Home » Announcements »

100 jir labada Gacmood ka jaban oo in la kaalmeeyo u baahan.

Aabe Soomaaliyeed da’diisuna tahay 100 jir islamarkaana labada gacmood ka jaban ayaa ka codsanaya Dhamaan Walaalaha Muslimiinta ah gaar ahaan kuwa Soomaalida ah ee Alle wax siiyay kuna sugan gudaha iyo dibada inay u miciinaan, noloshiisa oo dhibaato ay soo foodsaartayna wax kala qabtaan.

Qaar ka tirsan Saxafiyiinta ayaa Maanta ku booqday Odeygaasi dhibaateysan gurigiisa oo ku yaal halka lagu magacaabo Ceelka Xasan Wadan agagaarka Tuulada Hareeri Madoobe oo ka tirsan Degmada Balcad ee G/sh.dhexe mana jirto cid la joogta odaygaasi oo xitaa u adeegeysa ugu yaraan madaama uusan isagu wax qabsan karin.

” Hal Wiil ayaan dhalay isagana waxaa iga dilay Ciidamadii Itoobiyaanka ee Dalka soogalay mana haysto sidoo kale wax dhaqaale ah oo aan nafteysa ku maciino haddaba waxaan walaalaha Soomaaliyeed ka dalbanayaa inay wixii ay awoodaan ii qabtaan” ayuu yiri Odeyga 100 jirka ah mar wariyayaashu wax ka weydiiyeen hadii ay jiraan wax carruur ah oo uu dhalay .

100 jir

Haddaba cid kasta oo dooneysa inay 100 jirkaasi wax tarto madaama lagu jiro bishii barakaysneyd ee Ramadaan waxay ku soo hagaajin kartaa Taleefanada kala ah :
002521-5506210 ama 002521-5573321

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
0025250-995088

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.