Home » Warar »

Dagaal adag oo gacmaha la isula tagay oo ka dhacay Tuulada Bula-Dari ee gobolka Jigjiga

Barnaamijkii Radio Xoriyo  
28 August 2009.
 
Dagaal adag oo gacmaha la isula tagay oo ka dhacay Tuulada Bula-Dari ee gobolka Jigjiga
Ciidanka gumaysiga Itoobiya oo waxyeelooyin kala duwan gaadhsiiyey dad shacab ah.
Ciyaartooy Itoobiyaan ah oo baxsaday kadibna qaxootinimo  codsaday.
Jaaliyada Ogadenya ee magaalada Ottowa oo shir balaadhan isugu timid.
Dood iyo Falanqayn ku saabsan   Horumarinta Halganka.
 
======================        
 
Dagaal adag oo gacmaha la isula tagay oo ka dhacay Tuulada Bula-Dari ee gobolka Jigjiga
 
Ciidamada qalabka sida ee xoreynta ogadenya  ayaa  weerar xoog leh ku qaaday ciidan gumaysi oo ku sugnaa tuulada Bula-Dari oo ka tirsan degmada Jigjiga  25-08-09,kadib markay ciidamada cadowgu xadhig iyo waxyeelooyin kale u gaysteen dadka rayidka ah ee tuuladaas Bula-Dari dagan,waxaana halkaas ka dhacay dagaal weyn  oo khasaare ba,an loogu gaystay ciidamada gumaysiga itoobiya,wariyaha RX ee jiida hore ayaa nooso tabiyey in  N/hurayaashu ay dul istaageen 21 mayd oo kamid ahayd askartii  wayaanaha ee  laga taagroonaaday oo markii dambe tuulada la iskala baxay  waxaa sidoo kale dagaalkaas lagaga furtay ciidamada cadowga hub iyo saanad milatari oo u badan rasaas.xafiiska RX ee magaalada Jigjiga oo shalay la xidhiidhay tuulada Bula Darri ayaa loo xaqiijiyey inuu maydka askarta wayaanuhu ka batay intii hore oo maydad badan lagu arkay goobihii dagaalku ku fiday,tuulada Bula-Darri oo ku taala halka ay iskaga daraan labada tog ee Gooraale iyo Faafan ayaa hada xasiloon kuna jirta gacanta ciidanka xooga Ogadenya.
 
 
05-08-09 Tuulada  Kudunbuur ee Gobolka Jarar dagaal ku dhex maray ciidanka qalabka sida ee Xoreynta Ogadenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya  ayaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 2 askari, waxaa laga dhaawacay 3 kale inta la hubo.
 
 09-08-09 Ceel Maxidha oo ka tirsan degmada Dannood ee gobolka Doollo dagaal ka dhacay waxaa ciidamada saamalaluudka ah lagaga dilay 3 askari waxaa laga furtay 3 dii qori ee ay wateen,halka dhaawaca aan faahfaahin rasmi ah laga haynin.
 
Ciidamada qalabka sida ee xorenya Ogadenya ayaa weerar dhabagal ah  ku qaaday ciidan gumaysi
oo mararay Duud Ciid oo ka tirsan gobolka Qoraxay 17-08-09 waxaana weerarkaas lagaga dilay ciidamada wayaanaha askar badan oo weli tirinta maydkoodu ay socoto.
 
23-08-09 Tuulada Cadaadleey oo ka tirsan gobolka Jarar dagaal kulul oo ku dhex maray ciidamada xoreynta ogadenya iyo kuwa gumaysiga itoobiya ayaa loogu awood sheegtay ciidamada cadowga waxaana halkaas lagag dilay 25 askari
 
 
Ciidanka gumaysiga Itoobiya oo waxyeelooyin kala duwan gaadhsiiyey dad shacab ah.

Ciidamada gumaysiga itoobiya  ayaa 10-08-09  ku xidh-xidhay Degmada Sagag ee gobolka Nogob :
 
1- Ibrahim Cabdi Shaafi
2- Abaadir Maxamud Cabdi
3- Maxamed Cabdinasir
 
 
 10-08-09 Tuulada Muluqmayo oo Ka tirsan degamada Baabili waxay ciidamada nacabka gumaysiga itoobiya nabaro halis ah gaadhsiiyeen kadib markay si xun  u jidhileen Muxumed Maxamed Deeq, waxayna ciidamada wayaanuhu dhibanahaas ka dhaceen 1000 bir
 
 
12-08-09 Degmada  Dhagaxbuur ee gobolka Jarar waxay ciidamada cabudhisku ku xidheen:
 
1- Axmed Deeq Rodol
2- Cibado Deeq Rodol
3- Zahra Sulub Xasan Rodol
4- Maxamed Cumar Maxamed
 
Ciidamada gumaysiga itoobiya ayaa 13-08-09  ku dilay  Dhagaxmadoow wiil yar oo 13 jir ahaa waxaana lagu magac aabi jiray wiilkaas alle ha unaxariistee Maxamuud Faliidh.
 
