Home » Warar »

Boqolaal arday oo u fariistay Imtixaanka Jaamacadda Muqdisho

Waxaa maanta u fariistay Imtixaanka ogolaashaha Jamaacadda Muqdisho boqolaal arday oo kasoo qalin jabiyay dugsiyada sare ee dalka iyo dibadda, una soo gudbay waxbarashada sare (Jaamacadeed).

Sawiro kale oo dheeraad ah daawo

Imtixaankan oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Muqdisho ayaa waxaa ardayda ka muuqday sida ay ugu hamuun-qabaan uguna heelan yihiin u soo gudbidda marxaladda Jaamacadeed; arday walba ayaa ku galayay Imtixaanka kuliyadda uu doonayo inuu ku biiro.

Madaxa Qaybta Imtixaanaadka ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Maxamed Xasan Nuur ayaa ku boorriyay ardayda Imtixaanka galayay inay dadaal dheeraad ah muujiyaan isagoo dhanka kale u mahadceliyay waalidiinta Soomaaliyeed ee u doortay jaamacadda Muqdisho inay ubadkoodu wax-ka-bartaan.

Sidoo Dr. Max’ed wuxuu u mahadceliyay qaybaha kala duwan ee warbaahinta Soomaaliyeed, isagoo ku amaanay kaalinta ay ka qaateen horumarinta waxbarashada dalka.

Jaamacadda Muqdisho oo aasaasay 1997-kii, ayaa waxay leedahay 7-kulliyadood iyo 21-taqasus oo cilmiyada kala duwan ah, waxaana ka qalin jabiyay 12-Dufcadood, iyadoo dufcaddii 13-aad ay noqonayaan kuwa Imtixaanka u fariistay.

Jaamacaddu waxay xiriir la leedahay Jaamacadaha caalamka; waxayna dhawaan kaalinta 40-aad ka gashay ururka Jaamacadaha Qaaradda Afrika.

C/naasir Yuusuf Macallin
cnaasir114@yahoo.com
Mogadishu – Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.