Home » Warar »

Ciidamada DFKMG Ah Oo Iskaga Baxay Degmada Luuq Iyadoon Wax Dagaal Ahi Ka Dhicin

Ciidamada Dowlada FKMG Ah Oo Iskaga Baxay Saaka Goor Hore Degmada Luuq Iyadoon Wax Dagaal Ahi Ka Dhicin

Ciidamada dowladda FKMG ee dhowaan qabsaday magaalada Luuq ee gobolka Geddo ayaa la sheegay inay magaalada iskaga baxeen kadib markii ay xarakada mujaahidiinta alshabaab ay la wareegeen magaalada beled xaawo islamarkaana ay durbadiiba dib ula wareegeen waa degmada luuqe ciidamada ururka Xisbul islaam .

Wararka naga soo gaaraya degmadaasi iyo gobolka gedo ayaa intaasi ku daraya inay degmada luuq ay gacanta ku hayaan ciidamo taabacsan Ururka xisbul islaam halka ay degmada beledxaawona gacanta ku hayaan alshabaab .

Sidoo kale degmada luuq ayaysan jirin wax dagaal ah oo ka dhacay islamrkaana si aan dhiig ku daadan ay ula wareegeen ururka xisbul islaam taasoo ay maalin ka hor la wareegeen ciidamada dowlada FKMG ah oo uu hor kacayo G/sare maxamuud cismaan weli islamarkaan ay saaka goor hore iskaga baxeen .

Dadka deeganka degmada luuq ayaa saxaafada u xaqiijiyey inay ciidamadaasi iskaga baxeen islamrkaana ay u kolonyeysteen degmada dooloow Ethiopia oo ay markoodii hore ka yimaadeen .

Xaaladda degmada Luuq ayaa iminka laga soo sheegayaa deganaansho iyadoo sidoo kalena islam degmada beledxaawona aysan ka jirin xasarado dagaal taasoo iminka gacanta ku hayaan gobolka gedo xoogaga islaamioyiinta ee dowlada kazoo horjeeda .

Cutubyo Ka Tirsan Ciidamada AMISOM Oo Ku Hubaysan Taangiyada Ayaa saaka (Aug 20) Kusoo Faafay Jidka Wershedaha Ee MUqdisho .

Dagaalo faraha lagaga gubtay oo mudo kooban socday ayaa saaka goor hore ka dhacay fariisimo ay ku lahaayeen jidka wershedaha gaar ahaan ex- wasaaradii gaashaandhiga iyo ex xeradii 77 xarakatul mujaahidiinul shabaab, kadib markii ay ciidamada AMISOM oo ku hubaysan taanigiyada ay weerar ku qaadeen islamarkaana uu halkaasi uu ka dhacay dagaal kulul.

Dagaalka oo socday mudo kooban oo iskii u istaagay ayaa ciidamada AMISOM oo wata taangiyada waxay dib ugu soo gurya noqdeen fariisnkoodii oo ahaa Ex-kuliyadii jaalle siyaad ee magaalada muqdisho taasoo aan la ogayn khasaraaha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyadoo aysan jirin deegaan ama fariisin lakala qabsaday oo lagu arkayey xoogaga islaamiyiinta goobihii ay fariisinka ku lahaayeen ee ex gaashaandhiga iyo xeradii 77 ee magaalada caasimada ah ee muqdisho .

Sidoo kale Dadka deegaanka saaka dagaalku ka dhacay ayaa u kala firxaday deegaanada duleedka kadib markii ay ka war heleen rasaasta madaafiicda ah ee laysku weydaarsanayey dagaalkaasi halka qaarkood ay ku go,doomeen guryadooda taasoo dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa guryaha xiligii dagaalku istaagay saxaafada u sheegay inay xaaladu degan tahay balse ay ka cabsi qabaan inuu dagaal kale ka dhaco halkaasi oo ay fooda isku daraan ciidamada AMISOM iyo xarakatul shabaabul mujaahidiin .

Ciidamo Fara Badan Oo Ethiopian ah Oo Ku Hubaysan Gawaarida Dagaalka Oo Soo Gaaray Magaalada Beledweyne

Ciidamo Ethiopian ah oo wata gawaarida dagaalka iyo saanad milatari oo u badn hubka kala duwan ayaa saaka barqanimadii soo gaaray magaalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan kuwaasoo la sheegay inay fariisimo ka samaysteen dhinaca garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi beledweyne .

Ciidamadan ethiopianka ah oo la sheegay inay aad u fara badnaayeen ayaa la sheegayaa inay saldhigyo milatari ka samaysteen inta u dhaxaysa garoonka diyaaradaha ee magaalada beledweyne iyo weliba waadiga Harar taasoo aan la ogayan sababta dhabta ah ee ka damabaysa xiligan inay ciidamo Ethiopian ah oo lagu qiyaasay cutubyo ay yimadaan magaalada beledweyne .

Sidoo kale dad rayidka ah ee ku sugan magaalada beledweyne ayay arintani ku noqotay mid fajaciso ah iyadoo aan la filanayn xiligan inay ciidamo Ethiopian ah oo ku hubaysan gawaarida dagaalka ay soo galaan gudaha wadanka gaar ahaan magaalada beledweyne .

Si kastaba ha ahaatee imaatinka ciidamada Ethiopia ee magaalada beledweyne ayaa kusoo beegmaya xili ay xoogaga islaamiyiinta ee dagaalka kula jira dowlada FKMG ah iyo ciidamada AMISOM ay ku eedeeyeen dagaalada kasoo cusboonaaday qaar ka tirsan meelo kamid ah gobolada dalka ee koonfurta iyo bartmaha soomaaliya ay kula dagaalmayaan ciidamo Ethiopian ah iyo kuwo ay caawainayso .

yassiin maxamed cali ( faytin )
Muqdisho Somalia
yasiin2006@hotmail.com
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Ciidamada DFKMG Ah Oo Iskaga Baxay Degmada Luuq Iyadoon Wax Dagaal Ahi Ka Dhicin "

  1. al shabaab says:

    waxaan damiir iyo wadaninimo iyo islaanimo aheyn in soomaaliya lagu maamumulo waxaan aheny diinta islaamka.
    xasuusnaadana shariif waa ninkii shalay lahaa 4.5 waxaa xaraan maqdac ah ee wax laguma xukuymayo beel bar ah majirto maantana asagaa madax wakiil uga noqday gardaradaas baaxada leh iyo mareykan ayaa dastuur soomaali la rabo oo shalay baabi,iyay nidaamkii maxkimiinta

  2. cali says:

    run ahaan tii waawax laga argagxo dhibaatada haysata shacbka soomaliyeed waana wax sharfdara ah in maalin walba caruurteena iyo hooyooyinkeen madaafiicdu hadhayso oo dhib loo arg somaliga damiirka leh somaliga xorta ah somaliga wadaniga ah waxaa lahaboon inauu qoriga dhigo waqtigan xasaasiga ah dawlada 3kiilo katalasina waxaa ku waajib ah inay wadahadalo aan shuruud lahayn lagasho kuwa ka soohorjeeda