Home » Announcements »

Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Malaysia oo la Kulmay Raisul Wasaaraha

Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Malaysia oo la Kulmay Ra’isul Wasaaraha Malaysia

Kuala Lumpur: Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Malaysia Dr. Maxamed Cabaas ayaa maalintii Jimcaha ahayd ee taariikhdu ahayd 7th August 2009 caasimada dalkaasi kula kulmay Ra’isul Wasaaraha dalka Malaysia Datuk Seri Mohd Najib Tun Razak. Kulankan ayaa dhacay ka dib markii Ra’isul wasaarahu ka qeyb galay xaflad si heer sare ah loo soo diyaariyey oo uu halkaasi kula hadlay kumanaan Malaysian ah, isaga oo ka hadlay sidii loo sii xoojin lahaa midnimada qaran (national unity) ee ka dhaxeysa dadweynaha reer Malaysia. Waxaa xusid midan in dalkan Malaysia ay ku nool yihiin qoomiyaad aad u kala duwan xagga diinta, afka, iyo dhaqankaba, balse dawlada Malaysia ku guuleysatay midaynta dadkaas kala duwan. Khudbadii Ra’isul Wasaaraha ayaa salka ku haysa qorshihiisa cusub ee lagu magacaabo (1Malaysia Concept) oo ah xoojinta midnimada iyo xiriirka ka dhexeeya qoomiyadaha kala duwan ee Malaysia.

Markii Guddoomiyaha Jaaliyaddu la kulmay Ra’isul Wasaaraha Malaysia, ayaa waxaa jirtay arin si aad ah u soo jiitay Ra’iisul Wasaaraha, arinkaas oo ahaa ka dib markii Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Malaysia soo bandhigay sawiro muujinaya kulan uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha 11 sano ka hor, waqtigaas oo Ra’iisul Wasaaruhu ahaa wasiirka tacliinta sare ee Malaysia. Sawiradaas ayaa waxaa ka mid ahaa sawir muujinaya Ra’iisul Wasaaraha hadda oo shahaadadii qalin jabinta ee jaamacadda heerka koowaad guddoonsiinaya Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Malaysia oo isagu waqtigaas ka qalin-jabiyey jaamacadda lagu magacaabo International Islamic University Malaysia sanadku markuu ahaa 1999.

Intaas ka dib ayaa warbixin kooban oo ku saabsan Soomaalida degan Malaysia guddoomiyahu uga warbixiyey Ra’iisul Wasaaraha.

Datuk Seri Mohd Najib Tun Razak ayaa xafiiska la wareegay 3rd April 2009, waana Ra’iisul Wasaarihii lixaad ee dalka Malaysia yeesho. Ra’iisul Wasaarahan ayaa waxaa dhalay Ra’iisul Wasaarihii labaad ee dalkan soo mara oo lagu magacaabi jiray Tun Abdul Razak Bin Dato’ Hussein Al-Haj oo xilka hayey 1970 ilaa 1976.

Malaysia ayaa waxaa wax ka barta arday badan oo Soomaaliyeed, waxaa kale oo degan ganacsato iyo qoysas Soomaaliyeed oo badankoodu ka soo guurey Ameerika, Europe iyo Australia.

cabaas
Maxamed Cabaas oo Shahaadadii Qalin Jabinta ka Gudoomaya Ra’iisul Wasaaraha oo ahaa Wasiirka Tacliinta Sare (14 November 1999).

cabaas2
Ra’iisul Wasaaraha Malaysia iyo Dr.Maxamed Cabaas (7 August 2009).

Jaaliyadda Soomaalida ee Malaysia waa guddi matala dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida degan Malaysia, isla markaana u taagan ilaalinta danaha guud ee shacbiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan.

Dr. Najiib Sheekh C/Samad,

Madaxa Xafiiska Isgaarsiinta iyo Xiriirka Guud

Jaaliyadda Soomaalida ee Malaysia

Somalicommunitymalaysia@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.