Home » Warar »

Deeq kaalmo lacageed dhan $1450 oo la gaarsiieyey masaajidka isbaheysiga islaamka

Deeq kaalmo lacageed dhan $1450 oo la gaarsiieyey masaajidka isbaheysiga islaamka ee Magaalada Muqdisho .


Sawiro kaloo dheeraad ah daawo

Ilaahey wuxuu yiri cid kale ma camirto masaajidada ilaahey oo aan ka aheyn kuwa aminsan ilaahey iyo maalinta khiyaamo ee la qatan lana qaawanyahay ,camirida masaajidka waxay u qeybsantaa laba oo kala ah in aad ku camirtid cibaado iyo in aad ku camirto dhisidiisa ,qurxintiisa iyo dib u habeyntiisa intaas kuwa sameeyo ilaahey wuxuu ku sifeeyey in ay yihiin muuminiin ,

Nabigeenii NNKH wuxuu yiri hadii aad aragtan qof ka caada yeeshay ama qalbigiisu ku xiran yahay masjidka iimaanka uga marqaati kaca ,dhismaha masaajidada iyo dayactirkiisa waxaa ku sugan ajir weyn sadaqa oo masaajidka baydka ilaahey la galiyo waxaa lagu helayo ma qayaasi karno sida ku soo aroortay axaadiista iyo kitaabka alle ,

Nabigeenii NNKH wuxuu yiri xadis kale qofkii dhisa masaajid ilaah ayaa guri uga dhisa janada dhaxdeeda

Marka dadka ahlu kheyrka ah waxaan ugu baaqeynaa in ay ka qeyb qaataan dhismaha

Masaajida iyo howlaha kale ee alle loogu dhawaado intii ay maalkooda cadaab ku mutaysan lahaayeen nacudi bilaahi .

Ka qeyb qaadashada dhismaha masaajidada waa sadaqo jaariyo ah sadaqa jaariyo ahna qofku ahduu dhinto ajirkedu waa mid soconayo ,

Waxaa xadiis kale uu ku yiri Nabigeenii NNKH wuxuu yiri hadii qof bini adam ha uu geriyoodo camalkisu waa dhacayaa ilaa sadax meehee waxaan ka mid ah sadaqada jariyada ah sida masaajid aad dhisto ,waxyaalaha la waqfo sida ceel in aad qodo hadii aad awoodo in aad kitaabo la aqristo aad sadaqeysato .

Waxaa kale oo ka mid ah wiil wanaagsan oo waalidka u duceyo taasna waxay ku tusaysaa in ilmaha quraanka la baro oo laga dhiibo xaqa macalinku leeyahay tan sadaxaad ayaa lagu sheegay cilmi anfacayo isaga ama dad u horey diinta u baray inta cilmigaasi u jiro ajirkiisau waa u soconayaa

Masaajidka isbaheysiga islaamka waxaa mudooyinkii ugu danbeyey ka socday howlo dib loogu dayactirayo dhismaha masaajidka oo ay ka qebqaadanayeen dhamaan bulsho weynta somaliyeed gudaha iyo dibadaba waxaana la gaarsiiyey lacago kala duwan oo loogu deeqay sidii uu dib loogu cibaadaysan lahaa beydka ilaahey

Sidaas oo kale ayey maanta soo gaartay deeqo kala duwan oo ka kala yimid dadka magacyadooda hoos ku qoran yihiin waxayna kala yihiin

1. Xaliimo Cabdulle Guure oo dagan Magaalada London $200

2. Ifraax maxamed Yuusuf dagan Magaalada London $200

3. Enj. Cali Duurow oo wakiil ka ah Maxamed cabdulahi $1050

Dhamaan lacagahaas tabarucaada ah waxaa la gudoonsiiyey maamulka masjidka isbaheysiga somaliyeed sida qadiibka 1aad Shiikh Shariif Cabdiraxman Culusow

Qadiibka 2aad Shiikh Cumar Xuseen .

Munaasibadii wareejinta tabarucaada ayaa Waxaa joobjoogayaal ka ahaa Xubnaha gudiga dhismaha masaajidka isbaheysiga islaamka maxamed Cabdi xaliim iyo Enj : Cali duurow

Sheekh Maxamuud Owcabdulle Cariif oo ka mid ah culumada waaweyn ee dalka ayaa ka soo jeediyey hadalo baraarujin ah wuxuuna ka codasaday bulshada somaliyeed in ay ka qeybqaataan dhismaha masaajidka qeyntiisa danbe isaga oo xusay in ay dhamaatay qeybitii hore ee dhismaha masjidka .

Sheekh Maxamuud Owcabdulle Cariif ayaa shegay in la bilaabo wajiga labaad ee dhismaha masaajidka qoftana waxaa lag adoonayaa in u ka qeybqaato iyo in lagu tartamo isla markaana laga qeyb galo sadaqada jaariyada ah cidkasta oo gacan ka geysatana alle ayaa ka abaalmarinayo

Owcabdulle Cariif waxaa kale oo u sheegay in ay jiraan dad badan oo kaalmooyin balan qaaday balse ay weli soo garin wuxuuna xusay in ay gudigu rajo ka qabaan in maajidka isbaheysiga islaamka ay dayactiri doonaan bulsho weynta somaliyeed .

Sidoo kale waxaa xafladaa gudonsiinta deeqda maajidka ka hadlay ika hadlay iimaamka Sheekh Shariif Cabdiraxman Culusow oo dhawaan isaga dibada ka soo laabtay wuxuuna ugu horeynti u mahadceliyey alle ka dibna inti ka qeybqaadatay dhismaha masaajidka iyo howlwadeenadii kale eek u simeysay howlaha masaajidka oo gacanta ku haayey

Sheekh Shariif Cabdiraxman Culusow wuxuu shegay in ay muuqaal ahaan kala duwan yihiin markii ugu danbeysay iyo haatan wuxuuna sheegay in laga dareemayo isbedel weyn taasoo ay ka danbeysay in shacuubta somaliyeed ee islaamka ah maalgalin ku sameeyeen .

Sheekh Shariif Cabdiraxman Culusow aad iyo aad ayaan ugu faaxsanahay isbedelka weyn ee ka muuqdo masaajidka wuxuuna tilmaamay in cidii aragtaa ay ku farxeyso Sheekh Shariif ayaa ugu duceeyey intaa ka qeyb qaadatay in uu allaah ka abaal mariyo howsha baaxada leh ee ay qabteen

Ugu danbeynti wuxuu sheekhu u rajeeyey bisha ramadaan ee barakeysan in ay ka faaiidaystaan bulshda somaliyeed xaga xasanaadka iyo sadaqada ay badiyaan isaga oo intaa ku daray in la laba laabayo meelaha wax lagu bixiyana ay ugu fadli badan tahay masaajidyada

Sheekh Shariif Cabdiraxman Culusow waxaan ugu baaqayaa ruux kasta oo muslim ah in masaajidka dayactirkiisa laga wada qeyb qaato

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.