Walaal Caawi Wiilkaan yar ee dhibaataysan
Walaalka Muslimka ahow caawi C/raxmaan Axmed Maxamed oo ah wiilkaan yar oo seddax sano jir ah lana dhibaataysan cudur haya muddo sanad iyo bar kabadan, Wiilka yar isagoo jira sanad iyo bar ayaa waxaa ku dhacay shuban, kadibna jirro xagga indhaha ah ayaa ku dhacday.
Wiilka waalidkiis waxay geeyeen isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka dhamaantoodna wax waa looga qaban waayey, wuxuu u baahan waayey daweyn dibadda ah.
Waalidiinta dhalay wiilka yar ee xanuusan ayaa ka codsanaya dhamaan dadka Soomaaliyeed ee alle wax siiyey iyo Jaaliyadaha dibadda inay caawiyaan dadaal badanna ku bixiyaan sidii loogu heli kagaa daeyn dibadda ah.
Haddii aad rabto inaad caawiso wiilkaan yar ee uu hayo xanuunka xagga Indhaha ah la xiriri taleefanadaan oo laga heli karo wiilka aabihiis waxaana ay kala yihiin 00252-1- 5857729 ama 5573321
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
0025250-995088
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.