Home » Announcements »

Shir: Musiibada ku habsatay qoyska Soomaaliyeed ee Stockholm

Shir weyn: Musiibada ku habsatay qoyska Soomaaliyeed ee Stockholm/sweden

Waxa la ogaysiinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda Sweden iyo agagaarkeeda in la qaban doono shir weyne ku saabsan :

” Qoyskii ay musiibada gubashada ahi ku habsatay”

Shirkaa waxa uu ku saabsanaan doonaa:

Mahadnaq loo jeediyo dadka Soomaaliyeed ee sida hagar la´aanta iyo midnimada ah ugu gurmaday qoyskaas Soomaaliyeed

Warbixin laga dhegaysto guddiyadii iyo ashkhaastii ka soo qaybqaatay gurmadka iyo natiijadii wax ku dhammaadeen.

In warbixino laga dhegaysto wakaaladaha Dab-demiska iyo poliska ee hawsha ka qaybqaatay.
Wacdi uu soo jeediyo mid ka mid ah sheekhyada magaalada Stockholm

Goobtu waa: Rinkebyskolan

Saacadda: Jimcaha 20 augusti, 18.00

Haddaba wixii warbixin ah kala xidhiidh xubnahan soo socda:

Ibraahin Cismaan Buraale : 0707602502
Maxamed Xirsi (Abdibashir): 073-7596464

La xiriir: abdibashir@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.