Home » Warar »

Masaajidka Isbahaysiga oo reer Hamilton lacag loogu deeqay

Deeq lacageed gaaraysa $3940 oo la gudoonsiiyey imaamka masaajidka isbaheysiga islaamka somaliyeed ee Magaalda Muqdisho

Sawiro kaloo dheeraad ah daawo

Ka dib markii uu burbur lixaad leh uu soo garay Masaajidka isbaheysiga islaamka ayaa samafalayaal katirsan Jaaliyada somaliyeed ee Magaalada Hamilton ee lodan iska soo uruuriyeen kaalmo lacageed dhan $3940 si dayactir iyo dib u habeyn loogu sameeyo beydkii ilaahey oo uu soo garay dayactir la’aan mudo badan oo aan loo helin gogol iyo adeegii guug ee uu lahaa masajid .

Waxaana maanta kaalmadaan ay soo dhiibeen jaaliyada loo soo marsiiyey xildhibaan cabduqaar shido oo ka mid ah mudanayaasha baarlamanka Dowlada Fadaraalka KMG somaliyeed wuxuuna sheegay in uu u gudbiyey masaajidkii ay ku socotay deeqdaan wax ku oolka ah waxaana ka gudomay imaanka masaajidka isbaheysiga islaamka somaliyeed Sh Cuma Xuseen Cabdi oo si weyn uga mahad celiyey wuxuuna sheegay in wajigii 1aad ay soo gabagabeeyeen isla makaan uu bilaabanayo wajiga labaad oo lagu dayactiri doono qeybaha danbe ee samaajidka siiba musqulaha ,qasabadaha biyaha ,gogosha , dariishadaha ,albaabada waxakasta oo u baahan dhisme ama badalid .

Imaamka Masaajidka Isbahaysiga|Sh Cuma Xuseen Cabdi

Sida uu shegay imaamku waxaa haay qeybihii ugu muhiimsanaa masaajidka sida maktabadii kitaabada, kaalmadaan waxay noqoneysaa tii ugu horeysay tan iyo intii la guda galay wajiga labaad ee dayactirka masaajidka wuxuuna xusay in ay wax weyn ka qaban doonto howlaha dib u dhiska ah ee ka socdo Masaajidka Isbeysiga islaamka oo la dhisay 1973 dii ahaana masaajidka ugu weyn qaarada afrika xiligaa .

Imamka masaajidka Sh Cuma Xuseen Cabdi ayaa ka rajeeyey umadda somaliyeed iyo jaaliyadaha kale in ay ka qeyb qaadan doonaan dayactirka iyo qalabeynta masaajidka oo u baahan gurmad deg deg ah iyada oo ay fooda inagu soo heyso bishii barakeysneyd ee ramadaan .

Masajidkaan ayaa waqtiyadii ugu danbeyey waxaa ka socday howlo gurmad ah oo aan loo kala harin umadda muslimka ah gudaha iyo dibadaba, waxaana suurta gashay in la dhameeyo wajigii hore ee masjidka isbaheysiga islaamka kaas oo laga dheehan karo sida uu hada yahay marka dusha laga eego waxaana markii ugu horeysay ee dayactirkiisa sidaan oo kale looga qeyb qaato masaajidkan isbaheysiga islaamka ayaa waxaa saameyn weyn ku yeeshay dagaladii xiliyadii ugu daneeyey ka dhacayey magaalada muqdisho .

Sawiro kaloo dheeraad ah daawo

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.