Home » Warar »

Sh.C/qaadir oo ku baaqay in laga qayb qaato dhamaystirka Markazka Dacwada iyo Tacliinta

Fadiilatu Sh.C/qaadir Nuur Faarax (xafidahullaah) oo ku baaqay in laga qayb qaato dhamaystirka Markazka Dacwada iyo  Tacliinta ee Al-Xikma ee kawado Gaalkacayo.

Sawiro kaloo dheeraad ah daawo

Waxaa allaah mahadiis ah in dhismaha markazka Alxikma ee la dhagax dhigay 15/6/2009 uu marayo meel lagu farxo uuna gooyey masaafo dheer waxaana la shubay dabaqii koowaad bilawgii bishaan Ogosto een ku jiro, qaybtii aan dabaqa ahayna waxaa u haray dadmadii,daydkiina waa la wareejiyey.

Shirkada alxaramayn ee dhismaha wada ayaa ayana waxay bixisay dadaal aan yarayn waxayna tiri waxaan kusoo afjaraynaa dhismaha markazka mudo afar bilooda halkii uu ka ahaa lix bilood waxaan kaloo uga mahad celinaynaa in lacagta aan ilaa hada siinay iyo dhismaha uu dhismuhu kharash badan yahay.

Waxaan ku wareejinay shirkada 24,000$(labaatan iyo afar kun oo doolar ) oo jamciyada Alxikma soo dhiibtay iyo 20,000$(labaatan kun oo doolar) oo reer Gaalkacyood ku deeqeen. Waxaana shirkada u haray lacag dhan 76000$. Lacagta reer gaalkacyood kuma jiro wax dibad ka yimid ama gobolo kale midna.

Waxaa fursad qaaliya ahayd inuu maalmahaan nala joogo sheekh c/qaadir nuur faarax oo awal dhagax dhigay markazka kormeerna ku sameeyey aadna ula yaabay sida dhaqsaha badan ee uu ku socdo dhisamaha markazku sidoo kalana baaq ka qayqaadasho u jeediyey walaalaha dal iyo dibadba Hadaba waxaan halkaan uga ducaynaynaa dhamaan walaalihii ka qaybqaatay dhismaha markazka waxaanan allaah uga baryaynaa inuu aduun iyo aakhiroba uu ku barakeeyo .

Sidoo kale waxaan ugu baaqaynaa walaalaha iyo dibadba inay ka qaybqaataan dhamaystirka dhismaha markazka
Waxaad adeegsan kartaan xawaaladaha Amal, Tawakal, Dahabshiil ama waxaad la xiriiri kartaan gudiga hirgalinta dhismaha markazka

Sawiro kaloo dheeraad ah daawo

GUDIGA HIRGALIINTA DHISMAHA MARKAZKA
Tel: 756814,757378, 0025290-795566.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.