Home » Siyaasad »

Taariikhdii Hore ee Culumada Soomaaliyeed iyo Tan Cusub|M.Tigay

Ugu horrayn waxaan qormadaan ku Falanqaynayaa aniga oo ilaalinaya xuquuqda Qoraalka Aniga oo aan Difaacayn Koox Diimeed kuna xadgudbayn koox diimeed.

Waa gii hore soomaalidu waxay lahayd laba Dhaqan oo lagu faanikaro oo kala ah:

1. Soomaalinimada oo qofka soomaaliga ah meeshuu qof soomaali ah ku arko uu kala kulmayay soo dhowayn iyo sooryo taasu waxay dhamaatay markii dagaalka sokeeye dhacay ee la,is dilay,lais dhacay,lais qaxiyay,la,is kufsaday iyadoo wax la xeerinayo aan la,arag, Waxna aan la hambayn.

2. Soomalidu waxay kaloo lahayd Diin qofka soomaaliga ah meeshuu tagaba uu ugu tagayay dad soomaali ah oo islaamnimo kusoo dhowaynayay iyadoo aan loo eegayn Dariiqada iyo kooxda uu ka tirsanyahay,Diintii iyadana waa ladhaawacay waxaa dhacday mu,adin masaajidkuu ka adimayay lagu dhex dilay , iimaam masaajidkuu ka tujinayay lagu dhex dilay , sideetan jir salad subax masaajidkuu ku tukaday lagu hordilay Masaajid Tarniigii laga fiiqday , Masaajid la qarxiyay , mid la xiray oo layiri lagu tukanmayo Arimahaas oo dhan oo ah kuwo ku cusub Dhaqanka soomaaliyeed Waxaa la xalaashaday oo xadgudub kasta lagu sameeyay Dhiigga qofka Muslimka ah,Sharafta Qofka Muslimka ah iyo Maalka Qofka Muslimka ah Sadexdaas shay oo ah sadexdii uu Allaah SWT Xarrimay in lagu xad gudbo Rasuulkuna cs ka dardaarmay Maalinta Carrafa.

Horraantii Burburka waxaa jirtay Dhaliil in Culumaa,udiinka soomaaliyeed Kaalintoodii gabeen oo ay Diintii,Dadkii iyo Dalkii Badbaadinwaayeen Maslaxadna umadda dhex dhigi waayeen kadib waxa xigay inay samaysmeen kooxo dhalinyaro ah oo hubaysan oo islaamiyiin ah Kuwaasoo aan helin Hogaan caadil ah oo Xoogooda ka faa,iideeya waxayna qayb kanoqdeen Dagaalkii sokeeye Guuldarrooyin badana waa lakulmeen Sida Dagaalkii Buundada Araare oo ahaa Dhagar loogu tala galay in lagu burburiyo Xoogaga islaamiga ah ee Curdanka ahaa,sida Dagaalkii Gobolada waqooyi bari ee dhexmaray ururadii SSDF iyo Al-Itixaad, Dagaaladii kadhacay luuq iyo nawaaxigeeda illaa lasoo gaaray Kacdoonkii ay hogaaminayeen Maxkamadaha islaamiga ah oo lagu jabiyay Hogaamiye kooxeedyadii ashahaado ladirirka Kadib waxaa dalka soogalay ciidamadii Xabashida oo Badalay taariikhdii Geeska afrika taasoo aysan horay udhicin in ciidamo itoobiyaan ah ay ciidda soomaaliya cagaha dhigaan ama caasimaddii Muqdisho iyo xeebaha badda hindiya ee soomaaliya inay ku caweeyaan oo khamrada ku cabbaan 28 December 2006 oo ahayd malintay soo galeen muqdisho Ciidamadii Xabashidu waxay Noqotay bar madaw iyo Boog aan dawoobayn oo ku samaysantay taariikhda soomaaliyeed , Qarankii soomaaliya wuxuu ardayga dugsiga hoose dhiganaya ku barbaarinjiray inuu dadka iyo dalka soomaaliyeed ee Maqan soo celiyo waxaana kamid aha gabayadii ardayda laxafidsiinjiray( Waxaan doonayaa inaan duulo oo Danood iyo Wajeer Dirirdhabiyo Harar Dalkii nalaka dhacay dib usoo ceshaa.)

