Home » Siyaasad »

Waxyeelooyinka Qabiilka|Mahad Camal

Waxaan doonnayaa in aan iidinkugu soo bandhigo qoraalkaan ,waxyeelooyinka Qabiilku uu leeyahay iyo dib udhac umadeena uu u keennay.

Qabiilku wuxuu ahaa mid soo jireen ah oo umadadaha aduunkuna ay waxyeelooyinkiisu ay soo wadamareyn, Balse ay jireen dalalbadan oo ka xoroobay waxyeeladiisa, taassoo aysan ku gaarin guusha mar qura, hasa yeeshee ey marxaladdo badan ka soomareyn ,sidii ay uga xoroobi lahaayeen mushkilooyinkaas dib udhac ku hayay bulshooyinkooda.

Ma jirto,mana jiridoonto ,in umaddi hormar gaarto iyadoon aan si cilmiyeysan uga baxin ,waxyeellooyinka Qabiilka. Waxaa la´ma huraan ah in aynu ogaanno heerka iyo halka ay duniddu mareyso ,ayna ka mareyso horukaca bulsho iyo dalba. Haddii aynu doonneyno ineynu gaarnno horumarka asaagayyo gaaray,waxuu xaqiidusu tahay in lagu gaari karo ,ku dhaqanka climiga oo aynnu sal kadhigano,kana fogaanno waxii dib u dhac innoo keenni kara. Marka heer bulsho iyo qoysba aannu garanno waxyeelooyinka Qabiilka iyo turanturooyinkiisa, waxaan filayaa in aynu ka baxi karnno qabiilka,aragtida qabiilkanna lagu badallo waddaniyadnimo,markaas waxaanna shaki ku jirin inneynu tirtirkarno cadowga ugu weyn ee aynu leenahay.

Waxaynu dalkeenna dhisi karnaa markii aynu ka xorowno maskax Qabiilka iyo waxyaabaha dib u dhaca bulshadeenna u keennay.Aqoonyahanada Somaliyeed waa inney gudtaan waajibaadkoodda kas saarran bushadooda, taasoo keenni karta isbadal bulsho iyo dhaaqalaba oo deg-deg. Markii indheer garadka bulshadeennu ay gartaan ,waajibkoodda, ficil cad oo waddaniyadnimanna ay la yimaadaan ,waxaa markaas innoo ifi karra iftiin weyn. Aqoonyahanka dhabta ah waa kan ku fekera, sidii uu Ummaddisa ugu badbaadin lahaa dib u dhaca uu leeyahay Qabiilku, isla markaasna ku hamiya goor kasta in uu noqdo horseedaha, toosiyaha bulshada sidii ay u gaari lahayd horukac dhan kasta ah. Waxaan idinku booriniyaa in aad shaqadiinna iyo fakarkiinnaba aad ku saleysaannii ,Cadaalad,wadaninimo iyo sinnaata xaqa iyo sharcigga.

Mahad.Camal
MAHAD.CAMAL@GMAIL.COM

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.