Home » Warar »

Dagaalkii Xarardheere oo Xabad Joojin lagu guulaystay iyo Ardayda Ugandha

Dagaalkii Degmada Xara Dheere Ku Dhex Maray Labada Beelood Oo Lagu Guulaystay In Xabad Joojin La Sameeyo

Guddiga dhex dhexaadinta ee sida weyn dadaalka ugu galay in la joojiyo dagaalka beelaha walaalaha ah ku dhex maray degmada xeebta ah ee xaradheere ayaa shaaca ka qaaday inay ku guulaysteen dhiig joojin islamarkaana ay iminka meel wanaagsan u marayso .

Afhayeenka Gudiga dhex dhexaadinta dagaalkaasi Maxamed Sheekh Axmed oo ku sugan magaalada xaradheere ee gobolka Mudug ayaa saxaafada u sheegay inay ku Guulaysteen inay Xabada joojiyaan islamrkaana ay wejigii hore ka gudbayaan oo ay u talaabsan doonaan wejiga labaad ee nabadaynta labada beelood .

Sidoo kale waxgaradka iyo Cuqaasha labada beelood ee dagaalku dhex maray ayaa isla meel dhigay in dhinac kamid ah uu bixiyo lacag xaalmarin ah oo cadadeedu dhantahay Laba boqol oo Milyan iyo in dib loo celiyo Labo qori oo noocoodu yahay PKM ama daba jeex nooca loo yaqaano taasoo dhinac ka ah hordhaca heshiiska islamrkaana ay si weyn isugu afgarteen in xal la gaaro

Heshiiskan oo wax garad badan iyo weliba Odayaasha dhaqanku ay uga soo gurmadeen gobolada mudug ,galaguduud ,shabeelada dhexe iyo meelo kale ayaa u muuqda mid ay si weyn dadaal ugu jiraan sidii xal waara loo gaari lahaa islamarkaana looga gudbi lahaa dagaalka sokeeye ee dhex maray labada beelood ee ood wadaagta ah .

yaasiin faytaan
yaasiinfaytin@hotmail.com

Midowga Ardayda Somaliyeed Ee Wax Ka Dhigata Dalka Ugaandha Oo Ka Walaacsan Xalada Dalka Marayo.

Tan iyo wixii ka danbeeyay Bur-Burkii Dawladii dhexe ee Somaliya waxa soo Badanayay Ardayda Somaliyeed ee dibadaha iyo Dawladaha Jaarka ah u doonanayay Waxbarasho,kuwaasi oo dhigtay Maadooyinka kala Gadisan ee uu Ruux waliba Markaasi Jeclaado.

Hadaba dhawaan ayaa Ardayda wax ka dhigata Dalka Ugadan waxay doorteen Gudoomiye isaga oo ay taasi ka danbaysay Kulamo Joogta ah oo ay Yeesheen.

Midawga Ardayda Somaliyeed ee Uganada SSU. ayaa Gudoomiyaha Midowgaasi waxa uu soo Gaadhay Dalka Kenya Gaar ahaan Magaalada Nairobi.

sawira

Cumar Axmed Maxamed Fardaale ayaa isaga oo ku sugan Magaalada Naiobi warbaahinta u sheegay inay wax wayn qabteen tan yo wakhtigii la doortay Midowgaasi.

Cumar Axmed Fardaale ayaa ugu Horayn ka Hadlay dhibaatooyinkii ugu danbeeyay ee ka Aloosnaa Somaliya, isaga oo ugu Horayn ka Hadlay, Dilalkii is daba Jooga ahaa ee ka dhacay Gudaha Maamulka Somaliyeed ee Puntland.

Mr Fardaale ayaa aad wax looga xumaado ku Tilmaamay dilki Foosha xumaa ee Wasiirkii Warfaafinta Puntland Alla Naxariis ha Geeyay Warsame Aadan SHirwac, waxana uu ugu baaqay dhaman Shacabka Reer Puntland inay ilaaliyaan Nabada iyo Kala danbaynta.

Sidoo kale Gudoonka ayaa ka hadlay Dilkii kale ee loo Gaystay isla Gobolada Puntland 7-Wadaad ee aha Tabliiqa, isaa oo Falkaasi Canbaareeyay ugana digy SHacabka Somaliyeed inay Takooraan kuwa Amaanka Lugaha Jiidya ee diidan inay Somaliya Amaan Noqoto.

Cumar ayaa sidoo kale ka hadlay Mashaqadii dhawaan ka dhcadau deegaanka Gabilay ee Galbeedka Fog Somaiya, isaga oo Beelaha Walaalah ah ugu baaqay inay Hashiiyaan oo ay Nabada Wadaagaan.

Gudoonka SSU ee Ardayda Uganda ayaa ugu baaqay Dhamaan Ardayda Somaliyeed ee Aduunka Daafihiisa Joogay inay Midoobaan oo ay ka ay iska Ilaaliyaan ku dhex Milmida Siyaasadaha Qalafsan ee Somaliya Hadheeyay.

Gababa Gabadii waxa uu dhaleeceeyay Dadaalka Dawlada Somaliya ee ku aadan Kobcinta Waxbarshada iyo ka war Haynta Ardayda Somaliyeed ee Banaanka Dalka ku Maqan, isaga oo Farta ku Guday in Horay uu Balan ga qaaday Madaxa Somaliya ee Sheekh Shariif taasi oo salka ku Haysay inuu Ardayda u samayndoono Pasaporka Somaliya, taasi oo aan ilaa haatan waxba ka qabsoomin.

Midowga Ardayda Somaliyed ee Uganda kala xidhiidh

Saadiq_vip@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.