Home » Warar »

Sheekh Shariif oo ka warbixiyey Safarkiisii Nairobi

Madaxweynaha Dowladda KMG ah Oo Maanta Shir Jaraa’id Kaga War Bixiyey Kulamadii uu Dhowaan Nairobi kulala Lahaa Hilary Clinton

Madaxweynaha dowladda FKMG ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta shir jaraa,id oo uu kaga hadlayo kulankii ay dhowaan ku wada yeesheen magaalada Nairobi xoghayaha arimaha dibada dalka maraykanka Hilary Cilinton ku qabtay xarunta madaxtooyada ee villa soomaaliya ee magaalada muqdisho

Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in kulamadiisii uu Nairobi ku lahaa ay ahaayeen kuwo kala duwan oo dhinacyo badan lagaga wada hadlayey islamrkaana ay isku afgarteen in dowlada FKMG ah laga taageero dhinaca milatariga taasoo uu sii raaciyey inuu kulamadiisa la yeeshay Madaxweynaha dalka Kenya,Wasiirka ganacsiga kenya Angola,Wasiirada difaaca Burundi ,madax ka tirsan Ugandha , safiirka AMISOM u fadhiya Nairobi Neklos Buwakiira Safiirada reer Yurub ee ku sugan Nairobi iyo Xoghaya arrimaha dibadda ee Wadanka Maraykanka Hilary.

KENYA US CLINTON AFRICA

Sidoo kale madaxweyne Shariif Sh, Axmed ayaa carabka ku adkeeyey in dalka soomaaliya ay kusoo duushey Al-qaacida waa siduu hadalka u dhigaye islamrkaana la doonayo in wax laga qabto inta aysan ku xoogaysan ,islamrkaana ugu baaqay dhinacyada hubaysan ee dowladiisa kasoo hor jeedaa ay hubka iska dhigaan isagoo tilmaamay inay wadahadal isugu yimaadaan.

Si kastaba ha ahaatee hadalka madaxweyne shariif sh,axmed ayaa kusoo beegmaya xili uu maalmo ka hor kulamo la lahaa xoghayaha arimaha dibada wadanka maraykanka Hilary Cilinton oo ay shaacisay inay dowlada FKMG ah ay is bar bar taagi doonaan

Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab Oo Amaro soo rogay

Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab Oo Amaro Ku Salaysan Shareecada Islaamka Kusoo Rogay Guud Ahaan Magaalada Muqdisho.

Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa maanta ugu baaqay dadka ku dhaqan caasimada Muqdisho inay ilaaliyaan xiliyada salaada islamarkaana xiraan Meheradaha xiliga salaadu soo gasho ,iyagoo Haweenkana ku amray Inay Qaataan xijaabka Adag .

Wakiilka Alshabaab ee Gobolka banaadir sh,cali maxamed xuseen oo maanta saxaafada la hadlayey ayaa dadka ku dhaqan caasimada muqdisho ugu yeedhay inay qaataan amaro kala duwan oo kala ahaa inay xiliga salaada ilaaliyaan islamrkana albaabada u laabaan xiliga salaadu soo gasho iyadoo uu haweenkana ku amray inay xijaabtaan oo weliba xijaabka adage e asturan xirtaan .

Sidoo kale wakiilka alshabaab ee gobolka banaadir sh,cali maxamed xuseen ayaa ku nuuxnuuxsaday in gaadiidka dadweynaha inay iska ilaaliyaan in hal meel ay wada fariistaan haweenka iyo weliba ragu ,taasoo uu sii raaciyey inay haweenku is asturaan oo xijaabka adag qaataan islamrkaana cadeeyey in shareecada islaamku qabto taasina ay muhiim tahay ayuu yiri in lagu dhaqmo .

yaasiin faytin

Yaasiinfaytin@hotmail.com

Isha sawirka:Reaters

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Sheekh Shariif oo ka warbixiyey Safarkiisii Nairobi "

  1. Adam Abuzuhri says:

    Amar dowla maduuc, ninkii dabaal!