Home » Sports »

Somali Week London oo maalintii Shanaad ka soconaya

Somali Week London oo maalintii Sadaxaad ,Afaraad iyo Shanaad ka soconaya Garoonka New River .

London 09.08.2009: Garoonka New River ayaa waxaa si habsami ah uga socda ciyaaraha Somali Week London oo ka furmay asbuucii hore bartamihiisa Waqooyiga magaalada London.

Ciyaaro aad u xiisa badan ayaa waxaa isaga hor yimid kooxaha kale ah :

Holand B V Ilamos, Liecester Stars V Nabadda, Wembley United V Jubba FC, Alhijra V Hiltop.West 12 v Sweden. Milton Keynes V Finland, Liecester V Nabadda

Kooxaha ayaa waxay wada muujiyeen dadaal aad u badan iyo ciyaaro farsamadooda ay aad u sareyso,iyadoo dadwaynihii u soo daawasho tagay tartanka Somali Week London 2009.

Kooxda Holand iyo Ilamos ayaa waxay ku dhamaatey 4 Goal iyo 1Goal, taasoo ka dhigayso in kooxda Holand in laga badiyo maalintii 2aad.

Liecester iyo Nabadda ayaa ciyaar aad u kulul ku dhax martey habeenimadii Khamiista ahayd, ciyaartaas oo labada koox ay muujiyeen inay guulo ka soo hoyaan, ciyaartii qaybteedii kowaad waxay ku dhamaatey 2 Goal iyo 1 Goal oo ay ku hogaaminayso kooxda Liecester, markii lagu soo noqday qabteedii labaad ayaa waxaa hakad ku yimid kadib qaar ka tirsan ciyaartooyda kooxda Nabada ay qalad ku sameeyen habsami u socodka ciyaarta.taasoo keentey in garsoorihii ciyaarta dhaxdhaxaadinayay uu go’aan ku gaarey in ciyaarta la joojiyo laga sugo warbixinta u soo gudbiyo gudiga qabanqaabada.

Wembley United V Jubba FC ayaa bilaabatey maalintii Jimacaha ahayd ciyaartaan ayaa dad badani wada sugayeen kadib markii labadaan kooxood ay soo bandhigeen ciyaar wanaag ciyaarihii hore.

Kooxda Wembley United ayaa la islahaa sidee uga hortagi doontaa kooxda Jubba FC oo ah koox aad u firfircoon.

Kooxda Jubba FC ayaa hogaanka u qabatey ciyaarta kadib markii labo Goal oo xiriir ah si qurux badan shabaqa kooxda Wembley United la tiigsaday.

Kooxda Wembley United ayaa iyana muujisay dadaal aad u wanaagsan qaybtii labaad ciyaarta waxayna dhaliyeen 3 Goal oo xiriir ah,iyadoo ay ciyaarta noqotey 3 Goal oo Wembley United ku hogaaminaysa halka kooxda Jubba FC ay lahayd 2 Goal.

Kooxda Jubba FC ayaa dib boorka iskaga jaftey kadib markii Goal qurux badan ay dhaliyeen wax yar kadib markii ay ciyaarta ka dhignayd 80 Daqiiqo.

Ciyaartiina waxay noqotey 3 Goal iyo 3 Goal, nasiib wanaag kooxda Jubba FC ayaa heshay rikoor, taasoo ay si wanaagsan uga faaidaysteen fursada, ciyaartiina waxay ku dhamaatey 4 Goal oo ay dhaliyaan kooxda Jubba FC halka Wembley United-na ay dhaliyaan 3Goal, guushiina waxaa la hooyday kooxda Jubba FC oo macalinkoodu yahay laacibkii qaranka Soomaaliya iyo kooxda Madbacada (MBC) Muriidii Aba Nur Abati, inkastoo uu ku maqan yahay fasax laakinse waxaan oran karnaa Kooxda Jubba FC koox wanaagsan oo si sare loo soo layliyay, waxaana oran karaa kooxda Jubba FC kooxda ugu taageerayaasha badan garoonka,tasoo ay ku mutaysteen in sacad iyo dhirigalin lagu taageero marka ay dheelayaan ciyaarta.

Waxaa xusid mudan in ciyarayahanada kale watey Numberada 9 Kooxda Jubba FC & Wembley United Mahad Nur & Hussein Samater ay kale dhaliyeen goalasha kooxahooda ay dhaliyeen intii ay ciyaarta socotey, run ahaantiina waxaan oran karaa ciyaaryahano da’yar oo farsamo iyo asluub badan ka muuqato.

