Home » Warar »

Saraakiishii hore ee Soomaaliya oo soo saaray sadex qodob

BAAQ

SHIRKA SARAAKIISHA HORE EE CIIDAMADA QALABKA SIDA IYO BOOLISKA SOOMAALIYEED-
waa saraakishii saresare ee hore-

1-5 August 2009, Washington DC, USA

Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed iyo Xafiiska Qaramadda Midooway u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) ayaa waxay shir u qabteen Saraakiishii hore ee Ciidamadda iyo Booliska Soomaaliyeed ( Waa kuwii madaxda Ciidamada ahaan jirey). Shirkaasna wuxuu ka dhacay magaalada Washimgton DC inta u dhaxeysay 1-5 August 2009.

Shirkana waxaa shir gudoominaayey Wasiirka Difaaca, Prof. Gandi iyo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasada Somaaliya Ahmedou Ould-Abdalla. Waxaana shirka goob joog ka ahaa Wakiilka ka socda Ururka Midowga Africa.

Ayagoo si xoog leh ugu faa’ideysanaaya waaya’aragnimadoodii hore, saraakiishii hore ee Ciidamada iyo Booliska Soomaaliyeed waxay qiimeyn adag ku sameeyeen waxyaabihii ay ku wanaagsanaayeen iyo waxyaabihii ay ku liiteen Hay’adii hore nabadgelyada ee Soomaaliyeed. Waxayna hoosta ka xariiqeen sababihii ugu waa weynaa ee keenay burburkii Hay’adihii u qaabilsanaaa Somaliya Nabadgelyada, kadibna waxay soo jeediyeen Habkii iyo Wadiiqooyinkii loo mari lahaa soo celinta Nabadgelyada.

Waxaa kale oo ay Saraakiishii hore ee Ciidamada iyo Booliska Soomaaliyeed isla eegeen habkii loo dhisi lahaa Hay’adaha Nabdgelyada Soomaaliyeed iyadoo la raacaayo heshiiskii ku aadanaa Joojinta Iska Hor Imaadyada Hubeysan taasoo qeyb ka ahayd heshiiskii Nabadeed ee Jabuuti.

Shirka wuxuu talo ku soo jeediyey habkii ama siyaasadii loo qaadi lahaa talaabooyin iyo ficilo la taaban karo kuwaasoo ay ka mid yihiin:

1. In Farsamo ahaan la dhiso Hab Nabadgelyo ee Haboon iyo Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
2. In wax laga qabto dhibaatada la xiriirta Xag-jirnimada iyo Burcad-badeednimada.
3. In lala yimaado Habkii loo sameyn lahaa Hub ka dhigis, Abaabul ka saarid iyo Dhaqan Celinba.

Ka qeybgalayaaha Shirka waxay ugu Mahadceliyeen Dawlada FKMG ah ee Soomaaliyeed sida ay ula xiriireyso dhamaan Ummadda Soomaaliyeed kuwaasoo wax ku kordhin kara dadaalka Xukuumada ay wado ee ay ku dooneyso inay ku soo celiso Nabada iyo Amniga Soomaaliyeed. Ka qeybgalaaysha Shirku waxay cadeeyeen sida ay diyaarka ugu yihiin una doonayaan inay u adeegaan ama ugu shaqeeyaan Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed waa haddii ay Xukuumada Codsato e.

Ka qeybgalayaasha shirku waxay ugu baaqeen Xukuumada KMG ah ee Soomaaliyeed inay texgeliso habkay u adeegsan lahayd ugana qeybgelin lahayd Saraakiishii Hore ee Sarsare ee Cidaamada Qalabka Sida iyo Booliska iyo saraakiishii yaryaraaba inay ka mid noqdaan hay’adaha Nabadgelyada ee Qaranka. Waxayna ku dhiirigeliyeen Qaramadda Midooway iyo Dhamaan Bulshada Caalamka inay ku taageeraan Dadaalka Dawlada ee ku aadan suurtagelinta arintan.

