Home » Warar »

Ururka Rajo Charts oo Deeq lacageed gaarsiiyay curyaamiinta ku jirta Cusbitaal Martiini

Ururka Rajo Charts oo maanta Deeq lacageed gaarsiiyay curyaamiinta ku jirta Cusbitaal Martiini ee magaalada Muqdisho.

Waxaa manta Deeq Lacageed oo ka timid Gabdho Soomaliyeed oo ku dhaqan dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada Leicester Curyaamiinta ku jirta Cusbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.

Gabdhahaan oo ka tirsan Ururka Rajo Charts ayaa waxaa gudoomiye u ah Drs. Cosob Cali Kulane, mana ahan markii ugu horayasay oo ay deeq lacageed gaarsiiyaan Cuuryaamiinta ku jirta Cusbitaal Martiini.

Ururka Rajo Charts ayaa waxay ugu deeqday Naaafadaas ku jirta Cusbitaalka Martini ee magaalada Muqdisho waxay maanta ugu deeqday Deeq lacageed oo dhan 500-Doolarka Maraykanka.

Munaasabadii deeqdaasi lacageed lagu gudoonsiinaayay Curyaamiinta ku jirta Cusbitaalka Martiini waxaa ka hadlay ugu hgorayntii Maxamed Xaaji Aadan oo ah Gudoomiyaha Ururka Rajo Charts ee Magaalada Muqdisho.

Ururka Rajo Charts oo maanta Deeq lacageed gaarsiiyay curyaamiinta ku jirta Cusbitaal Martiini ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan idinla qaybsanaynaa dhibaatada idin haysa, Ururka Rajo Charts-na waa mid mar walba doonaya inuu caawiyo dadka tabaalaysan sida idinka oo kale” ayuu yiri hgorayntii Maxamed Xaaji Aadan oo ah Gudoomiyaha Ururka Rajo Charts ee Magaalada Muqdisho oo sheegay in ururkoodu u taagan yahay daryeelida dadka tabaalaysan.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Xasan Maxamed Nuur Jabloos oo ah Afahayeenka Ururka Rajo Charts oo halkaasi ka cadeeyay inay ku dadaali doonaan inay wax taraan ka urur ahaan Naafadaasi, wuxuuna gudoonsiiyay 500-doolar oo ay gabadhaha Soomaaliyeed ee ay Gudoomiyaha u tahay marwo Cosob Cali Kulane Madaxda u tahay ugu soo deeqeen walaalahooda ku dhibaataysan Cusbitaalka Martiini.

Ugu dambayntii waxaa isna halkaasi ka hadlay Afhayeenka naafadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed eek u jira Cusbitaalka Martiini Cabdi Mahad Cali oo halkaasi ka sheegay inay si weyn ugu mahadcelinaayaan gabadhaha ku dhaqan dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada Leicester, wuxuuna sheegay Inay Ilaah uga baryayaan inuu ka abaal siiyo gacantii ay siiyeen naafadda ku dhaqan Martiini.

“Ma ahan markii ugu horaysay oo ay gabadhahaan na soo caawiyaan, Waxaana Ilaah uga baryaynaa inuu ka siiyo Ajar aan la soo koobi Karin” ayuu yiri Afhayeenka naafadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed eek u jira Cusbitaalka Martiini Cabdi Mahad Cali oo dhanka kale sheegay inay u baahnaan lahaayeen inay mar uun Gabadhahaasi arkaan, ama sawiradooda.

Cuuryaamiinta ku jirta Cusbitaalka Martiini ayaa si weyn u amaanay ka warqabida xaaladda Cuuryaamiintaasi ku jirta Martiini ee Ururka Rajo Charts, waxayna sheegeen in Ururkaasi uu Bil kasta oo Ramadaan ah ay bixiyaan afurka Cuuryaamiintaasi.

Xubnaha Ururka Rajo Charts ee maanta Cuuryaamiintaasi gaarsiiyay waxay kala ahaayeen Magacyadooda sidan: Maxamed Xaaji Aadan oo ah Gudoomiyaha Ururka Rajo Charts ee Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Nuur Jabloos oo ah Afahayeenka Ururka Rajo Charts iyo Mukhtaar Wehliye Geed Seexde.

Mahamud Ahmed Hassan

xuurshe114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ururka Rajo Charts oo Deeq lacageed gaarsiiyay curyaamiinta ku jirta Cusbitaal Martiini "

  1. wAXAAN DHIHI KARNAA GABDHAHAS khayr allaha ugu bedelo waxa ay u soo dhiibeen nimankaas curyaanka ah ee la midka noqday dad baabuur la rogmaday looma samayn wixii ay mudnaayeen oo ahaa in ay qadiyad qaran u curyaameen (ah way caku ciil) aqoon badan ayaan qaarkood u leeyahay oo aan isku meel ka dagaalnay.

    Ummadda soomaaliyeed ee xalaasha ah waxaan ugu baaqi lahayn in SADAQADA ay baxsanayaan ugu horreysiiyaan dadkaas isbitaal martiini lagu iloobay, kuwa dowladda isku sheegaya xataa hal maalin qado uma samayn iyaga oo ka baqaya in ETHIOPIA loo sheego kaddibna ay tallaabo ka qaado.
    Soomaliyeey ma saas ayaa inoo dambeysay?.