Home » Maqaallo »

Qaska Khawaarijtu : Aljihaad ama Aljibaax waa kee? | Deeq

Qaska Khawaarijtu : Aljihaad ama Aljibaax waa kee? 

Kalimadda Jihaad waa kalimo Islaamka qiimo badan ugu fadhida, wuxuu islaamku ka leeyahey jihaadku ujeeddooyin waaweyn, tiirar uu ku taagan yahey ayaa jirta iyo anshax u gaar ah jiaadka iyo dadka wada, qof kasta oo mujaahid sheegtana ma ahan mujaahid, sida qof kasta oo darajo uusan gaarin sheegta uusan uusan uga tageynin xaqiiqda waxa uu yahey si kasta oo uu u xirto shaati ka weyn. 

Haddii aan kaliya ku kaaftoono arkaanta (tiirarka) jihaadku uu ku taagan yahey, lagana rabo inuu soo buuxiya qof kasta oo sheegta, laguna kala saari karo kuwa dhab ahaanta jihaadka ugu jira, iyo kuwa Cabdalla Shideeye uu ka yahey, waxaa ugu horeysa niyad wanaagsan inuu la yimaado qofka jihaadayaa, laakin hadda sida isbaheysiga khawaarijta ka muuqata waxey u dagaalamayaan oo meel kasta isaga soo habar wacdeen ka burburiya Sh.Shariif oo yuusan calfan madaxtinimada, mar kasta oo ay hadlaan waxaa ka muuqata caro iyo ciil ay u qabaan ninkaas oo ay xulufo ahaan waqti waqtiyada ka mid ah. 

Tiirka labaad waa in ay raalli ka yihiin labada waalid (haddi ay nool yihiin) oo ay u soo ogolaadaan wiilkooda inuu jihaadka ka qeybgalo, laakin waxaad arkeysaan in madaxda khawaarijtu ay caruurtii yaryaraa ka xadayaan waalidkoodii, xataa haddii ay soo raadsadaan lama siinayo waayo waalidkaanba waxey u aaminsan yihiin inuu murtad jihaadka diidan yahey, kumana ekaan caruurtii masaakiinta ah ee ay ku beerlaxawsadaan siinta moobeelada iyo Soddonka doolar , ee waxey ka soo xadaan caruurta waalidiinta dalka dibadiisa degan, ayadoo waalidkii uu ka war helo wiilkiisii uu weysanaa oo maydkiisa looga cararey jidadka Muqdisho ama meelaha kale ee ay fitnada ka huriyaan. 

Tiirka Saddexaad waa in jihaadka maamulkiisu uu hoostago hogaamiyaha muslimiinta, waxaa isweydiin mudan waa kuma hogaamiyaha muslimiinta Soomaaliya ma Sh. Shariif baa mase waa Axmed Godane oo indha shareer xaafadaha dhexdooda ku mara, cabsi uu qabo awgeed, oo isku wareejiyey istaaf ajnabi dalalkoodii danbiyada ka soo galey, haddii ay run ka tahey jihaadka uu ku andacoonayo muu iska furo indho-shareerka oo horey u soo galo dagaalada kooxdiisu ay wadaan, waxaan shaki iiga jirin in uu si qoto dheer u fahamsan yahey Godane waxa uu wado in aysan jihaad aheyn, taas awgeed ayuu u jecleysanayaa naftiisa oo uga ilaalinayaa khatar oo dhan, waxaan la soconaa oo kale in ninkaan ay leeyihiin waa amiir sida uu ku soo galey koofurta Soomaaliya in ay aheyd asagoo falal dhac hantiyeed iyo dilal ka soo geystey Somaliland, oo fakad ah uu u soo cararey dhanka koonfurta, ninkaas DANBIILAHA ka ah Hargeysa oo ku xukuman xabsi daa’im, Koofurta Soomaaliya waa ka AMIIR, waxaan filayaa dadku maba akhriyaan dhacdooyinka, mana dabagalaan taariikhda kuwa baadida ku hogaaminaya. 

Tiirka Afraad waa in si dhab ah loogu diyaargaroobo dagaalka inta aan la aadin ka hor, laakin waxaa isweydiin mudan qori gaaladu soo saarto, iyo rasaasta warshadahoodu soo saarto haddii aad tiraahdo gaaladaan kula dagaalamayaa !! ama rasaasta iyo qoryaha aan jihaadka ku galayo Eritrea ayaa i siineysa !!! ama rasaasta aan beri ku dagaalamayo maantaan Suuqa Bakaaraha ka gadanayaan? Waxaasi diyaargarowga qur’aanku sheegayo ma yihiin?  

Tiirka Shanaad waa in la adeeco hogaanka, oo loola jeedo adeecidda hogaamiyaha jihaadka waqtigiisa ka hor iyo inta lagu jiraba, waayo hogaamiyuhu inta badan wuxuu ku dhaqaaqaa waxa khayrka umuddu ku jiro, laakin Godane kooxdiisa mufsidiinta ah ma yihiin kuwa shaqeeya khayrka umadda, waxey sal kiciyaan boqolaal kun oo guryahooda si nabad ah ku deganaa, waxeyna dadkaasi galeen dalalka ay ka mid yihiin Itoobiya iyo Keenya !, waxey ku fallaagoobeen hogaamiyihii muslimiinta Soomaaliya waxeyna ku tilmaaman yihiin “Buqaat”, waxaa ka sugnaadey xadiith rasuulka uu ku leeyahey “ qofkii dagaalama asagoo ku fallaagoobey hogaamiyaha muslimiinnta wuxuu dhintey geeri jaahilayad ah” 

Hadaba waxaa isweydiin mudan, ruux niyaddiisu tahey hebel ka ciidee, oo intaas ku darsadey caasi-waalidnimo, oo ku fallaagoobey madaxweynaha dawladda Islaamiga ah, oo hub iyo rasaasta Eritrea doonaya inuu ku xasuuqo muslimiinta Soomaaliyeed oo dhamaan aadaabtii dagaalku lahaa ku xadgudbey, waxa ay wadaan kooxahaas intaas oo tilmaamood leh ma JIHAAD baa mise JIBAAX. 

Jawaabtu waa mid iska cad, waa qar iska tuur iyo hawd cidla’ ah iska jibaax, waxaana arinkaas ugu wacan faham yarida diinta Islaamka, iyo ayadoo safafkooda ay dhexgaleen cadowga muslimiinta oo doonaya in ay nuxurka ka qaadaan macaanka, naxariista, iyo isu baari falka diinta Islaamka. Isbaheysiga khawaarijtuna waa kuwa banaanka ka taagan tilmaamaha jihaadka Islaamu uu leeyahe, falalkooda guracanna laguma tilmaami karo jihaad. 

Waxyaalaha fahamkooda qaloocdey uu gaarsiiyey waxaa ka mid ah in barnaamijkooda jibaaxa iyo qar iska tuurka ay ka wada wadaan dhamaan wadamada muslimiinta, wadamada qaar gacan bir ah ayey iska qabteen, kuwa qaarna waxey ka faa’ideysteen duruufta markaas ka jirta, Soomaaliya kuwaan ayey ka mid tahey, waxaana lagama maarmaan in isbaheysiga sharwadayaasha khawaarijta meel looga soo wada jeesto, laga ciribtiro Soomaaliya, inta aysan dhulka iyo dadkaba fasaadin. 

Deeq Maxamed Axmed

Qaranimo2009@yahoo.com

Muqdisho 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.