saddex sanadood oo taageero hiil iyo hooba leh lala garab taagnaa weli meesha Ahlul Jameeca Wal Sunnan baa haysata marka asaga arrinkiisa waxaan ka tiriyay tixdan gaaban:-

Waxba yaanu cilmiguu daalacdiyo Cashar na gaarsiine

Waxba yaanu cagaaggii na helay (Cayma naga siine)

Waxba yaanu culay udug ah iyo haruub caana nagu siine

Waxba yaanu Geediga carrawtiin caynka ugu jiidin

Waxba yaanu cirkoo da,aya iyo noogu furin meel cagaar badan leh

Waxba yaanu xareed laga cabbiyo meel carshina geyne

Waxba yaanu cudud nooga dhicin cadaw na soo haybshay

Waxba yaanu Cillallowga fiidnimo nooga caad bixine

Waxba yaanu sidaan caamma nahay celiyay2 noo sheegin

Ee waa cajab allee haddii aanu culumadii meel cidla ah joojin

Uu caga dhigoo calaf an jirin uu cayrada ka daayo

Cadkuu bi,iyay uu calaliyee tufee een cunaha gaarin

Caalin, Shariif iyo Jameeciyo xertuu ceeb isugu geeyay

Cidla orodkii duhur reerahaa is nacaa nooga ciil badane

Nin cirroobay garashiyo waxaa lagu tuhmaa caafimaad hadale

Mid ciyaala oo caaq ah oo cayilay oon caadna garanaynin

Inuu caalle yahaa lagu tuhmaa ama ciyaal suuqe

Carro muuq qurxoon meel rays leh cuurar iyo xoolo

Casar galab ah meel wacan oo lagu caweeynaayo

Haddaan culumiyo laga helayn caalin iyo caabud

Maqribkiyo cishihiyoo tegoon cidi ka doodaynin

Caasiyaal waxaa loo gartaa camal rabbi illoobay

Ciqaab iyo waxaa looga baqi dhuxul cadaabeede

Nin cibaada badan oo dikriya oo caadil lagu sheegay

Oo casarkiyo allaylkaba salaad caadil ugu taagan

Cirifkii Fardawsiyo waxaa loo filaa jannadii carafta weyneeyde

Cidla meel ah Sokeeyaha is nacay iyo u caalwaaga

Cadka aan la cunin, la ciideeyayay ee cidlada yaalla

Dan la,aanta Culimada jameecada iyo ciirsili,idooda

Saddexdaas collowdeen haddana kala carraabaynin

Cuqaal iyo wax garad li,idaas jirtaa nooga ciil badane

Cutubkaas intaan cayn ku qoray Caad ma qabadsiiyay

Carrab godan dadkaa kugu nacee cay ma ka ilaashay

Cilmi laawe layskama dhigiyo caama dhega weyne

Culuun gabay ah oo loox ku qoran iyo Cashar miyaan dhiibay

Carafkiisa roob soo onkoday iyo cadar miyaan keenay

Geedaha Cagaarkiyo iyo ubaxa caynba cayn qariyay

Cirkoo da,aya saymaha curtiyo caraf dabayleed dheh

Curdankooda laamaha bixiyo tigaad caaraddu is gaartay

Xareed ciidda galacyeynaysiyo cagaar baxay sidiisii dheh

Cawskiyo tigaaddoo is dhexgalay oo caaraddu is gaartay

Cayaar dhaanto Baarleex4 sidiis iyo wilisqo codkeedii dheh

Ca,da gabay sidaan macallin ahay Cayn ma ka higgaadshay

Ma caddeeyay sida caalinkii ceeb la,aan hadalka

Cutub kalena waa amuurahan socdee lala cajiibaayo

Cabdallihii la sheeg sheegi jiray iyo ma maqal culumo waaweyne

Caadadii la daayaa waxa la yiri cara llay reebtay

Cawarreere, Cilmi3 iyo miyaan laba xusayn culumadii reerka

Ma cibaaro soo korortay baa jirtoo looga wada caagay???

Haatan iyo dan, dadka inta u waaweynbaa la rabaa inay xishoodaan, meesha horta waxba maba jiraan laakiin maadaama Soomaaliya ay u dhammatay oo aanay jirayn wax dambe oo la yiraahdo Jamhuuriyad soomaaliyeed waxaa muhiim ah in laga shaqeeyo sidii meeshaas loogu kala nabad gali lahaa haddaan caqli lala imaan hadeerna wallee ceeba badan baa soo higle.

1. Mudane. Comico waa Kimico, maxaa jira waxaa la sheegay inuu nin dadka aad uga qosliya yahay oo maad badan.

2. Celiyay: Waa Maxamed Warsame Kiimico oo sheegay in asagu aanu xukunka wax ka rabin laakiin aan sidaas u dhaqmin.

3. Waa Sheikh Cali Cilmi yare.

4. Waa Cabdullaahi Xirsi Baarleex, wuxuu aad caan u ahaa sannadihii siddeetamaadkii oo dhaantadiisii yaabka lahayd iyo codkiisa macaan iyo murtidii ka burqan jirtayba lagu maaweelaysan jiray, gaar ahaan qofkii ku safray baskii Guryasamo ee Xamar iyo Gaalkacyo iskaga dhex gooshi jiray.

Maxamuud Maxamed Siyaad

Email. mohammed@siyadcommerce.com

London, UK.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.