Kooxaha HilTop iyo Alhijra FC ayaa iyana bilaabatey saacadu markay ahayd 8 habeenimo,iyadoo garoonka ka da’aayay roob aad u badan, inkastoo dadwayne badan oo u soo daawasho tagay ay roobkaas kaga dugaashaday garoonka New River oo leh VIP laga daawado ciyaaraha.

Kooxda Alhijra ayaa u suurtagashay inay labo Goal oo degdeg ah ku hubsadaan goalka kooxda Hil Top oo aad moodo in roobka badan ee da’aya inaysan si wanaagsan ugu ciyaari Karin.

Ciyaarta qaybtii labaad ayaa dib loogu soolaabtey iyadoo roobkii u sii kordhay isla markaana dabaylano ay wehliyaan, taasoo dadkii daawanayay ciyaarta ay daawan kari waayan madaama dabayl xoogan ay kale dhaxgashay halka ciyaarta ku socoto iyo meesha daboolan ay ka daawanayaan ciyaarta dhaxmareyso Alhijra iyo Hiltop.

Garsoorihii ciyaarta maamulayay ayaa ku adkaatey isna inuu ciyaarta si hasbami ah u wado kadib markii garoonka ay biyo badan oo ku soo daadanayay ay qariyeen lijmankii ama calaamadihii garoonka.

Kooxda Alhijra ayaa doonaysay in ciyaarta hore loo sii wado madaama ay ku hogaaminayaan labo Goal halka kooxda Hiltop-na ay doonayeen in ciyaarta la joojiyo si maalin kale loogu celiyo.

Garsoorayaashii ciyaarta maamulayay iyo gudiga farsamada ciyaaraha Somali Week oo shaqo badan ka haya tartanka Somali Week London ayaa ka wada hadlay in ciyaarta waxa laga yeelayo kadib markii ay cadaatey inaan la sii wadi Karin ciyaarta jawiga hawada oo aad isku badalay, ugu dambayntiina waxaa lagu dhawaaqay in ciyaartii halkeeda lagu joojiyo ayna sugaan warbixinta ay ka soo saran gudiga iyo garsoorayaasha, ciyaartiina waxaa lagu joojiyay, dhamaanteen waxaan ka dareernay garoonkii 10-kii habeenimo anagoo aad moodo in aan ku soo dabaalanay Xeebta Lido.

Kooxaha West 12 iyo Sweden ayaa ciyaar aad u xiiso badan ku dhaxmartey garoonka New River oo ku yaal xaafada Totenham.

Ciyaartaas oo ahayd mid xiiso badan isla markaana ay ka soo qayb galeen dadwayne badan oo soo buux dhaafiyay garoonka.

Ciyaar wanaagsan ayay soo bandhigeen kooxda Sweden hasayeeshee waxaa iyana lamid ahaa kooxda West 12.

Kooxda Sweden waxaa macalin u ahaa ciyaaryahankii hore kooxda Wagad iyo xulka Qaranka dalka Soomaaliya macalin Xasan Xusen Kulmiye oo ku magac dheeraa Tiiro dheere, isla markaana waxaa maamul ahaan kooxda Sweden goob joog ka ahaa maamulkii ciyaaraha Heerka koowaad ee Sweden, sida Ibraahim Galbeeti, Xamdi iyo Ciyaaryahankii kooxda Jeenyo iyo xulka Qaran Soomaaliya Bashiir Jeenyo, waxayna ii sheegen inay aad ugu faraxsan yihiin inay ka soo qayb galaan tartanka Somali Week London ayna doonayaan in sanadka soo socda ay si wanaagsan ay ugu soo diyaargaroobayaan hadii Eebe idmo.

Ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatey 4 Goal ay kaga badiyaan kooxda West 12 kooxda Sweden,iyadoo uu halkaasi ciyaar wanaag ka muujiyay ciyaaryahanka NR 10 u wato kooxda West 12 oo ahaa ninkii kooxda Sweden daafacooda kale direy intii garoonka lagu jirey, ciyaaryahan Sharmaake ayaa oran karaa xidiga kooxda West 12.

