Home » Warar »

Garoowe:Siminaar ay soo qaban qaabisay hay’ada UN OCHA

Siminaar ay soo qaban qaabisay hay’ada UN OCHA oo maanta si rasmi ah ugu dhacay Xarunta Jaamacada PSU ee Magaaladda Garoowe.

Sawiro kaloo dheeraad ah daawo

Siminaarkani oo ay soo qaban qaabisay hay’ada UN OCHA Somalia ayaa maanta waxa uu si rasmi ah uga dhacay Hoolka weyn ee jaamacada PSU ee gudaha magaalada Garoowe ee Caasumada Puntland.

Siminaarkani oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay hay’ado faro badan oo ay mid yihiin sida UNDP UNICEF UNHCR UN ILO UNHABITAT iyo Hay’adaha International NGO’s iyo kuwo gudaha localka ah waxaa kaloo iyana ka soo qaybgalay Wasaaraadaha Dowlada Puntland sida Wasaaradda Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah sida Wasaaradda Caafimaadka DPL sida Wasaaradda Haweenka & Arimaha Qoyska Wasaaradda Waxbarashada Wasaaradda Deegaanka iyo Duurjoogta Wasaaradda Hawlaha Guud iyo hay’ada ka hortaga masiibooyinka & Arimaha Binidaamnimada ee HADMA iyo marti sharaf kala duwan.

Ugu horeyn waxaa Siminaarkani daaha ka rogay Wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga DPL Cabdi Maxamed Dhalac wasiirka ayaa waxa uu halkaasi ku soo bandhigay waxqabadka looga baahan yahay hay’ada Deeq bixiyaasha isagoona sheegay in muhiimada koowaad ee looga baahan yahay hay’adaha deeq bixiyaasha ay tahay in ay ahmiyad gaar ah siiyaan sidii ay gargaar biniaadmnimo ah uu soo gaarsiin lahaayeen dadka reer Puntland ee ay saameysay abaarata iyo biyo la’aanta baahansan ee ka jirta deegaanada Puntland isagoona xusay in hay’adaha ay sii laba laabaan hawlahooda shaqo wasiirka oo Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga DPl oo hadalka si aad ah ugu dheeraaday ayaa waxa uu halkaasi mahad celin balaaran uga jeediyey hay’ada UN OCHA oo iyadan siminaarkani soo qaban qaabisay iyo dhamaan dadkii ka soo qaybgalay.

Siminkaarkani oo looga gol lahaa Waxqabadka midyeerka 2009-2010 ee xaalada Puntland ku sugan tahay iyadoo laga cabirqaadanayo xaalada haatan ka jirta deegaankada Puntland.

Sidoo kale waxaa isana halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha HAYADA Arimaha Biniaadamniada iyo ka hortaga Masiibooyinka ee HADMA C/laahi Maxamed Ceyrow isagoona ugu horeyn halkaasi salaan iyo boogaadin uga jeediyey dadkii ka soo qaybgalay Siminaarkani qiimha weyn leh isagoona halkaasi kaga hadlay xaalada maanta ay ku sugan tahay Puntland ee dhibaatada abaaraha u geysteen dad badan oo xoolo dhaqato ah Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in uu soo arkay Gee l loo karinayo Galay xiligani taasi oo ay kaliftay abaaraha ka jira deegaankada Puntland C/laahi Maxamed Ceyrow oo hadalka sii aada ah ugu dheeraaday ayaa waxaa uu sheegay in ay abaaraha ka jira Puntland ay keeni karaan dhibaatooyin ah in dadka iyo xooluhaba ay u dhitaan Gaajo iyo biyo la’aan.

Ugu danbeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Wakiilada sida hay’adaha sida hay’ada UN OCHA oo iyaduna soo qaban qaabisay siminaarkani maanta ka dhacay hoolka weyn ee Xarunta Jaamacada PSU magaalada Garoowe iyadoona halkaasi dhamaan ka soo qeybgalayaasha siminaarkaasi ay isla garteen in waxyaabaha la fili karo dhamaadka sanadka 2009-2010 ay yihiin waxyaabo aan la saadaalin Karin iyadoona ay ka soo qaybgalayaasha siminaarkani isku raaceen in kor loo qaado gargaarada loo fidinayo dadka ku dhaqan deegaanada Puntland.

Xuseen Abdulahi Hassan

Email.Xuseen339@hotmail.com

Garowe Punttland Somalia

Omar Mohamud Omar
Manager
Dariye Company
Bosasso PL
0025290717697
0025266717697
ayaanle6@hotmail.com
http://dariye.page.tl/

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.