Home » Siyaasad »

Dagaal ooge soow dad malaha?|Ahmed Haadi

Dagaal ooge soow dad malaha?

Waxaa shacabka soomaaliyeed la gudboon inay is weydiiyaan, ragga dagaal oogayaasha ah ee bulshada u horseedaya dagaalka iyo dhibaataynta joogtada ah halka ay jiraan xaasaskoodu, iyo carruurtooda. Weli miyaad aragtay dagaal ooge dhaqtarka ugu yimid xaaskiisii ama cunugiisii oo dhaawac ah ama dhintay, iyagoo la qaxaya carruurtoodii iyo xaasaskoodiiba, amaba iyagoo u shaqo tagaya goobaha ganacsiga si ay risaaqad ugu raadiyaan qoyskooda???

Runtii qofkii raadiya jawaabta waxaa u soo baxaya in dagaal oogayaashan dadka jid iyo jiho u diiday ay carruurtoodii iyo xaasaskoodii aysanba joogin soomaaliya iyo meel madfac iyo hoobiye ka dhacayaan toona, oo ay ku nool yihiin dibadaha iyo meelo ammaan ah, kuna jiraan waxbarasho iyo duggaal daryeel leh.

Dadka soomaaliyeed waxaa loo baahanyahay in dadkaan noocaan ah ee carruurta dibadaha gaystay aanan loo saamixin inay carruurta dadka kale ay dab ku guraan, waayo caqli gal ma aha in wiilkayga aan geysto dibada, wiilasha dad kale dhaleena aan dagaal iyo waxbarasho la’aan meherad uga dhigo arinkaa waxaa loo baahanyahay in lagu baraarugo.

Runtii ma aha wax la qaadan karo, in dad sooman oo haddana ay u dheer tahay duruuf dhaqaale, dagaal, qax, iyo welwel nafsadeed, ay waqtigii ay afuri lahaayeen lagu afuriyo baas iyo madaafiic halkaasna ay ku waayeen afurkoodii, iyo cibaadadii ay allaah ugu dhawaan lahaayeen bishan barakaysan. ayna ku kalifaan qax iyo kala carar iyo cabsi joogto ah. dareen ku joog iyo dareen ku jiif.

Dadkaan iyaga ah haddii damiirkooda tusi waayay tacadiyada ay wadaan waxaa lagama maarmaan ah in runta loo sheego oo la yiraahdo anaga ayaa wadanka dagan anaga ayaana qaxayno, xabaduna nagu dhici, marka cidii naga guurtay nooma talineyso waayo isku talo ma nihin.

Dadweynow waxa la gaaray waqtigii la baraarugi lahaa.

Ahmed-haadi Muhumad Ahmed
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.