Haddaan wax kataabano taariikhdii Culumaa,udiinka soomaaliyeed soomaalida waxaa culumo u,ahaa culumada dariiqooyinka oo runtii lahaa taariikh dahabi ah waxay ahaayeen kuwii ummaddaan kadhigay Muslim100% soomaaliya oo dhanna diinta ku fidiyay waxay ahaayeen kuwii difaacay Diinta,Dadka iyo Dalkaba ee Jihaadka lagalay Isticmaarkii Talyaaniga,Ingiriiska,Faransiiska iyo Xabashida oo ay Taageerayso Bortaqiisku guulo Taariikhi ahna kasoo Hooyiyay kana dhigay Mujaahiddiintii daraawiishta in loola diriro sida quwadaha waa,wayn Kadib markay jab iyo halaag ugaysteen ciidamadii ingiriiska kana laayeen saraakiishii ugu badnayd ee afrika looga dilay soomaliyana ay noqotay Dalkii ugu horreeyay ee Afrika Diyaarado lagu weeraro, waxay ahaayeen Culumada Dariiqooyinku kuwii Hogaaminayay Halgankii Gobanimo doonka waxay kaqaybqaateen Aasaaskii SYL iyagoo soojeediyay in la,aasaaso Naadi Islaami ah sida uu kutaliyay Shiikh C/Qaadir Sakhaawadiin laakiin waxa laqaatay taladii Yaasiin Xaji Cismaan Sharma,arke oo ahayd in la aasaaso ururkii Dhalinyarada ee SYL.

Dhamaadkii Todobaatameeyadii waxa bilowday Baraaruggii Dhalinyarada reermagaalka ee ardayda ahaa ay Bilaabeen inay fahmaan Diinta Taa soo keentay inay diinta sifudud u bartaan maadaama ay ahaayeen arday, luqadda Carabiga oo ah luqadda Diinta ay u fududayd inay fahmaan ama bartaan taa soo fududaysay fahamkii iyo Barashadii diinta taasoo ka fududayd nidaamkii Xerowga ee Dariiqooyinku waxku baranjireen waxay dhaliyaradu fududeeyeen ku dhaqanka diinta,Barashada Diinta iyo Wacyi galinta Bulshada Faridda Macruufka iyo Reebidda Munkarka.

Isbadalkaas markuu dhacay lama helin khubaro iswaafajisa Culumadii dariiqooyinka oo ahaa Ruugcaddaayadii soo wadi jiray diinta iyo Dhalinyarada oo noqotay Xoog cusub oo ukacay Diinta kadib waxa halkaas ka bilawday Tacasub,Xasad iyo Colaad Hoose kana fog caddaaladda oo ka dhex abuurantay Culumadii Dariiqooyinka iyo Dhalinyarada.

Kolba waxay heer joogtaba soogalitaankii Xabashida Gudaha soomaaliya waxaa Burburay Maxkamadihii islaamiga Waxa samaysmay Kooxihii Muqaawamada Dagaaldheer iyo Fashil kadib waxa is casilay Madaxwayne C/Laahi Yuusuf waxaa madaxwayne loo doortay shikh Shariif oo ahaa hogaamiyihii maxkamadaha islaamiga waxaa markiiba kahoryimid oo ladagaalamay Raggay Shalay Saf ka kuwada jireen , Dawladda Shariifka hal guul oo lataabankaro ayaa taariikhda u gashay Waxay noqotay Caalamka islaamka Dawladdii ugu Horraysay ee Baarlamaankeedu si aqlabiyad ah ugu codeeyo in Dalka Lagu Dhaqo Shareecada Islaamka waxaa kaloo Dalka ka bilawday Dagaal udhexeeya Dariiqoyinka oo labaxay Ahlusunna waljamaaca oo taageeraya Dawladda Fedaraalka iyo Alshabaab iyo Xisbul islaam oo isgarabsanaya Runtii Soomaaliya waxaa ka dhacay halaag aan loo kala harin lagana wada qaybqaatay Dagaalkii soomaaliya wuxuu yeeshay waji cusub oo diineed Hadaba Hadday Wadaadadii Soomaaliyeed iyagii is dilayaan dil aan Sharciga waafaqsanayn Aysanna ka Damqanayn Dhibaatada Ummadda Midwalbana isagu isla qumanyahay waxa haboon islaamiyiinta soomaaliyeed inay noqdaan kuwo waaqica fahansan ayna ku cibraqaataan wixii qabsaday Islaamiyiintii isku dayay inay shareecada islaamka Wax ku xukumaan, Caqabadihii ka horyimid, wixii fashiliyay Duruusna ay kaqaataan Sida Jabhaddii Inqaad ee Jasaa,ir ee sida Dimoqoraadiga ah ee aadka usaraysa ugu guulaysatay Xukunka kadibna lain qilaabay Raggeedina Xabsiyada wax la dhigo iyo wax ladilo laga dhigay kadib dalka waxaa kadhacay xadgudubyo aan taariikhda horay usoo marin oo badankooda ay fuliyeen sirdoonka wadanka iyagoo isu ekaysiinaya islaamiyiinta ayna gaysteen gumaad arxandarro ah waxa kaloo xadgudubyadaas qayb iyaguna ka noqday islaamiyiin kacaraysan wixii lagu sameeyay gabagabadii Jasaa,ir waxa la gaarsiiyay in dadku ka qanco Xukuumad islaami ah.

