Home » Warar »

Gudiga Taakulaynta dadka dhibaataysan oo sheegay Meelaha lacagta loogu soo aadinayo

Gudida Taakulayta Dadka Tabalaaysan Oo Soo Bandhigay Goobaha Ay Doonayaan In Lacagta Loogu Soo Hagaajiyo

Gidida taakulaynta dadka tabaalaysan oo dhowaan kasoo dhex baxay dhinacyada bulshada ee ku sugan magaalada muqdisho ,ayaa qaylo dhaan ugu baaqay dadka deeqaha bixiya ee gudaha dibada kala jooga iyagoo shaaca ka qaaday inay doonayaan in dadka dhibaataysa ee ku nool duleedka caasimada iyo gudahaba in wax lala soo gaaro.

Gudida taakulaynta oo ka kooban 11-xubnood ayaa baaqooda ku xusay inay dadka soomaaliyeed is taakulayn karaan islamrkaana loo baahan yahay in iyadoo laga faa,iidaysanayo bisha barakaysan ee ramadaan dadka dhibaataysan lala soo gaaro wax alla waxii la awoodo .

Gudoomiyaha gudida taakulaynta dadka tabaalaysan Sh ,jaamac cabdi salaam maanta saxaafada la hadlayey ayaa cod dheer ugu baaqay dadka muslimiinta ah ,jaaliyadaha dibada ee soomaaliyeed iyo inta danaysa shacabka soomaaliyeedba waxuu ugu baaqay inay umadooda islaamka ah ee dhibaatada barakaceed iyo aahiba lasoo gaaraan waxay u heli karaan.

sh_hiiraan

‘’waxaan ugu baaqayaa umada muslimka ah ee kala jooga dibada iyo gudahaba inay dadkooda ku dhibaataysan duleedka caasimada iyo daafahaba lasoo gaaraan waxay u heli karaan islamrkaana xitaa 1-$ dollar haday tahay ay afurin karto hal qof ‘’ ayuu yiri sh,jaamac cabdi salaam oo ah gudooiyaha gudida dadka tabaalaysan

Sidoo kale Gudidada taakulaynta dadka tabaalaysan ayaa kala ah sidan islamrkaana ugu baaqay waxii ka qayb qaadanaya yabooha umada dhibaataysan inay kala soo xiriiraan sidan :

1-gudoomiyaha sh,jaamac cabdi salaam Tel:mopile =5147979 Muqdisho

2-gudoomiye ku xigeen cali maxamed siyaad (cali dheere) Tel=5230440 Muq

3-xoghayn C/risaaq axmed ibraahin tel=5552977 muqdisho

4-jaamac suudi faarax tel=5512262 Muqdisho

5-sh,c/laahi maxamed cali (sh,c/laahi Hiiraan)

6-axmed maxamed barre

7-Ugaas mahad Ugaas maxaamed ciise

8-sh,maxamuud aw-cabdiile cariif

9-xasan maxamuud cismaan

10-Eng.maxamuud maxamed faarax

11-c/fitaax shimbiroow

taakulaynta3

Ugu dambayntii gudida taakulaynta dadka tabaalaysan ayaa soo bandhigay accunada iyo aderessyada loogu soo hagaajiayo dhaqaalaha dadka doonaya inay kaalmeeyaan dadka ku dhibaataysan duleedada iyo gudaha caasimada muqdisho kuwaasoo kala ah .

Shirkada Dahabshiil Accun No#D,O,O,O 4783

Shirkada Amal Accun No#44140

Shirkada qaran Accun No#1150

Iyo telefoonada kor ku xusan

yaasiin faytaan

yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.