Home » Warar »

Burcad-Badeed diiday $200 kun oo doolar, kuna bedelatay in ayagii la Qafaasho

Burcad-Badeed diiday $200 kun oo doolar, kuna bedelatay in ayagii la Qafaalasho

Mulkiilihii Mid ka mid ah Doonyihii Masaarida ee Toddoobadkii Hore ka baxsaday Gacanta Burcad-Badeed somalia oo Lagu Magacaabo Xasan Khalil ayaa ugu bishaareeyay qoysaskii ay ka dhaseen Burcadii ay Hore u sii qafaasheen Badmaaxiintii Masaarida.

Md, Khaliil oo ah Nin 70 jir ah ayaa 17 August, 2009, Maalintii Isniinta ka dhoofay Magaaladda Bosaso, isagoo puntland ku sugnaa Muddo Bil ah, si u soo daayo Badmaaxintaas oo uu ku jiray wiil uu dhalay.

Md, Khaliil, Intii uusan ka dhoofin Garoonka Diyaaradaha ayuu Wargayska Ilays u sheegay sida ugu uga xun yahay dhibtii iyo Rafaadkii ay mareen Badmaaxintii Masaaridu iyo Dhalinyaradii Somaliyeed ee Markabka Haysatay oo uu sheegay in ahaayeen kuwo cusub oo mar dhow markabka la saaray, oo aan hore falalka burcad-badeeda ugu lug lahayn, waxaana uu yiri’ Masaaridda iyo Somalidu waa dad walaalo ah, waxaan ku dadaali doonaa in aan guryadoodii ku soo celiyo dhalinyaradaas”

Odaygan Masriga iyo Nin kale oo u dhashay Wadanka yemen, oo mid ka mid ah doonyuhu u kiraysnaayeen, waxay Booqdeen Doonyihii Masaarida ee la haystay, 12 saac ka hor xiligii ay ka baxadeen, Markii ay Burcaddu diideen in ay qaataan 200,000 oo dollar oo laga soo uruiyay Masaajidada Masar, Guri uu lahaa Mulkiilaha Masaarida iyo lacago kale oo loogu deeqay intii ay Puntland ku sugnaayeen, waxayna Burcaddu dalbadeen 800 oo kun oo dollar

C/waaxid Maxamuud Xasan oo ahaan Jiray Agaasimihii Xiriirka Dadweynaha Madaxtooyadda Somalia xiligii C/laahi Yuusuf oo ahaa ninkii Keenay dalka Mulkiilaha Masriga ah, islmarkaana ku dadaalay sidii loo siidayn lahaa Badmaaxinta Masaarida iyo Doonyahooda ayaa ka waramay wixii ay kala kulmeen Burcadda iyo sida ay xaaladu markii dambe isku bedeshay, waxaana uu yiri” Anigu markii horre waxaan joogay dalka yemen, Maalin maalmaha ka mid ah ayay noo yimaadeen ragan, Madaxweynihii hore ayay xataa u tageen, waxay u sheegeen in ay dhibanayaal yihiin oo maraakiib laga haysto., madaxweynihii hore wuxuu u sheegay inuusan waxba ka qaban karin hadda,Markii ay ka tegi waayeen ayuu anniga ila hadlay, waxaana uu igu yiri,” Bal Dadkii dhex gee, Odoyaashii, Isimadiii, Dowladii, waxaan filayaa inaysan waxba ka wayi doonine”

“ Ninka Masariga iyo Nin kale ee yaminiga ahiba waxay wateen 50 kun oo Dollar, Burcad-badeeduna waxay doonayeen 800 kun oo dollar, Nimankana niman masaakiin ah oo aan waxba haysan ayay ahaayeen, waxayna ku adkayteen in aay tagaan puntland, waxayna yiraahdeen waa dad muslimiin ah waxba ka waayi maynee, ee na gee, sidii baanu ku nimid, waxaanu la kulanay, madaxdii dowladda oo aan kala kulanay Madaxweyne K/xigeenka Puntland C/samad Cali shire, oo u sheegay in doonayaan in Weeraraan Maraakiibtaas, Hase yeeshee waxaa diiday Mulkiilihii oo yiri, wadahadal ayaanu ku dhamaysanaynaa”

masar2
Sawirka: Doonta 6 saac ka hor intii aysan baxridu afduubin afduubayaashii

Md, C/waaxid mar uu ka hadlayay la kulankoodii Burcad- badeeda waxaa uu yiri “ Anniga, Xassan Khaliil iyo Maxamed Al-Nahdi, waxaanu Magaaladda Laasqoray kula kulanay Mid ka mid ah Burcadii doonyaha Haysatay,Waxaanu ka codsanay in ay siidaayaan Doonyaha, waxaanuna u bandhigay Lacagtii aanu haynay, waxaynu yiraahdeen, Doonyaha waanu sii dayn doonaa, marka aanu qaadano Lacagta Markabaka Talyaaniga oo isna ku xirnaa Laasqoray, Markii ay Qaateen Lacagtii Markabki talyaaniga oo ay qaybsanayaan, ayaanu u tegnay, waxaanu ka codsanay in ay sii daayaan Doonyaha, oo ahayd sidii aanu ku ballanay, hase yeeshee ballantii way ka baxeen, waxayna nagu yiraahdeen, lacagta aad wadataan aad bay u yartahay, ee iska taga oo 800 kun dollar noo keena, Markii ay halkaas maraysay , ayuu Hassan Khaliil oo lahaa Doonta la yiraahdo Mumtaz 1, waxaa uu ku yiri” Walaalayaal ramadaan 10 Maalmood ayaa ka dhiman,in Ilaahay idinku dambi dhaafo ayaa suurtagal ah ee noo sii daaya Doonyaha, Lacagtana qaata,” waxaa ku jawaabay Burcadkii anniga iyo Ilaahay xiriir nagama dhaxeeyo”

masar42
Mulkiilaha doonta afduubnayd
masar1

C/waaxid waxaa uu hadalkiisii ku soo gunnaaday,in markii ay ku soo dhawaadeen Kantoroolka Bosaso uu soo dhacay Telephone TORAYA ah” Markii aanu Telefoonkii aanu Qabanay, waxaa nala hadlay Mid ka mid ah Baxaaridii Labada Doonyood, waxayna noo sheegeen in ay ka awood roonaadeen Burcadii, Saddex ka mid ah ay Badda ku boodeen, 8 kalena ay gacanta ku hayaan”.

