Home » Sports »

Jaamacadda Muqdisho oo Qaadanaysa Arday ah heer Master of Business Administration

BISHAARO IYO OGAYSIIS

Xafiiska Daraasaadka Sare ee Jaamacadda Muqdisho waxa uu ogaysiinayaa ardayda heysta Shahaadada Jaamacadeed (Bachelor) 4 sano ah, in Jaamacaddu qaadanayso dafcaddii 2aad ee Takhasusska Master of Business Administration (MBA) oo ay isla fulinayaan Mogadishu University iyo Open University Malaysia.

Barnaamijkani wuxuu u fududeynayaa ardayda dhamaysatay waxbarashada heerka jaamacadeed:

  • in ay diyaariyaan Maajisteer (MBA) ah iyaga oo ay caawinayaan khubaro Caalami ah.
  • In ay adeegsadaan Manhaj tayo leh iyo Technologyad casri ah.
  • in ay helaan tacliin tayaysan ayaga oo aan ka dhoofin dalkooda hooyo, wataana hawlahooda.

Qabashada faylashu waxa ay ka bilaabanaysaa xarunta dhexe ee maamulka Jaamacadda Muqdisho Maalinta Sabtida 05/09/2009 waxayna ku egtahay 26/09/2009.

Saacadaha shaqadu waa 8:00 subaxnimo ilaa 3:00 galabnimo.

Ogoow kuraastu way xadidantahay ee yaanay ku seegin.

Wixii faahfaahin dheeri ah fadlan la xiriir Xafiiska daraasaadka sare ee Jaamacadda ee KM5:

Tel: 932454 – 223433 – 858479 Fax: 216820
E-mail: pgraduate@mogadishuuniversity.com ama moguniver@galobalsom.com
Ama booqo: www.mogadishuuniversity.com 

 

jaamacad2

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.