Home » Ramadan »

UWS:Waxaan Shacbiga Soomaaliyeed leenahay Ramadan Kariim

Dhammaan Xubnaha Ururka Waddaniga Soomaaliyeed waxay halkaan Ummadda Soomaaliyeed ugu Hambalyeynayaan Bisha Barakaysan ee Ramadan. Waxaan Shacbiga Soomaaliyeed oo dhan aan leenahay Ramadan Kariim.

Bisha Ramadan sifaha iyo faa’idooyinka ay leedahay waxaa ka mid ah:

1. waa Bisha Naxariista iyo Sadaqada
2. waa Bisha Cibaadada iyo Dambi dhaafka
3. waa Bisha Cadaab ka xoreynta Adoomaha
4. waa Bisha Qur’aanka Kariimka uu soo degay
5. waa Bisha ay ku dhex jirto Habeen ka khayr badan kun Habeen
6. Waa Bisha Shayaadiinta la xirxiro
7. Waa Bisha Albaabka Janada la furo
8. Waa Bisha Albaabka Naarta la xiro

Haddii aan nahay Bahda UWS Waxaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ku Baraarujinaynaa iyagoo ka faa’ideysanaayo Fursadaan Bishaan Barakeysan ee Ramadan iney muujiyaan Allah ka cabsi badan, isu soo dhawaansho iyo isu qalbi furnaan, lana joojiyo dagaalada dhiigga badan daadinaya, laguna dadaalo sidii nabadda loo soo celin lahaa.

Waa in loo gargaaraa dadka barakacay lagana caawiyo sidii ay guryahooda ugu soo noqon lahaayeen. Waa in laga farxiyaa Masaakiinta aan waxba haysan, lana Afuriyaa. Insha’Allah.

Waxaan kaloo shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqeynaa fursadda bishaan Ramadan inay ka fogaadaan ficillada aan wanaagsanayn, sida dagaalada, xasuuqa, Afduubka iyo Qabyaaladda. iWM. Insha’Allah.

Waxaan Allah (SWT) ka Baryeynaa inuu na waafajiyo Raxmadiisa iyo Dambi dhaafkiisa ee Bishaan Barakeysan ee Ramadan. “Aamiin”

Waxaan kaloo Allah (SWT) ka baryeynaa inuu nabadgelyo iyo Caafimaad nagu gaarsiiyo Ramadaankaan Ramadaankiisa Kale. Insha’Allah. “Aamiin”

Ramadan Kareem Dhammaantiin.

Abdullahi Jama Mohammed

Afhayeenka Ururka Waddaniga Soomaaliyeed

Toronto, Canada

info@waddaniga.org

soomaalibaanahay@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.