Shir balaaran oo looga hadlayey arimaha Puntlanad ayaa maanta ka dhacay magaalada Stockholm ee dalka Sweden. Shirkaan ayaa loga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa maalgashiga dadka qurbo joogta ah ay wadaan iyo sidii diirada lagu saari lahaa in laga fekero in laga shaqeeyo sidii maamulka looga kaabi lahaa dhinacayo badan.
Dr Yaasiin Faarax Cartan oo ahaa ninka shirkaan wacay oo ah Siyaasi ruug caddaa ah oo si weyn looga yaqaan gobolodda Puntland iyo Soomaaliya, ayaa warbixin dheer oo ku saabsan xaaladda dhulkii ku suganyahay waxuuna aad ugu dheeraaday arimaha bulshada Puntland iyo xiriirka jaaliyadaha dibadda iyo maamulka aad loo dhidbo. Isagoo hosta ka xariiqay in rajada dawladda somaaliyeed laga qabo in la helaa ay tahay mid aad u yar.
Dr Yasiin waxuu kaloo sheegay in somaaliya ay hataan ka jirto dhibaato barakac, dhimasho, abaaro taasina ay u baahantahay in caalamku ku eego Il gaar ah sidii gar gaar loola gaari lahaa.
Maamulka Puntland ayuu ku sheegay goob nabad ah oo lagu soo hirto isagoo sheegay in aad ku arki kartaan xaafad dhan oo ay deganyihiin walaalaha ka soo qaxay koonfurta Soomliya lakiin yasiin waxuu walaac ka muujiyey Dhibaatada qaadka oo uu sheegay in dawaladaha Ethiopia iyo Kenya ay ku bahdilayaan ubadkii soo korayey taasina ay tahay in wax laga qabo.
Dhamaan dadkii ka qayab galay shirkaasai oo gaad u badnaa oo Rag iyo Dumar leh ayaa aad ugu qashuucay hadaldii la is dhaafsanayey waxayan aakhirkii isku raceen in la bilaabao talaabo bilow waxaana dadkii gobaatsai isugu yimi ay shegeen in ay rabaan in ay war ka helaan lacag dhan 10 milyan ay bixisay hayda Range oo lagu dhisi lhaa garoomda iyo dariiqyda puntlnd
Sidoo kale waxay ka hadleen in in dariiqyada qandala iyo caluule gala wax laga qabto waxy sidoo kale cusbatlada jammcadaha ugu baqeen in la tageero waayo wax weyn ayey bulshda ku soo kor dhiyeen
Guntii iyo gabgabdii waxay shirka ka soo sareen baaq ah in aan dawlada sh shiriif laga sugin rajo weyn oo muuqta lana tasahado
Abdirsak sheekhaduun
Somalitalk Sweden
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.