Isha: Ilaysnewspaper

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Burcad-Badeed diiday $200 kun oo doolar, kuna bedelatay in ayagii la Qafaasho "

  1. Xassan says:

    Burcad badeedka la qabqabtay waxaay markooda mudanyihiin in madaxfurasho laga
    qaado oo ah 800.000 oo doollar.
    Bal halla weydiiyo in aay lacagtii talyaniga ka qaateen aay kusoo furanayaan
    kuwa laga watay.
    Ilamaahan inaay xattaa hal doolar ka bixinayaan kufaartaas.

  2. abdullah mohamed says:

    Waxay illa tahay tanii :”Cagtii joogsan waydaa mar bay ceel la kulantaaye”!! Waa ku fiican tahay raggaas waxay galabsadeen.

  3. Asli Ahmed says:

    WAXAA HALIGAY RAGAAS ERAYGII AHAA NAGA IYO ILAAH XIRIIR NAGAMA DHEXEEYO. waayo adoon alle ka furtay ilaah kama itaal liito teeda kale waxaa ku dhacday cero ilaah waayo waxay 4bilood haysteen dad muslimiin aha inkastoo ay ku haboonayd in ay tani ku dhacdo kuwii iyagu hore u soo qafaashay oo aan hayn kuwa hada gacanta badmaaxiinta ku jira ( Ushii munaafuq loo wadaa mumin bay ku dhacdaa)

  4. Puntlander says:

    Aad baan ugu faraxsanahay jabka soo gaaray burcad badeeda. Waxaan kula talin lahaaa kuwa wali ku jira burcadnimada in ay ku cimri qaataaan, oo dhibka iska dhaafaaan. Dalalka caalamkana waxaan ku boorin in aysan wax lacag madax furasho ah ka bixin, hadii la bixiyo waxay dhiiri galin dadka oo dhan, oo dad ayaa maal gashanaya si ay faa’iido uga helaaan.

    Thanks

    India

  5. Muhammed says:

    A/C
    Waa arin laga naxo maanta in qof muslima oo somaaliya uu yiraahdo RABBI iyo aniga xiriir nagama dhaxeeyo(SUBXAANALAAH) Walaalaha soomaaliyeedow ma shaki ayaa idinkaga jira in ninkaasi uu tusaale u yahay in maanta dad badan oo soomaaliyeed ay sidiisa oo kale yihiin.Dalkii ha jooggeen ama dibaddaba e. Waa wax xanuun badan in aad dadkaagii iyo dalkaagii aad xumaan iyo wax aan wanaagsaneyn aad waagii beryaba kamaqasho. RABBI ciqaabtaha inaga qaado. AAMMIIN AAMMIIN

  6. Abdisamed says:

    Alxamdullilaah ilaah ayaa mahad iska leh bal eeg ninkaan walaalkeen ah dhibka ay u geysteen iyo walaalaha kale ee saarnaa doonida ilaahay adoomadiisa ma thulmiyo ayaga ayaa is thulmiya ninkaan masaarida ah waxaad ka dareemaysaa in muslim nimo ayaa wax laguula qaban doonaa uu usoo qaatay $50000 dollar thaalimiintana ay ka rabeen $80000 kun oo dollar balantey uga baxeen walabi asagoo xusuusinayo bishii barakaysneed in 10 bari ay ka dhiman tahay (Ramadaanka)waxay ku jawaabeen waa wax laga xumaado ilaah xiriir nagama dhaxeeyo sub xaana laaah ilaahay wuu ka awaal mariyey waxaana ilaah uga rajaynaynaa in ilaahay uu ciqaabo ay duli nimo ku jiraan waliba waxaa dhihi lahaa kuwaas waxay mudan yihiin hala mariyo shayaadiinta qofkasta oo alle ku caasiyo awaal marintiisa waa sidaa Asalaamu calaykum.

  7. qaybdoon says:

    ALHAMDU LI LAAHI WAAJIBKOODII AYEY HELEEN, INTA NOLOSHOODA KA HARSAN HA KU JIRAAN XABSIYADA MASAR SIDA KUWA XABSIGA MOMBASA IYO KIMITI NBI BEERAHA LAGU FASHO OO GAARAYA 300 TUUG AYAGAN BEERAHA HA KU FASHAAN

  8. Abukar says:

    Waxay ila tahay iney waajibkoodii heleen. Burcadka yiri “aniga iyo Eebbe xiriir nagama dhexeeyo” isagana wuu helay jizadiisii. Qofkii u damqada burcaddaasna iyaga ayuun buu la mid noqonayaa. Allaah qofna ma dulmiyo; codsiga walaalahood Islaamka ahna haddii ay qaadan lahaayeen sow sidaan ugama fiicnaateen. Xabsi ha ku qaateen wakhtigooda markaasey Eebbe u noqon doonaan Inshaa Allaah.