Home » Warar »

Dakadda Muqdisho oo dayactir laga bilaabay

Shirkad lagu magacaabo Alpha Logistics oo Dekedda caalamiga ah ee Muqdisho ka bilowday dayactirkii ugu ballaarnaa tan iyo markii Dekedda dib loo furay

Sawiroo kaloo dheeraad ah daawo

Olole ballaaran oo lagu dayactirayo Dekedda Caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa ka furmay halka ay Maraakiibtu ku soo xirato ee marsooyinka Dekeddaasi, waxaana mashruucaan oo ay waddo Shirkad lagu magacaabo Alpha Logistics ay bilowday inay isku duba riddo fulinta howlahaasi.

Mashruucaan oo Dekedda ka bilowday muddo saddex maalin kahor ah ayaa waxaa lagu guuleystay in xeyndaabka Marsada laga bixiyo haraaga burbur Markab oo ku jiray gunta hoose ee marsada afkeeda hore, gaar ahaan halka ay maraakiibtu ka soo galaan.

Shirkadda Alpha Logistcs oo ah shirkad ay leeyihiin Injineero Soomaali ah oo iyagu aad ugu xeel-dheer khibradna u leh dhinaca Badaha, isla markaana horay uga soo shaqeeyay Dekedda Muqdisho iyo Howlaha Maraakiibta ayaa waxay howlahooda ku wajaheen ugu horeyntiiba biraha iyo meelaha ay ku jiraan wasaqda iyo ciidda.

Madaxa Shirkadda Alpha Logistics Shipping C/llaahi Cali Axmed ayaa ka warbixiyay howlahan lagu dayactirayo Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho oo ay shirkaddiisu ka wado, isagoona sheegay in muddo sanad gudihiisa ay isbedel weyn ku sameyn doonaan guud ahaan Dekedda Muqdisho, gaar ahaan marka loo eego Maraakiibta ku soo xiraneysa.

Eng. C/laahi Cali Axmed waxaa kale oo uu sheegay in howlahan dayactirka ah ay bilow yihiin, isla markaasina ay doonayaan in maalmaha soo socda ay biro, wasaq iyo ciid uga saari doonaan qeybo ka mid ah marsada Dekedda iyo hareeraheeda, wuxuuna Injineerku sheegay in haatan ay calaamadiyeen goobo dhowr ah oo ay ku jiraan Maraakiib yar yar iyo qashin dhibaaootin ba’an ku hayay in maraakiib waaweyn ay ku soo xirtaan Dekedda.

“Inshaa Allah waxaan rajeynayaa marka ay howlaheena noo dhammaadaan in muddo sanad gudihiis ah ay Dekedda ku soo xirtaan Maraakiibta ugu waaweyn caalamka oo markii hore aan rajo ka qabin inay ku soo xirtaan” ayuu yiri Eng. C/llaahi Cali Axmed (Eng.Caddow) Madaxa Shirkadda Logistics Shipping.

Dhinaca kale howlahan ballaaran ee lagu dayactirayo guud ahaan Dekedda caalamiga ah ee Muqdisho ayaa ah tii ugu horeysay ee nooceeda ah oo lagu sameeyo Dekedda tan iyo markii dib loo furay, waxaana howshaasi oo ay maal gelineyso Hay’adda WFP la sheegayaa inay socaneyso muddo saddex bilood ah sida ay sheegayaan khubarada shirkadda Alpha Logistics Shipping.

W/Diyaariyay: Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)

E-mail jabriil37@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.