Home » Sports, Warar »

Ciyaarihii ugu Danbeeyey ee Somali Week oo ay iskugu soo hareen 4

Semi finalkii Somali Week London oo ay iskugu soo hareen kooxaha AL-HIJRA, HILTOP,ILAMOS & LIECESTER STARS.

London 13.08.2009. Koobkii xiisaha badnaa ee ka socday magaalada London ee Somali Week London 2009 ayaa soo gaarey heerkii ugu dambeeyay kadib markii wareega labaad ay ka soo gudbeen 4 kooxood .

Ciyaaro aad u xiisa badnaa oo dhaxmarey kooxaha kale ah:

Ilamos v Milton Keynes

Ilmos V Milton Keynes ayaa ku dhamaatey 4 goal ay Ilamos ugu awood sheegtaan kooxda Milton Keynes halka Milton Keynes ay dhalisay Goal qura.

Kooxda Milton Keynes oo ah koox ay ka muuqato firfircooni iyo mustaqbal wanaagsan ayaa wareegii koowaad ee tartanka Somali Week si xarago leh uga soo gudubtey,halka kooxda Ilamos ay macalimiin u yihiin labo ciyaaryahan oo ka mid ahaan jirey ciyaartooydii hore ee dalka Soomaaliya Macalin Ahmed Bile & Macalin Zakariye ayaa moodaa inay kooxdoodu tahay mid qaab dhismeedka jirkooda mid ay kaga duwan yihiin kooxaha kale ee ka qayb galaya tartanka, mar aan kula sheekaystey garoonka labada macalin iyo qaar katirsan ciyaartooyda kooxda Ilamos ayay iisheegeen inay kooxdoodu ay diyaar garoow badan u soo gashay koobka Somali Week ay na taas u sii dheer tahay iyagoo ka dheela League ka socda Waqooyiga magaalada London.

Kooxda Milton Keynes macalimiintooda iyo ciyaartooyduba ay ahaayeen dhalinyaro da’yar oo aad u firfircoon ayaa ii sheegay inay ku faraxsan yihiin inay soo garaan wareega labaad balse sanadka dambe ay ka jeclaan doonaan in la xadido da’da kooxaha ka qayb galaya si kooxaha ka qayb qaadanaya tartanka ay u noqdaan kuwa isku wada fil ah,taas oo ay ula jeedeen talo ahaan balse guuldarada kooxdooda ay kale kulmeen kooxda Ilamos u arkayay in aan looga badinin ciyaar wanaag laakinse looga badiyay waayo aragnimo iyo iyadoo kooxda Ilamos adeegsanayeen muruqooda.

Kooxda Milton Keynes ayaa waxaa ciyaarta kaga dhaawacmay ciyaaryahan ka tirsanaa lacibiinta kooxdooda, kasoo loola cararay Isbitaalka.

Licester V Juba FC

Kooxaha Liecester Stars iyo Juba FC ayaa ciyaartii labaad isaga hor yimid, ciyaartaas oo ahayd mid aad u xiisa badnayd ayaa dadkii daawanayeen ay u yeesheen fiiro gaar ah kadib markii ay labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar wanaag iyo iska cabin saraysa, tasoo koox walba ay ku raadinaysay inay kaga badiso kooxda kale.

Kooxda Jubba oo lagu bartey ciyaar wanaag iyo goalal dhalis ayaa waxaa si lama filaan ah labo goal oo xiriir ah ka dhaliyay kooxda Liecester Stars oo aad moodo inay sanadka Somali Week ugu soo diyaar garoobeen inay kaalimaha hore ka galaan.

Qaybtii kowaad ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatey in kooxda Liecester labo Goal ay ku hogaamiso halka kooxda Jubba waxba aysan dhalinin.

Qaybtii labaad ayaa u suurta gashay in kooxda Jubba Goalkoodii kowaad ay dhaliyaan ciyaarta laakinse waxyar kadib ayaa kooxda Liecester hadane dhalisay labo Goal oo kale,tasoo ka dhigtey in kooxda Liecester yeelato 4 goal halka kooxda Jubba ay hal Goal.