 15-08-09 Degmada Iimey Bari ee gobolka Shabeele, waxay ciimada cadowgu  si xun ugu jidh-dileen:
 
 1- Shariif Nuur Shariif Maxamed
2- Shariif Cabdi Shariif Miyir
3- Ceeg Faarax Axmed
 
Isla 15-08-09 Deegaanka  Gurada Eimey ee gobolka Shabeele, waxay ciidamada boobka iyo kufsiga loo keenay ogadenya ku kufsadeen  gabadh da,yar oo deegaankaas ku nool, dhanka nabadgalyada gabadhaasi darteed ayayna noo suura galin inaan magaceeda sheegno balse aan u gudbinay hay,adaha ay khusayso sida xuquuqul insaanka( Hodan Axmed Cabdiqadir).
 
Tuulada Caado ee gobolka Doollo,waxay ciidamada cadowgu ku xidheen 19-08-09 dadka kala ah:
1- Cali Dalab Xasan Qaaray
2- Xasan Adan Gaani
3- Abshir Axmed Yaasin
4- Axmed Dahir Sacabayare
 
 20-08-09 Meesha la yidhaahdo  Balanbal oo ka tirsan  gobolka Qoraxay waxay ciidamada gumaysigu si xun ugu jidh dileen kadibna dhaceen : Axmed Dhidar Cabdullahi oo ahaa nin ganacsade ah waxayna  ka dhaceen 17,000 oo bir
 
Jaaliyadda Ogadenya ee magaalada Ottowa ee wadanka Canada ayaa 25-08-09 isugu timid shir balaadhan oo ay kasoo qayb galeen qaar kamid ah madaxda sare ee jwxo sida Gudoomiyaha Hogaanka arimaha dibada mudane Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi iyo gudoomiyaha hogaanka harti-dhowrka jwxo mudane Maxamed Macalin,shirkan oo ay kasoo qayb galeen dad fara badan oo aad u xiisaynayay warbixinada madaxda jwxo ee shirkaas goob jooga ka ahayd ayaa lagu falanqeeyey habsami us ocodka halganka iyo sidii kor loogu sii qaadi lahaa ,waxaana shirkaas khudbado iyo warbixino kasoo kala jeediyey labada gudoomiye hogaan ee ka midka ah madaxda jwxo.
 
Ciyaartooy Itoobiyaan ah oo baxsaday kadibna qaxootinimo  codsaday.
 
Koox kamid ah Ciyaartooyda orodka   oo ay xukuumada gumaysiga itoobiya u soo dirsatay inay uga qayb galaan ciyaaraha orodka ee ka socda wadanka ingiriiska  ayaa ka dhuuntay hotelkii ay daganaayeen kadibna qaxootinimo isu dhiibay.
 
Ciyaartooydaas matalaysay itoobiya oo London soo gaadhay isniintii lasoo dhaafay ayaa laga waayey hotelkii ay ka daganaayeen London maalintii talaadada ahayd si loogu sii qaado gobolka Scotland oo ah halka ciyaaruhu ka dhacayaan.
 

 
Cayaartooyda ilaa hadda la hubo inay is-dhiibeen ayaa kala ah; Betelhem Shewatatek, Feleke Bekele, Hagos Tadesse iyo Tirehas Haileselassie,waxaana la sheegayaa inay jiraan ciyaaryanaho kale oo aan weli is dhiibin balse baxsaday.
 
Madaxa  kooxda cayaartooyda ah ee itoobiya matalaysa  Dagmawit Amare , ayaa  sheegay in baxsigaasi yahay arin murugo leh oo ku dhacday itoobiya ,wuxuuna intaasi ku daray in is dhiibka ciyaartowdaas uu dhaawac weyn  gaadhsiinayo xidhiidhka cayaaraha ee Itoobiya, isla markaana waxyeelo u geysan doona muuqaalka siyaasadeed ee dowlada Itoobiya.
 
Bishii July ayey aheyd markay dhowr arday oo Itoobiyaan ah, aqoon kororsi koobana loogu soo diray wadanka Ingriiska ay qaxootinimo isu dhiibeen iyagoon waxbarashadoodii dhamaysanin,waxaana dhowr bilood ka hor u baxsaday wadanka Maraykanka masuuliyiin sarsare oo isugu jiray mudanayaal barlamaan iyo wasiirro,baxsadkaas masuuliyiinta iyo ciyaartoyda  waxaa si joogta ah u garab socda baxsadka ciidamada gumaysiga ee  ubaxsada wadamada dariska la ah gumaysata itoobiya.

 
Radio Xoriyo 
 
28 August 2009
 
Cabdinuur Sh. Maxamed
 
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 16 MB iyo 19 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Habeenada Talaadada & Sabtida  20:00PM – 20:30  waqtiga

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.