Dallada Waxbarashada Ahliga Ah Ee Puntland (PEN) Oo Markii Ugu Horreysey Bixisay Shahaadooyinka Dugsiga Dhexe.
Tan iyo markii la asaasay dallada waxbarashada Ahliga ah ee Puntland ( PEN) 2005 tii ayaa waxay sanad dugsiyeedkii 2008/2009 siisay shahaadooyinkii marxaliga ahaa ardayda dugsiyada dhexe ee hoos yimaadda dalladaas.
Madaxa waaxda waxbarashada ee dallada PEN Ustaad C/laahi Cali Xuseen ayaa Saxaafada u sheegay in sanadkan ay dugsiyada hoos yimaadda u qaybiyeen shahaadooyin ardaydii ka qalin jebisey dugsiyada dhexe ee asaasiga ah , kuwaas oo tiradoodu kor u dhaaftay 1000 arday , waana markii ugu horreysey ee dalladu tallaaban dhiirri gelinta ah qaaddo, dugsiyadaas oo ku kala yaalla gobolada Puntland (Mudug ilaa iyo Sanaag ) .
Dalladan oo ay hoos yimaadaan dugsiyada ugu ballaadhan ee marxaladaha kala duwan ayaa waxay hore u bixin jirtey shahaadada keliya ee laga aqoonsan yahay caalamka ee dugsiyada sare.
Dugsiga Al-Furqaan oo ka mid ah dugsiyada hoos yimaadda dalladaas ayaa waxa shahaadooyin la guddoonsiiyey arday tiradoodu dhan tahay 63 arday . waxana xaflad loogu qabtay xarunta dugsiga ee magaalada Badhan , halkaas oo ay kazoo qayb galeen waalidiinta , gudida , maamulka iyo ardayduba.
Maamulka iyo waalidiinta ayaa si weyn ugu mahad celiyey Dallada PEN , waxayna u rajeyeen horumar iyo inaaney ka daalin taageerada waxbarasho ee ay u fidiyaan ardayda reer Puntland.
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.