Home » Warar »

Madarasada Shaafici iyo Sanad dugsiyeedkeeda Cusub

Gaalkacyo:-Waxaa galabnimadii jimcaha ee ku beegnayd 14/08/2009 lagu soo bandhigay Markaska dacwada ee Bukhaari xaflad si heersare ah loo soo agaasi may oo ku saabsanayd munaasabada sanad dugsiyeedka cusub ee 2009/2010.

Sawiro kaloo dheeraad ah daawo

Xafladaas waxaa lagu furfuray Aayadaha quraanka kariimka ah oo uu akhriyey arday ka mida madrasada ka dibna waxaa hadalo soo dhawayna ka yiri maamule ku xigeenka madrasada Ustaad Cabdile khudbada ka dib waxay ay soo bandhigeen ardayda madrasadu nashaadaad ay ka wada maqsuudeen dhamaan dadkii soo xaadirey xaflada oo isugu jiray waalidiin,mucalimiin ,culumo,marti sharaf faro badan oo qaar kood uga yimaadeen Gaalkacyo sida c/salaan Xassan Jalamad.

Maamulaha madrasada Mahad Maxamud Saleemaan oo hadal kooban ka jeedi yey xaflada ayaa waxaa uu ka soo qayb galayaashii xaflada uga warbixiye Madrasada iyo aasaaskeedii iyo waliba baahidii keentay furitaankeeda wuxuuna sheegay in la aasaasay 26/11/2008dii kana kooban tahay 5 fasal tirada arday duna 195 arday ayna ka hawl galaan 15 qof.

Maamulaha madrasada daarul quraanka Mahad Maxamud Saleemaan ayaa Wuxuu u mahad celiyey dhamaan dadkii gacanta ka geystey wuxuuna ku khatimay caqabaadka iyo baahida madrasada oo ay ugu weyntahay inaysan haysan dhismo munaasiba oo ay ku jirto guri kiro ah oo ciriiri ah iyo daymo dhan 2000$(labokun oo doolar).

Intaas ka dib waxaa hadalkii lagu soo wareejiyey Sheekh mahad c/laahi oo bogaadiyey dadaalka la galiyey madrasada sheegayna in ay diyaar u yihiin ka dacwo ahaan inay taageeraan.

Waxaa markii danbe hadlka la siiyey Sheekh Axmed dheeli oo Gaalkacyo ka yimid kuna dheeraaday madaarista daarul quraanka ah iyo baahiyahooda iyo faaidada ay kusoo kordhiyeen saaxada dacwada iyo sida looga gudbi karo salbiyaadkooda iyo in la garab istaago.

culimada goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa Sh.abucubaydana wuxuu baraarujiyey in lafuro madaaris noocan oo kale ah oo macaliimiintii hore is kaashadaan,dhamaan Waxgaradkii iyo culimadii ka hadlay xaflada waxay cabireen in la garbistaago madrasada iyo sida ay ula dhacsan yihiin sida madaradu ku socoto.

safwaan11@msn.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.