Waxaa la waydiiyay Dr: Xasan Turaabi Waxa Fashiliyay Mashruucii uu Hindisay ee islaamiga ahaa ee suudaan wuxuu ku jawaabay waxaa fashiliyay laba arimood oo kala,ah

1)Waxaa,naan Haysan Kawaadir nagu filan oo shareecada islaamka wax ku xukuma sidaa awgeed waxaan xukun u dhiibnay dad aan shareecada aqoon ulahayn waxay sameeyeen xadgudubyo farabadan oo nanacsiiyay Bulshadii nagana horkeenay.

2)waxaan Gaboodfal ku samaynay Qaybihii Bulshada oo dhan Siyaasiyiin ,aqoonyahano, saraakiil oo waxaanu kadhignay Bilaa camal Xukunkiina waxaa isku koobay kooxdayadii islaamiyiinta ahayd oo kaliya taasoo naga horkeentay qaybihii bulshada oo dhan.

Waxaa iyana Haboon in duruus laga qaato Jihaadkii afgaanistaan iyo Mirihii uu dhalay oo noqday in mujaahidiintii shalay safka kuwada jiray ay Kaabuul Ku dagaalamaan kadib waxaa samaysantay Xarakadii Daalibaan waxaa dalka kadhacay xadgudubyo farabadan oo ay gaysteen daalibaan rag kamid ahaa oo aan aqoon ulahayn shareecada ooXukun loo dhiibay iydoo ay jireen Xadgudubyo aan jirin oo saxaafadda reer galbeedku Buunbuunisay oo lagu eedeeyay Daalibaan Diintii ,dalkii iyo dadkiiba waxaa ladhaxalsiiyay hoog iyo Halaag Aduun.

Waxaa iyana haboon in duruus laga qaato Mashruucii islaamiga ahaa ee Turkiga oo uu Hogaaminayay Prof: Najmudiin Arbakaan Dawladaas oo samaysay horumar dhan kasta ah kasbatay Kalsoonida shacabka waxaa Inqilaabay askartii oo ay Mushaarkooda u Kordhisay 50% iygoon Qiimayn horumarkay samaysay laakiin Difaacaya Cilmaaniyaddii Atatoorki.

Waxaa iyana haboon in duruus laga qaato Xukuumaddii Xamaas ee ku guulaysatay Doorashooyinkii Falastiin iyo Dagaalkii caalamiga ahaa ee lala galay ee ay ka wada qayb qaateen israa,iil,reer galbeedka oo uu hogaaminayo maraykanku iyo Falastiiniyiinta qaarkood iyo mudadii yarayd ee ay Hogaanka hayeen hagardaamooyinkay lakulmeen

Waxaa iyana haboon in duruus laga qaato Xukuumaddii Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta ee Turkiga ee ay Hogaamiyaam Rajab Dayib Ardogaan iyo Cabdalla Gool

oo ah waayo arag fahansan waaqica ayku noolyihiin duruusna ka qaatay xeeladihii lagula dhaqmay macalinkoodii arbakaan ,iyagoo fahansan qorshayaasha iyo xeeladaha cadowgooda iyagoo adeegsaday maskax aad usaraysa iyo taatikooyin casri ah oo ay in badan ku guulaysteen aadna waxay u kasbadeen kalsoonida shacabka turkiga.