Saraakiishii sare ee Ciidamadii hore iyo Booliska Soomaaliyeed waxay ka mahadceliyeen dadaalka Qaramadda Midooway iyo kan Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midooway Ahmedou Oul-Abdalla ku aadan sidii hal meel looga soo wada jeesan lahaa xasilinta ama Nabad ku soo celinta Soomaaliya isla markaana looga heli lahaa taageero dhaqaale iyo Siyaasadeed bulshada Caalamka.

Ka qeybgalaaysha shirka waxay amaaneen dadaalka aan hagrashada lahayn ee Ururka Midnimada Africa iyo kan Jaamacada Carabta laguna taageeraayo nabad ku soo celinta iyo Xasiloonida Soomaaliya.

Ka qeybgalayaasha Shirku wuxuu ku heshiiyeen inay mar kale kulmaan lix (6) bilood gudahood horeyna u sii wadaan wadahadaladoodii iyo talo soo jeedinadoodii.

Donna G. Cusumano
Public Information Officer
United Nations Political Office For Somalia (UNPOS)
Telephone:
Office 254 20 7627133
Mobile – 254 737 400133
Email: Donna.Cusumano@unon.org
www.unpos.unmissions.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , , , , , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

18 Jawaabood " Saraakiishii hore ee Soomaaliya oo soo saaray sadex qodob "

  1. Anigu waxaan idiinsheegilahaa hadii la iga maqlayo nin walbo hadal wuxuudoonana sheeg Saraakiisha aad mucaaradaysaan waa maskaxdii dalka aadbo kala mabda duwanaateene haddii aad taariikhda dalka aad akhriseen runna aad kasheegaysaan dadyohaw hadalna la idinkuma karo wax idinkaro ma aqaan,Nimankii ciidamada ahaa haday qalad samaynayeen maxaad gadaashood samayseen?wadankii wuxuu qarka usaaranyahay shan meelood inuu ukala go’o waa la idiinkaadinaayay muddo 20sano ah marba marka kadambaysana waad kasiidaraysaane mawaxaad leedihiin hanoo qasnaatee noodaaya?war ilaahay hanaga kiin qabto xds Allaha sooceliyo tuug jaanis hawaayee laan laana majirto ninkii rabo dhawrgobol inuu dhuunta haysto taasi way soo afjarmaysaa mardhow ee waxbo websaydyada yaanlagabuuqine taageera Sareeye Gaas Maxamed Cali Samatar hasagay aduunyada oodhan taageersantahaye xds waa inay diyaargaroobaan meelkasta oo ayjoogaan Gobanimo Geesinimo Guul.

  2. Ismail A Barkhadle says:

    Anigu waxaan oran lahaa raga meesha la isugu keeney waa ” OLD SCHOOL” waa rag soo qabtay xilalkii ugu sareeyay ee qarankii Soomaaliyeed qarnigii tagay ee 20aad waa rag waaya arag ah. laakiin aan muddo shaqeynin iyaga ruuxooda ayaa hadda u baahan tababar waayo waxay ogaayeen (JDS) Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga Soomaaliya waxaa ka dambeeyay Jamhuuriyado badan Sida: Qansax-land Qurac-Land Qurun-Land Qabiil-land Qashin-land Qaylo-land Qaxooti-land Qurbe-land iyo saraakiisha Qarni-ga 21aad sida: Genaraal Musse suudi, Genaraal Qanyare, Genaraal Indha-Cadde Genaraal Xaabsade Genaraal hiiraale, Genaraal Jees, Genaraal Morgan, Generaal Goobaale, iyo Genaraal-Qabiil ka buuxe Galaal oo mudooyikii dambe lataliye xaga Gaashaan-dhiga u ahaa C/Qaasin Salaad Xassan marka waxaan oran lahaa bal Raggu ha is wareysto hana soo saareen Xalka iyo masiirka Ummadda soomaaliyeed idinkaa ah Saraakiishii hore iyo kuwa cusuba.
    MAHAD SANIDIIN

  3. abdiladhiif says:

    waxaan dhihi lahaa aniga nimankaas meesha lagu shiriyey iyo shrka lo qabtayba waxba kamaduwana fadhi kudiriryada somalida wax nuxur leh ooy sheegene maba jirto.
    waxaan dhihi lahaa warkoodu waa iska cantarabaqash.

    c/ladhiif

  4. Iraad Abdallah says:

    Aad iyo aad ayey munaasib u tahay in dib loo eego khibraddii hore ee saraakiishii millateriga Somalia. Macnuhu maahan in haddii dawladdii hore ee Soomaaliya burburtay in aqoontii soomaaliyeed luntay. Ha laga faa’iideysto aqoonta qurbo joogga soomaalida.

