Home » Announcements »

Wargalin:Dhamaan Maraakista iyo Masaajida Majliska ee USA

XAFIISKA GUDOONKA SARE EE GOLAHA ISUTAGA
IIMAAMADA IYO MASAAJIDA WAQOYIGA MARAYKANKA:
(THE NORTH AMERICA OF COUNCIL SOMALI IMAMS)

WARGALIN:-DHAMAAN MARAAKISTA IYO MASAAJIDA MAJLISKA.
DHAMAAN JAALIYADA MUSLIMIINTA EE KU DHAQAN
WAQOOYIGA MARAYKANKA…
 
Dhamaan jaaliyada muslimiinta ah,gaar ahaan soomaalida, wuxuu ugu hanbalyaynayaa golaha isutaga masaajida iyo maraakista waqoyiga maraykanka,soo galida bisha barakaysan
ee RAMADAAN.Golaha isutaga masaajida iyo maraakista sidoo kale wuxuu ku wargalinayaa jaaliyada in maalinta sabtida ah ay tahay maalinta (1aad ee ramadaan uu bilaabanaayo)wuxuuna majlisku arinkaa u cuskanayaa iyadoon la´arag bishii 29 shacbaan,sidaa awgeed maalinta jimcaha ay tahay 30 shacban.Sidaas awgeedna sabtidu ay tahay 1da bisha barakaysan.
Majlisku wuxuuu u daradaarmayaa dhamaan jaaliyada inay ka faaidaystan bishan barakaysan,loogana faa iidaysto,cibaado iyo allaah ku xirnaan.
Sidoo kale guud ahaan jaaliyada soomaaliyeed waa inay iscafiyaan,xumaantana iska reebaan,wadankiina looduceeyo,dadka tabaalaysana loo gargaaro,dadka aanan heli karin afurkana la afuriyo.
waxaan illaah ka baryaynaa inuu bishan nawaafajiyo qayrka……
wixii faahfaahin intaa dheer kala sooxiriir xooghaynta majlisk
(Sheekh foozi xayahu llaah. TEL:-612-483-1934..xafiiska isutaga golaha-
-isutaga masaajida iyo maraakista…Minneapolis,MN….(08/20/09
Hogaanka sare ee golaha isutaga masaajida iyo maraakista ee waqooyiga maraykanka..fadiilatu sheekh c/raxmaan sheekh cumar(xafidahullaah)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.