Home » Warar »

kulan balaaran oo ay isugu yimdeen qaar ka tirsan saraakiisha Booliiska

Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen kuna kala warqaateenn saraakiisha ciidanka Booliiska ka Dowlada Fadaraalka KMG ayaa manta ka dhacay dugsiga sare ee booliiska

Sawiro kaloo dheeraad ah daawo

Kulankaan oo ay ka soo qeybgaleen in ka badan 150 sarkaal oo Booliis ah ayaa waxaa looga arinsanayey qaabka loo sugi lahaa amaanka goobaha ay dowladu maamusho iyo qorshayaal kale oo horyaal ciidamada Booliiska

Shirka maanta saraakiisha ka so qeybgashay ayaa waxaa ka mid ahaa taliyahay ciidanka Boliiska Janaral Cabdi xasan cawaale ( cabdiqeybdiid ) iyo ku xigeenka taliyaha ciidanka Booliiska jeneral Maxamed cabdi John iyo Maxamed Nuur sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay jeneral bashiir jaamac warsame ( bashiir gobe ) oo ah madaxa xiriirka caalamiga ah iyo tababarada kana tirsan Booliiska calamiga ah ee Interpol

Taliye xigeenka ciidanka Booliisk dowlada isla markaana ah madaxa xiriirka caalamiga ah iyo tababarida kana tirsan Booliiska calamig ah ee Interpor oo ka hadlayey shirka ayaa sharaxaad balaaran ka bixiyey isaga oo shegay in dowladaha caalmaka ay la so galeen heshiisyo kala duwan oo qaarkod ay yihiin in garab iyo la siiyo tabbaro si ay u helaan qibrad sareyso ciidanka Booliiska wuxuu sheegay in ay wadamadaas isku soo afgarteen hashiisyadii ay isla gaareen.

Taliye xigeenka ciidanka Booliiska dowlada isla markaana ah madaxa xirirka caalamiga ah iyo tababarada kana tirsan Booliiska calamiga ah ee Interpol ayaa sidoo kale sheegay in dib u habeyn casri lagu sameeyey dhismaha akadeemiyada Booliiska

Waxaa la keenayaa oo jidka ku soo jira dhamaan qalabkii iyo dareskii uu lahaa ciidanka Booliiska sida qalabkii jiifka ,joodariyaal ,kuwii jikooyika iyo cunada ,waxbarashada iyo xafiisyo leh coputer-o waxaana loo sameynayaa garoon ay ku qaataan jikmicsiga iyo tababarka.

Hadalka jeneral bashiir Jaamaca oo ahaa mid meelo badan taabanayey kaas oo ku soo biyo shubanayey qorshaha iyo barnaamijka akadeemiyada ayaa waxaa ka dib madasha ka hadlay taliyaha cidanka Booliiska dowlada fadaraalka Jeneral Cabdi Xasab Cawaale ( Cabdiqeybdiid ) isaga oo shegay in ay dalka soo gaareen ciidamo k atirsan kuwa AMISOM oo qeyb ka noqon doono ciidamada nabad ilaalinta ee midowga Africa .

Dhanka kale taliyuhu wuxuu faafaahiyey dharka ciidanka Booliiska uu qaadan doono wuxuuna husay in uu jiro amar ay bixisay xukuumada KMG somaliyeed sida ciidanka Booliiska in uu la muuqaal noqdo ciidamada Booliiska ee wadamada Gobolka ee bariga iyo bartamaha Africa maadaama uu ciidanka bolice ka somaliyeed uu xubin ka yahay ciidanka bolice ka gobolka ee loo yaqaan yasko ( ururka taliyayaasha ciidamada Booliiska ee Gobolka geeska Africa .

Jeneral bashiir goobe wuxuu kale oo u sheegay in mardhow uu soo gaari doono ciidanka Booliiska uniform kii loogu talagalay oo u ku shegay in uu yahay mid casri ah.

Dharka soo socdo ayuu ku shegay in shaar blue ah ,koofiyad madow iyo surwaal madow waxaana la socon doono tai iyo jaakad uu leeyahay sarkaal kasta marka uu xaflad ka qeyb galayo.

Ilaa 30 June ee sanadka soo socdo ayuu xusay bashiir goobe in ciidanka Booliiska ee u tababaran habka casriga ah lehna aqoon cidan oo ku filan ay noqon doonto tiradoodu ilaa 10.000 oo askari wuxuuna sidoo kale xusey in asbuucaan gudihiisa 150 sarkaal tababar loogu soo gabagabeeyey dugsiga sare ee Booliiska ee magalada Muqdisho .

Jeneraal goobe ayaa xusay in bilaha fooda nagu soo heyso uu bilaaban doono laba tababar oo is dhinac sodo kaas oo ay ka qeyb qadan doonaan 1100 dhalinyaro somaliyeed ah 1000 nin iyo boqol haween ah wuxuuna shegay in ay qoran yihiin ciidankaa cusub waxaana ku soo xigi doono 3 ciidan tabar ku soo qaatay xerada bilaadin ee ku taal gudaha dalka Ethiopia ,labaatan jirow 3 ,iyo ciidanmo uu ku sheegay in ay yihiin kuwo la meeleeyey .

Taasi ayuu shegay taliye ku xigeenku in ay soo afjari doonto kala qoqobnanta ciidanka Booliiska dhexdiisa ah iyo dhaqaalaha wuxuuna intaa ku daray in ciidanka bolice ka somaliyeed dhamantis uu noqon doono mid isku misharo ah iskuna maamul iyo maamuus ah isku taakulen isku dhar dhamaan tababaradaan ayuu sheegay in ay saldhig u tahay ku dhaqanka shareecada Islaakma.

Taliska Booliiska ayaa heshiis la galay wadamada caalmka in saraakiisha ciidanka Booliiska dalka dibadiisa lagu soo tabbaro wuxuuna sheegay in dalka ay ka bixi doonaan dhawaan kooxda diyarinta manaahijta oo tababar u bixi doonto sodoo kale ayuu sheegay in ay bixi doonaan koox kale oo uu ku magacaabay kooxda xafiiska Interpol ee bolice ka calamiga ah ee somaliya heshiiska ayaa qodabadiisa waxaa ka mid ahaa in la how galiyo xafiiska Interpol ka ee ciidanka bolice ka somaliya si uu ula jaanqaado bolice yada kale ee caalamka ka jira

Gaashaanle sare Cabdi Xasan Cawaale Qeybtiid oo isna qudbad dheer ka jeediyay kulanka ayaa waxaa uu sheegay in tababarka la siinayo ciidamada Boliiska uu yahay mid ka dhacaya dalka gudihiisa iyo dibadiisa isagoona tilmaamay in tababarka lagu siinayo ciidamada Boliiska gudaha dalka ay gacan weyn ka geysanayaan saraakiisha Boliiska iyo ciidamo Boliis ah oo ka socda AMISOM oo dhawaan lagu soo biiriyay kuwa jooga Soomaaliya.

Waxaa soo gaba gabeeyay shirkii mantataliyaha ciidamada boliiska dowladda KM Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid ayaa waxa uu ugu baaqay saraakiisha boliiska ee ka soo qeyb gashay kulanka in boliisku uusan dhibaatayn dadka shacabka ah islamarkaana shacabka aysan ka cararin boliiska isagoona tilmaamay in wax badan laga qabtay maalmihii u dambeeyay dhibaatooyinkii ay ciidamada dowladda ka geysan jireen degmooyin ka mid ah gobolka Banaadir,waxaa uuna sheegay in bishan la siin doono musharkii loona bilaabi doono ciidamada booliska soomaaliyeed.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.