Kooxaha Milton Keynes iyo Nabadda ayaa ciyaar xiiso badan ku dhaxmartey shalayo oo ay taariikhdu ahayd 8.09.2009 garoonka Totenham Academy oo ku yaal New River. Ciyaartiina waxay ku soo dhamaatey in kooxda Milton Keynes ay kaga adkaadan 3 Goal iyo 1 Goal kooxda Nabadda.

Waxaa xusid mudan kooxda Milton Keynes inay muujiyeen dadaal iyo isku xirnaan wanaagsan halka aad moodo kooxda Nabadda inaysanba sanadkaan wax rajo ah ka qabin koobka Somali Week London,kadib markii 3dii dhibcood ee hore ay laga qaaday,iyadoo loo cuskaday inay sababteeda iyaga lahaayeen in la joojiyo ciyaartii ay la yesheen kooxda Liecester.

Kooxda Nabadda oo run ahaantii magaalada London magac iyo sumcad ku lahaa ayaa mooda in sanadkaan wax badan ka qaldan yihiin, hadii ay noqon lahayd qaab ciyaaroodkooda iyo maamulkooda, waana sababta aan is leeyahay guuldarada kooxdooda la soogudboonaatey madaama aan is lahaa wareega kowaad way u soo baxayaan laakinse ilaa hada iima muuqato arinkaas laakinse looba jooga labada ciyaarood ee u harey qaabka ay wax uga badalaan kooxdooda .

Kooxda Milton Keynes oo 3 Goal guusha ku raacday xalayto ayaa ciyaartooydooda iyo taageerayaasha ay wateen ay kaga dhawaaqayeen erayo dhiiragalin u ah kooxdooda isla markaana ay kooxaha kale fariin cad ugu gudbinayeen, waxayna lahaayeen ‘’Who are We? Jawaabtooduna waxay ahayd MK,MK oo ay ka wateen Milton Keynes.

Kooxda Milton Keynes iyo Jubba FC ayaa si cad u oran karaa waxay u soo baxeen wareega labaad ee ciyaaraha Somali Week London 2009, halka kooxaha Ilamos iyo Wembley United ay qarka u saran yihiin inay iyana soo baxaan.

Kooxda Liecester Stars V Finland ayaa ciyaartii labaad isaga hor yimid tartanka Somali Week, ciyaartiina waxay ku dhamaatey 5 Goal ay dhaliyaan kooxda Liecester FC halka kooxda Finland ay dhaliyeen hal Goal.

Kooxda Liecester ayaa iyana u soo baxday wareegii labaad ee koobka Somali Week London, halka kooxaha West 12,Hiltop & Alhijra aad moodo inay iyana u soo gudbi doonaan wareega labaad,waxaase moodaa in wali rajo ay leeyihiin kooxaha Holand, Sweden iyo Finland madaama laga wada badiyay labadii ciyaarood ee hore ay u soo dheeleen,laakinse koobkaan ayaa waxaa la ogal yahay in wareega kowaad ay u soo bixi karaan qayb kasto 3 kooxood iyadoo labo kooxoodna lagu soo saari doono ciyaar wanaag iyo dhibco si loogu bixiyo 6 kooxood ee soo baxday looga dhigo 8 kooxood oo isaga hor yimaada Kwart Final-ka.

Garoonka New River ayaa waxaa ka socda is qoritaanka ciyaaraha fudud ee da’doodu u dhaxayso 6 jir ilaa 60 sano jir, iyadoo la arkayay caruur iyo ciroole diyaar garoow ku samaynayso garoonka dhaxdiisa si ay maalinta jimcaha ah uga qayb qaataan tartankaas, waxaana idin kaga soo qaadnay sawiro hor u dhac ah,hadaba hadii aad doonaysid ka qayb galka tartanka la soo xiriir maamulka Somali Week London.

Somali Week London waxaa marti u ah ciyaaryahanadii Xulka Qaranka dalka Soomaaliya oo uga yimid North Amerika , kuwaasoo kale ah Cantar Jeenyo, Yusuf Shaqaaq iyo C/raxmaan Amaan, iyadoo ay garoonka maalin kasta soo buux dhaafiyaan ciyaartooydii hore dalka Soomaaliya noocyadiisa kale duwan

Qoramadayne kale waxaan idin kaga soo qori doonaan wareega labaad ee ciyaaraha Somali Week London oo bilaaban doono asbuuca maalinimada Arbacada hadii Allah idmo.

Yusuf Yusuf

Somali Week London

mrsomalia@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.