Home » Warar »

Prof. C/risaaq Darawal oo booqasho kusoo gaadhay jaamacadda Nugaal University Laascaanood | Aug 22

NUGAAL UNIVERSITY

LAS’ANOD, SOOL County

Professor Abdirizak mahamed Ali (darawal) oo booqasho gaaban kusoo gaadhay jaamacadda Nugaal University Laascaanood.

Professor Abdirizak mahamed Ali Darawal oo ku takhasusay cilmiga kumbuyuutarka, wershedaha iyo ganacsiga muddo dheerna wax ka dhigayey jaamacadda American Intercontinental University (AIU) oo ku taal dalka maraykanka gaar ahaan magaalada Lawrence ee gobolka Georgia ayaa dhawaan ku soo gaadhay dalka fasaxii xagaaga.

Professor Darawal ayaa mudadii uu joogey qayb ka mid ah wakhtigiisa qaaliga ah siiyey jaamacadda si uu uga qayb qaato horumarinta jaamacadda isagoo muujiyey in uu si aad ah ugu faraxsanyahay jaamacadda nugaal oo ku taal magaaladii uu ku dhashay ayna ugu dambeysey iyadoo ay waddanka oo dhan ka jirtey hal jaamacad oo keliya maantana gobol kastaaba leeyahay ugu yaraan hal jaamacad.

Talooyinka iyo fikradaha qaaliga ah ka sokoow wuxuu professorku ardayda jaamacadda u jeediyey laba lecture oo aad u qiiro geliyey ardayda, macallimiinta iyo maamulka jaamacadda kuwaas oo kala ahaa:

“Health is a crown on the head of the healthy person but the sick one see”
Mawduucan wuxuu professorku kaga hadlay in wax kasta ay ugu wanaasan yihiin waxa aad haysato dadkana ay muhiim tahay in ay aaminaan waxa ilaahay siiyey meel kastana ilaahay ugu talo galay wixii ay ku noolaan lahaayeen lakiin ay u baahantahay feker, hal-abuur, fahmid iyo wakhtiga oo looga faa’iideysto sida ugu habboon. Professor Darawal wuxuu dhallinyarada ku boorriyey in ay baadhaan waxyaabaha ilaahay inaku mannaystay ee waddankeennu hodanka ku yahay sida xoolahanool, caanaha geela, Malmalka, Darrada iwm isagoo u ballanqaaday in uu ardaygii sameeya cilmi baadhis laga faa’iidi karo uu siinayo abaalmarin. Professorku wuxuu aad uga hadlay muhiimadda wakhtiga iyo in looga faa’iideysto wixii wax anfacaya.
Sidoo kale professorku wuxuu aad ugu booriyey dhaalinyarada inay ka digtoonaadaan Taahriibta oo uu sheegay in ay aad u khatar badantahay, dhibaato aad u ba’ana ku tahay

Dadka ku nool gobolka sool gaar ahaan iyo guud ahaanba Somalida.

introduction to database

Mawduuca labaad wuxuu professorku kaga hadlay Data base system qaybeheeda, process-ka ay marto iyo faa’iidada uu leeyahay isagoo tilmaamay in ay fududayso wax aan qalbigu suuraysan karin.

Ugu danabayntii profesorku wuxuu aad ugu mahad celiyey maamulka iyo macalimiinta
Jaamacadda nugaal, wuxuuna ku boorriyey inay sii laba jibbaaraan waxqabadka bulshada iyo jahli kasaaridda

ummadda. Wuxuu macallinku sheegay in uu lamahuraan yahay cawska jiilaal iyo ceel wiyeer sidaas daraadeed meesha aakhirka la isugu imaan doono uu yahay dalka hooyo ayna wanaagsantahay in wax laga sii qabto si dadka debedaha ku maqan loogu dhiirrigaliyo inay kusoo noqdaaan dalka hooyo.

public relation officer

Cabdillaahi Cabdiraxmaan Yuusuf

Akhri: Jaamacadda Nugaal iyo Doorka Qurba Joogta

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.