Kooxda Jubba ayaa wax ka badashay qaabkii ay u ciyaarayeen taasoo ku abuurtey in kooxda Liecester ay goalkooda la galaan dabada si ay isaga daafacaan weerarka ay la beegsanayaan kooxda Jubba,waxaa xusid mudan in kooxda Jubba oo watey taageerayaal qiiro badan ayaa u suurta gashay inay ka dhaliyaan labo Goal oo xiriir ah wax ka yar 10 daqiiqo ,taa soo ciyaarta ka dhigtey 3 iyo 4.

Hasayeeshee kooxda Liecester Stars oo ka faaidaysanaysa culayska badan ay soo saareen Goalkooda kooxda Jubba oo rabta inay iska soo guto Goalka laga horeeya ayaa waxay badal ku sameeyen ciyaartooydooda iyagoo garoonka soo galiyay ciyaaryahan qibrad iyo farsamadiisa sareysa kasoo lagu magacaabo Faysal oo wata Numberka sagalaad ayaa waxa u helay fursado degdeg kadib markii daafaca kooxda Jubba ay cidlo ka dhigeen xaga dambe Goalkooda,tasoo u saamaxday ciyaaryahanada kooxda Liecester Stars inay ka faaidaystaan qaladka kooxda Jubba ay ku dayaceen inay goolkooda ku daafacdaan,tasoo ciyaartii waxyar gudahood isbadal ku yimaado, isla markaana kooxda Liecester dhaliso labo Goal oo kale,tasoo ciyaartii ka dhigtey 6 Goal oo ay dhaliyeen kooxda Liecester halka kooxda Jubba ay 3 Goal kala caraabaan garoonka tasoo ka dhigtey in kooxda Liecester Stars inay u soo baxaan Semifinalka Somali Week.

Gudoomiyaha kooxda Liecester Stars mudane Cabdulahi Sanay oo aan ku arkay garoonka isla markaana ay na dhaxmartey sheeko dheer ayaa I sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inay ka soo qayb galaan koobka Somali Week,guusha kooxdoodu gaarteyna manta ay mahadeeda leeyihiin macalinmiinta kooxda Liecester Stars iyo ciyaartooydooda isla markaana waxa u ii sheegay in kooxdooda sanadkaan aysan uga qayb galin tartankii lagu qabtey magaalada Gotenburg ee lagu sheegayay in ciyaarihii EuroSom lagu qabtey ayna ka soo qayb galeen kooxihii lagu yaqiin EuroSom.

Run ahaantii aniga maba aadin kooxna noogama qayb galin muuqata inkastoo macalin Cumar iyo dhawr ciyaaryahan ugu dirnay inay soo arkaan waxa ay meesha ku hayaan raga kale daadiyay tartankii EuroSom kooxihii wada dhistey ayuu I yirio Gudoomiyaha kooxda Liecester Stard mudane Sanay,waxaan sii su’aalay sababta ay kooxda Liecester Stars ee wacdaraha ka dhigaysa koobka Somali Week loo yiri koox ay kaga qayb galaan tartanka EuroSom Gotenburg la yiri waa lagu qabtey ma haystaan kooxda Liecester Stars? Waxana uu igu jawaabay ma kula tahay tartan 3 maalin soconaayo inay jirto cid ku bixinaysa 5000 Pound oo ticket, jawaabtu waa maya ayuu hadalkiisa sii raaciyay,marka anaga waxaa naga goan inaan ka qayb qaadano meeshii ay dhalinyarada rabaan isla markaana lagu qabanaayo wax muuqda sida Somali Week London, anaga hada 400 Pound ayaa Fee-ahaan u dhiibnay tartankaan isla markaana dhalinyarada dhana waa ku faraxsan yihiin inay London yimaadan ku bashalaan kadibna dib ugu noqdaan xaafadahooda halka dal kale loogu kaxaynaayo wax aan cadayn sababta loo aadayo iyo cida ay qabanayso moodo wixii dadka la dhisteen inay isku koobaan madaama xaafadooda ay marti galiyaan.

