Home » Warar »

Baaq Nabadeed oo ku socdo kooxaha ay dirirtu u dhaxayso

Ujeedo: Baaq Nabadeed oo ku socdo kooxaha ay dirirtu u dhaxayso

Gudoomiyaha ururka SORASOD: Eng Idiris Hassan Farah waxuu u baaqayaa kooxaha ay dirirtu u dhaxayso inay joojiyaan dagaalka si looga baaqsado dhiig sii daato

Sidaa darteed waxaan ka dalbanaynaa kooxahaan dirirtu u dhaxayso inay si sharuud la aan ah u joojiyaan dagaalada ka hol cayo somaliya isla markaana la isugu yimaado miiska wada hadalka.

Sidaa darteed waxaan hogaamiyayaasha hogaamiso kooxaha dirirtu ka dhaxayso oogu baaqaynaa inay joojiyaan dagaalka maadaama oo 20 sano oon soo dhaafnay ragii dagaal oogayaasha ahaa aynu ognahay meeshay ku dambeeyeen adinkuna hadii aad joojin waydaan dagaalka waxaad ogaataan inaad ku dambayn doontaan fashil.

Sidoo kale waxaan idin xasuusinaynaa in dagaalka somalida dhexdeeda ah aan cidina faaiido ka gaaraynin marka laga reebo cadawgiina (Ethiopia iwm) oo siinaaxo sidii horayba u dhacday.

Sidoo kale waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo barakicinta labara kicinayo maatada aan waxba galabsanin waana inaad ogaataan nabadu waa furaha nolosha

Ugu dambayntii waxaan xasuusinaynaa cid kastaa oo rajo ka qabto in beesha caalamka ciday ka raalinoqoto ay somaliya xukumayso inay tahay yididiilo been ah ee cidii somalidu karaali noqoto ayaa wadanka u harayso ee intayna xeero iyo fandhaalkeeda kala dhicin danta somaliya halaga raadiyo somalida.

Wada shaqayn wacan

Chairman of Somali Reconstruction And Social Development ry(SORASOD) Idiris Hassan Farah
idirishf@hotmail.com Phone:358445545344

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.