Home » Announcements »

Ramadaan: Ogaysiis ku socda Jaaliyadaha W.Maraykanka

XAFIISKA GOLAHA ISUTAGA IIMAAMADA IYO MASAAJIDA WAQOYIGA MARAYKANKA
(THE NORTH AMERICA OF COUNCIL OF SOMALI IMAMS)

OGAYSIIS KU SOCDO DHAMAAN JAALIYADAHA MUSLIMIINTA AH EE KU NOOL W/MARAYKANKA.
GAAR AHAAN JAALIYADA SOOMAALIYEED.

Dhamaan umada muslimiinta ah ee ku nool waqooyiga maraykanka,
Gaar ahaan jaaliyada soomaaliyeed,wuxuu idinku wargalinayaa majliska
isutaga iimaamada iyo masaajida inay nagu soo food leedahay bishii
barakaysnayd ee (RAMADAAN)sidii caadada u ahaan jirtay majliska wuxuu ku howlanyahay la socodka dhalashada bisha,si uu ugu soo gudbiyo jaaliyada maalinta ugu horayso oo ay bilato bisha barakaysan
Hadabo dhamaan jaaliyada waxaa lagu wargalinayaa inay la socdaan
iclaanaadka ay bixinayaan masaajida iyo maraakista majliska,iyadooy
dhamaan gobalada maraykanka ay kala socondoonaan,gobal walbana
uu laxiriirayo maraakista majliska ee gobaladaas ku yaal. insha-allaah.
 
wixii faah faahin intaa dheer laxiriir :
Tell:612-483-1934 Sheikh Foozi. xooghaynta majliska

madaxa majliska ee waqooyiga america

sheikh C/llaahi Abul-Fadli
kulmiye99@hotmail.com
majlisaima@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.