Home » Warar »

SOM_UNICEF:Carruurta Soomaaliyeed oo halis weyn ku sugan

Carruurta Soomaaliyeed oo halis weyn ku sugan iyada oo shaqaaqada ka dhanka ah hawlaha gargaarka ee kor u kacaysa ay dib u dhigeyso gaarsiinta sahayda nafaha lagu badbaadinayo

NAYROOBI, KENYA, 13 Agoosto 2009: UNICEF ayaa maanta ku khasbanaatey in ay dib u dhigto diriddii boqolaal tan oo sahayda nafaqado oo loogu talagalay in looga hortago laguna daweeyo nafaqo-xumada ba’an ee soo wajahday in ka badan 85,000 oo carruur Soomaaliyeed ah kuwaas oo ku nool gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, taas oo ay sababtay cadowtinimada ka dhanka ah ururada gargaarka oo aad u korodhey. Marokaneecooyin looga hortegayey duumada (malaariyada) oo loo qaybin lahaa in ka badan 100,000 oo haween iyo carruur ah ayaa iyana ay carqaladeyn ku timid. Goobaha ka mid ah gobolladan ee ammaanka la ballanqaaday, ayaa UNICEF ka sii waddaa gaarsiinta sahaydeyda iyo barnaamijyadii bani’aadamnimada.

“Waxa aan u baahannahay in aan maamullada degaanka ka helno ballanqaadyo adag oo ku aaddan in gaarsiinta iyo kaydinta sahayda ay u dhacayso si ammaan ah, si aan usii wadno barnaamijyada lagu badbaadinayo carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed. Waxa aan rajeyneynaa in ballanqaadyadani ay si aad u dhaqso badan u imaan doonaan si aan usii wadno hawgaldeena heer u dhigma baahida carruurta iyo haweenka ugana hortagno geeri haddii kale ku imaan lahayd,” ayaa ay tiri Marwo Rozanne Chorlton, oo ah Wakiilka UNICEF Soomaaliya.

Xaruntii UNICEF ee Jowhar (Bartamaha Soomaaliya) – oo xuddun u ahayd hawlaha barnaamijyada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya – ayaa lala wareegey 17kii Maajo 2009 halkaas oo tiro badan oo sahaydii bani’aadamnimada ee loogu talagalay dadka tabaalaysan iyo qalabkii isgaarsiinta qaarna la burburiyey qaarna laga qaatey xafiisyadii iyo bakhaaradii UNICEF ee ay ku jireen. Intaa waxaa dheer, in ay na soo gaarayaan warbixinno sheegaya in sahaydii UNICEF ee xaaladaha degdegga ah ee ku keydsaneyd bakhaarada hay’adaha aan dowliga ahayn ee UNICEF la shaqeeya ee Jamaame (Jubbada Hoose) la qaatey horraantii bisha Agoosto.

UNICEF waa hay’adda ugu weyn ee bixisa tallaallada iyo daawooyinka aasaasiga ah ee xarumaha caafimaadka hooyada iyo dhallaanka iyo rugaha caafimaadka iyada oo gargaarta 1.2 milyan oo carruur ay da’doodu ka yar tahay shan sano iyo 1.4 milyan oo haween ah kuwaas oo ku nool Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya. Xaaladda carruurtan iyo haweenkan ayaa geli doonta halis aad u weyn haddii UNICEF ay kari weydo in ay si buuxda u shaqeyso una gaarsiiso sahayda iyada oo aan la carqaladayn.

Macluumaad dheeri ah fadlan kala soo xiriir:

* Robert Kihara, Sarkaalka Wargaarsiinta, UNICEF Somalia, Email: rkihara@unicef.org, Mobile: +254 722 206 883

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.