Ujeedada markii hore EuroSom loo dhisay waxay ahayd in dhamaan dalalka Yurub dhan la geeyo Sports Soomaaliyeed isla markaana maamulka u noqdo mid caadil ah oo ku xiran waxa ay isku racaan kooxaha ku wada jira codadkooda,marka waxaa mooda in kooxihii ka qayb gali jirey tartanka EuroSom ay rabaan inay u soo wareegaan inay ka dhaleen koobka Somali Week 2010, waxaana codsiyo soo gudbiyay kooxaha kale ah Holand,Biljamka iyo Norway halka labo kooxoodna ay hada ka qayb qaadanayaan koobka Somali Week London.

Shalayto ayaa waxaa ciyaaro xiiso badan oo loogu soo baxayay Semi Finalka Somali Week London lagu qabtey garoonka New River oo ku yaal bartamaha xaafaha Totenham.

Ciyaarahaas oo ay yeesheen kooxaha kale ah Alhijra iyo Wembley United ayaa run ahaantii ahayd kooxo si weyn loogu saadalinayay inay meelo fican ka gali karaan koobka Somali Week 2009.

Kooxda AL-HIJRA oo ah kooxda haysta koobka EuroSom iyo kooxda Wembley United oo haysata koobka Somali Week Canada ayaa noqonaysa waxa dadka daawanaya garoonka micnaha badan u yeelayay inay arkaan awoodaha labada naadi oo ka kale dhisan xaafadaha North iyo West magaalada London.

Hasayeeshee kooxda Al-Hijra oo ku ciyaaraysay xaafadeeda isla markaana waxbadan soo dhisnayd kana mid ah kooxaha ugu maamulka wanaagsan kooxaha Somalida ee ka dhisan magaalada London ayaa waxay 5 goal shabaqa kooxda Wembley United la tiigsatey halka kooxda Wembley United-na ay dhaliyeen labo Goal,tasoo ka dhigaysa in kooxda AlHijra u soo gudubto wareega 3aad ee koobka Somali Week London 2009 halka kooxda Wembley United dib ugu laabtey Galbeedka magaalada London iyagoo ka harey koobka Somali Week.

West 12 iyo Hil Top ayaa iyana isku arkay ciyaartii labaad ee is reeb reebka wareega labaad ee Somali Week.

Kooxda West 12 ayaa la soo shir tagtey ciyaaryahano aad u wanaagsan oo aan hore loogu arag tan iyo biloowgii ciyaarahan, hasayeshee kooxda Hil Top ayaa dadka garoonka kale socda ciyaarahaan ku qabeen kalsooni badan kadib markii ciyaarihii ay hore u soo dheeshay tartankaan ay ka soo muujiyeen wacdaro iyo ciyaar wanaag ayaa waxaa u suurta gashay inay labo Goal ka dhliyaan kooxda West 12 halka kooxda West 12 –na ay hal goal dhaliyaan.

Hadaba waxaa wareegii labaad ka soo baxay kooxaha kale ah Al –hijra, Ilamos,Liecester Stars iyo Hiltop halka kooxaha Wembley United, Jubba, West 12 iyo Milton Keynes ay gabi ahaan ka hareen koobka Somali Week London.

Waxaa maanta lagu wadaa in Semifinalkii lagu dheelo garoonka New River, kuwaasoo ay isku arki doonaan kooxaha kale ah sidatan:

Al-Hijra V Ilamos FC

Liecester V Hiltop

Ciyaarahan ayaa bilaban doono saacadu markay tahay 4-ta galabnimo saacada magaalada London socona doona ilaa 8 habeenimo, waxaa kale oo garoonka lagu qaban doonaa tartankii loogu magac darey caruur iyo ciroole oo ay ka qayb qaadan doono tartanka orada Somali Week.

Maalinimada Axada galabteeda saacadu markay tahay 2 galabnimo lagu wadaa in lagu qabto xaflad weyn oo loogu talagalay in Somali Week Finalkeeda lagu qabto socona doonto ilaa habeenkii, waxaana lagu wadaa inay ka soo qayb galaan faniintii qaranka Soomaaliyeed ee Waabari , Ciyaartooydii magaca ku lahayd dalkeena Soomaaliyeed siyasiyiin Soomaaliyeed,Madaxda dalka Ingiriiska iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan London iyo gobalada ku xeeran.

Yusuf Yusuf

SomaliWeek London Sports Media Manager

mrsomalia@hotmail.com

London

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.