Home » Warar »

Qaar kamida Baracayaashii Muqdisho oo kacabanaya Biyo la’aan

Qaar ka tirsan Qaxooti cusub oo ka soo barakacay Dagaaladii u danbeeyay ee Muqdisho oo ka cabanaya Biyo la’aan iyo Musqulo la’aan.

Qaxooti cusub oo dhawaan ka soo barakacay Dagaaladii u danbeeyay ee Magaalada Muqdisho islamarkaana degay xerooyin cusub oo ku yaal Deegaanka Taree Disho ee u dhexeeya Muqdisho iyo Degmada Afgooye ayaa si weyn uga cabanaya Biyo la’aan iyo Musqulo la’aan.

Dadkaani oo buushash cusub ka dhistay Deegaanka Taree Dishe gaar ahaan agagaarka halka looga leexdo deegaanka Garasbaaleey ayaa iyagu waxay ka codsanayaan Hay’adaha samafalka ee wadaniga ah iyo waliba Soomaalida ku nool qurbaha ee Alle wax siiyay inay ka saacidaan baahidooda ugu weyn iminka ee dhanka biyaha iyo musqulaha iyadoo Odey u hadlay dadkaasi uu warbaahinta u tusay hal musqul oo qoys qaxootigaasi ka mid ahi dhistay oo ay feyl dheer u galaan dadka deegaankaasi cusub ku nool oo dhan kuwaasoo gaaraya ilaa 300 qoys iyadoo waliba halkii musqul lafteedu iminka u xirmatay markii boosaneerkii buuxsamayay islamarkaana uuba dumay.

Waxaa kale uu xusay odeygaasi islamarkaana saxaafada soo tusay ceel aan u dhoweyn kaamka cusub oo ay dadkaasi biyo u doontaan iyagoo qarashadaad badan ku baxsha sidii ay u soo arooran lahaayeen biyahaasi.

Kaamkaani cusub oo loogu magac daray DUCO ayaa waxaa ku jira oo buushash ka dhistay qoysas 2-dii bilood ee ugu danbeysay ka soo barakacay Dagaaladii u danbeeyay ee Muqdisho kuwaasoo gaaraya ilaa 300 qoys islamarkaana ay dhibaato xoog leh ka haysato dhanka biyaha iyo musqulaha oo ah kuwa ugu muhiimsan nolosha qoysaskaasi inkastoo ay jiraan waxyaabo kale sida raashinka oo kale waxaase uga daran sida dadka deegaank dhamaantood marka loo tago ay afka ku wada hayaan dhanka biyaha iyo musqulaha oo sidii ay dhulkaasi u degeen aaney jirin cid ka gacan siisay.

Wariyayaal dhowr ah oo Muqdisho ka tagay ayaa Maanta soo booqday Kaamkaasi dhowr ah waxayna indhahooda ku soo arkeen dadka ku nool kaam lagu magacaabo oo DUCO oo musqulo u aada kaamam kale oo deris la ah taasoo keentay in musqulahii ay maciin bideen iyagiina feyl noqdaan ileen labadii Kaam ayaa dhowr musqulood isugu tagay waxaana u daran subaxa hore iyo maribadii sida barakacayaashaasi sheegeen waxaase wariyayaasha aad ula yaabeen markii la tusay hal musqul oo qaxootigaasi qoys ka mid ah sameeyay oo boosaneerkii buuxsamay islamarkaana bur bur ku yimid iyadoo la arkayo wasaqdii boosaneerka ku jiray oo caradii ku sii dumeyso mana jirto wax hay’ad ah oo kaamkaasi cusub wax u qabatay ama dadka Soomaaliyeed ee Jaaliyadaha Dibada ku nool kuwaasoo qaxootigaani ka codsanayaan inay ka saacidaan dhibaatadaasi iyagoo Allana ka baryayay inuu u fududeeyo cid kastta oo iyaga caawineysa.

“caawimaada aan rabbo waa mid deg deg ah maxaa yeelay waxa aan rabno waa biyo iyo musqulo marka cid kasta oo dhankaasi naga saacidi karta deg deg dhanicayadaasi ha na nooga saacido” ay tiri Hooyo ilmo badan ku haysatatay kaamkaasi oo lagu magacaabo DUCO kuna yaal Taree disho agagaarka halka looga leexdo Deegaanka garasbaaleey oo warbaahinta la hadlayasay.

Mahamud Ahmed Hassan

xuurshe114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Qaar kamida Baracayaashii Muqdisho oo kacabanaya Biyo la’aan "

  1. Maxamed Soomaali says:

    Shacabka Soomaaliyeed maxa u barakacaysan ku jihaada kooxaha idinka barakicinaya guryahiina hubka qaata iska dhiciya tuugada 20 sano ayaa shacabka la xasuuqayay haddii aan la iska qaban tuugada 20 sano oo kale ayaa la barakacayaa ka kaca hurdada soomaaliyeey iska qabta tuugada dila kii idin dhaca dila kii qori la soo gala deegaankiina.