Home » Siyaasad »

Soomaaliyeey waxaa wax laga xumaada ah|Ahmed Haadi

Qof kasta oo soomaali ah oo leh damiir islaanimo iyo wadaninimo wuxuu aad uga xun yahay, hurdi la’yahay, la murugoonayaa, wadnihiisu la garaacmayaa, ceeb ku ah iyo waji gabax, isweydiinayaa daqiiqad kastaba, la kufaa dhacayaa, masiibada ku habsatay wadankeenii haba ugu darnaadeen gobolada koofureed gaar ahaan caasimadii quruxda iyo qaayaha badneed ee Muqdisho, caasimadii uu qalbiga ku hayn jiray inuu maalin uun tago qof kasta oo soomaali ah ha joogo miyi ama magaalo kale amaba wadanka dibadiisee.

Waxaa wax laga xumaado ah in qarankeenii aan ku badalanay jufo, jilib, qurac iyo qansax. Waxaana marnaba qalbigu qaadan karin umad burburinaysa dhamaan wixii astaan dowladnimo, dhaqan iyo hiddihii lagu yiqiin, taariikhdii lama iloobaanka ahayd ee uu dalku soo maray iyo wax kasta oo wanaagsanaa, kuna badalay in maanta taariikhda qura ee laga dhaxlayo wadankeenii ama caasimadeenii ay tahay dagaal lagu dabar go’ay, burbur, xasuuq, barakac iyo dad aan is dhaamin oo aad moodo inay dhamaantood tababar ku soo qaateen sida ummadda loo laayo, loo barakiciyo, waxna loo burburiyo.

Waxaa wax laga xumaado ah in markii uu shacabka dhibaataysani ay cirka daruur ka fishaan oo ay is yiraahdaan maanta bay curatay daruurtii nabadu, rajaduna wax yar soo noqoto, nin walbana uu bowdkiisa xaarto, ay soo dayso daruurtii dhibco baaruud ah oo holciya dhamaan masaakiintii weelasha u dhigatay si ay ugu doogsadaan, taasoo dhaxalsiisay shacabkeenii niyad jab iyo quusasho.

Soomaaliyeey waxaa wax laga xumaado ah in maanta aan aduunyada dacaladeeda dawarsano , in dhalinteena iyo maatadeeniiba ay badahu laqeen, magacii iyo haybadii aan caalamka ku lahayna ay badashay inaan nahay dugaag, qaxooti iyo dad aan dadnimo lahayn, arimaas waxaa noo keenay waa waxa aan isku sameynay , oo aan walina wadno.

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa caano daatay gadaashoodaa baa la qabtaa wixii dhacay waa dhaceen, bal caqliga ha taliyo waana in la helo odayaal, waxgarad iyo culumaa’udiin u istaaga wax ka qabashada dhaqankaan xun ee soomaaliya ku gaamuray oo ah in dagaal iyo qori afkii wax lagu xaliyo.

Rabbi lagama quustee waxaan Allaah ka baryeynaa inuu fadliga bisha ramadaan ee barakaysan noogu soo dajiyo daruur nabadeed oo aan dhamaanteen ku arwaaxno. aamiin.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Ahmed-haadi Muhumad
haadi30@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Soomaaliyeey waxaa wax laga xumaada ah|Ahmed Haadi "

  1. afcadde says:

    ahmedow waan ku salamayaa walal inkastoo aad tahay muwaadin somaliyeed oo ka gubanaya dhibka haysta dalkeena iyo dadkeena , hadana hal rayi waan kugu diidanahay kaas oo ah in odayaasha walow aanad kala saarin odayaasha qaarbaa sun ah culimada lafteeda qaarkood ka daran , waayo kuwa hada ubadka da yarta ah dagaalka geynaya kuna guubaabinaya inay dagaalamaan waa culimo ku sheeg , laakiin odayaashii dawaladihii hore ka soo shaqeeyey khibrada iyo waayo aragnimada leh ee garanaya macnaha dawlad ledahay oo talo iyo tusaaleba laga heli karo , laakiin oday miyi laga keenay oo dawladnimada moodaya ama u haysta geel reer hebel loo xareyey yaan wax loo dhiiban waxna loo dirsan

  2. wadanka says:

    somalida hafahanto in aan wax lalarabin