hadaba waxaa loo bahanyahay in islaamiyiinta soomaaliya aysan meel dhaw waxka fiirin ee ay xaaladda si qoto dheer u daraaseeyaan inay ogaadaan haddaysan isu dabacsanaan iyagu bulshadana udabacsanaan haddaysan isu tanaazulin ,haddaysan wax isu ogolaan ,haddaysan isu samrin haddaysan qarkoodba qaarka kale wanaag lajeclaan haddaysan isu naxariisan bulshadana unaxariisan inaysan waxba hagaajin Karin

ugu horrayn waa inay naftooda hagaajiyaan markaa kadib bay qayrkood hagaajinkarayaan waa inay iyagu xudduudda ilaahay ilaaliyaan waa inay sharciga waxwalba ka hormariyaan naftoodana ku dabaqaan waa inaysan hawadooda iyo naftoodu waxay u qurxinayso raacin ee ay raacaan kitaabka iyo sunada sida siirada iyo taariikhdu qorayso muslimiintu kuma guulaystaan tiro iyo hub laakiin waxay ku guulaystaan uhogaansanka allaah iyo dunuubta cadowga hadaba haddaan la helin hogaansan iyo toosnaan waxaa ladhaxlayaa burbur sida uu yiri Shiikh Xasan Al Banna (hadday koox adeegsato ciidan iyo hub caqiidadeedu barxantahay nidaamkeeda iyo dhismeheedu isku dhexyaacsanyahay masiirkeedu wuxuu noqonqyaa burbur iyo halaag)

waxaa haboon in la is badbaadiyo oo lamidoobo lana xasuusto halkudhigyadii SYL ee ahaa ab ab laisku dilaa aayo nooma ahee axyaa wadani ururyaa wadani

ama siduu yiri Cismaan Yuusuf Keenadiid nimaan sharafta soomaaliyeed shayna dhaafsan baan ahay nimaan kala shirinteeda ka shaqaynin baan ahay nimaan shawr ajnabi iyo shilin jiidan baan ahay

ugu danbayntii qofkii damiirleh ee kadamqanaya dhibaatada haysata umadda la dilayo labarakicinayo hantidooda laburburinayo waxaa lagudboon inuu dantiisa gaarka ah kahormariyo danta guud qofwalbana inuu dareensanaado silica yo dhibaatada soomaali haysata waxaa looga bixi karaa oo kaliya in si dhabah ilaah loogu tawbad keeno ilaahna laga boqo xadgudubkana laiska daayo hadduu silic iyo dhibgaaro samaanteed iyo xumaanteed soomaaliya soomaalibaa leh.

Qore: Maxamad Yuusuf Jaamac Tigey

Email:mayuja79@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Taariikhdii Hore ee Culumada Soomaaliyeed iyo Tan Cusub|M.Tigay "

  1. waxaan idin leeyahay kala saara culimada kuwa dhabta ah iyo kuwa ahlu bidciga ah waana cadyahay xaqu ee yaan iska dhaga tirin culumo waxaan layiraahdaa kuwa caabuda allaah keligiis hastana sunada ee maxaa ha kuwa caaduba qabuuraha iyo owliyada oo diita ka beensheega waa kuwa hoostaga mala sanaawi waa kuwa suufiyada dulaysan ee al shabaab walaaleheen allaha noo guuleeyo allaha noodaayo iyo walaalleheen xisbul islam kuwaas ayaa culumo noo ah oo haysta sunada waxaana xaq ah in ilaahay keligiis la caabudo alaahu ak bar alaahu akbar alaahu akbar alaahu akbar alaahu akbar alaahu ak bar

  2. SULEIMAN SHEEKH AAMIIN says:

    A.S.C. WALAL ILAAH HAKAA AJIRSIIYO QORAALKA AAD NOOSOOGUDBISAY RUN AHAANTII DHIBKA MAANTA NAHAYSTO WAA INKAAR NOOGA IMAADAY DHIIGA CULUMADA OO AANCAADA KADHIGANAY INAAN DAADINO WAXAA BILAWDAY DOWLADII KACAANKA IN CULUMO LALAAYO. MARKA DHIBKA MAALINKAAS AYUU NAGUBILAWDAY. HADII CULUMADEENA AAN XUSHMEEN LAHAYN MAANTA DHIBKAAN NAMAHAYSTEEN… ILAAHOOW ISLAAMKA MIDDEE QAASATAN SOOMAALI MIDEE DHIBKANA KASAAR…AMIN..AMIN…….AAMIIIIIIIN