    Iraad

    Cape Town, South Africa

  5. Saciid says:

    Waxaan ka tirsanaan jiray ciidankii Booliiska Soomaaliyeed, waxaana ka mid ahaa layli saraakiishii ugu dambeysey ee loo soo diro dibeda 1990kii. Nasiib daro marna iima suurta gelin in aan dalkeyga ka shaqeeyo anigoo sarkaal ah. Shirkan lagu qabanayo mareykanka waa mid faaiidooyin ka soo bixi karaan hadii aan la siyaasadeyn, la qabyaaladeyn ama shakhsi naceyb la fiirin. Hadii aan nabadgelyada wax laga qaban, dalka sidiisii hore kuma soo noqon karo, nabaduna waa furaha horumarka. Dalka aan laheyn ciidan difaaca iyo kuwa amaanka ilaaliya dal jira ma noqon karo.

  6. TOGANE says:

    Jawaabta saxda ah waxaa idin siiyay Abdulaahi, warkaas sifiican haloo aqriyo hana loo dhuuxo..

    Xalka waa in la helaa Is-afgarad Siyaasi ah ka dib wax walba waa hagaagayaan.

    Is-afgarad Siyaasi ah, tusaalihiisa ugu horeeyo waakan Somaliland ka jiro iyo Puntland. Haddii aan fududeeyo, waa in la raaca sida Puntland ta oo kale oo qabiil hibil waxas ha qaato , mudo kadibna qabiil hibil haku wareejiyo, ka dibna qabil hibil haku wareejiyo, markii jiirada soo dhamaatana , hadana qabiil hebel haloo dhiibo.. intii qof walba maalintis ka arkaayo. Intii howlahas lagu jirano wax rasmi ah loo diyaariyo wadanka iyo doorasho si qof aan qabiil hebel ahyn usoo baxo ugu danbeystiiii!

    Ileen cudurkaan Soomalida aafeyay sikale oo looga bixi karaa ma jiro.. Hadii la dhaho DIINta hala raaco… dhib weyn ayay keeneysaa, cid ku heshiineysana ma jirto , sida hadaba muuqato.. tusaale in aay diinta lagu heshiineyn waxay ku cadahay mowqifyada ay ka taagan yihiin qabaa’ilaadkii ku dagaalamay danta siyaasada Soomaliya…

    wadaada reer hebel jihaadka ay ku jiraan wadaado reer hebel waxay u arkaan dagaal fitno ah. Reer hebel kalena waxay u arkaan dagaalkas mid mooryaan ay wadato… reer hebel kalena waxuu u heystaa dagaalka in uu yahay mid janada aysan cid kaa xigin , xitaa malaa’igta aysan baalkaada soo eegi karin!

    Balwaakaasaa wadaad qabiil madaxmaray Diin hakugu dhaqo….. waxaan ahayn hoobiye iyo isgaleysiin inaadan ka helyn..

    intaas manta iga hooda.. waanoogay ,.. yaasaatir……

  7. CAbdullahi sheegoow says:

    As. Cudur lagu dhamaaday hadii daawo loo rabo ogaalkay cudurkaas wixii keenay laguma daaweeyeen. Ragaan saraakiishii hore ahaa ka soo biloow waagii ay afgembiyeen dowladii doorashada ku timid ilaa maanta oo ninka ugu yari 63 sano jiro maxay ku mashquulsanaayeen, hadii anan xaabo dab birisa loola jeedin owyaalayaal kuwaani waxba soo kordhin maayee, iloowga la iloobay amuu u wanaagsan yahay oo ay sidaasi dantoodu ku jirtaa… ragan hadii ay damiir damqada leeyihiin waagii loo baahnaa ee ama soomaali qaarkeed dayaaradu lagu duqeeynayey ama qaarkeed ceelasha laga duugayey ama ayba gacmahooda ku bixinayeen sirtii qaran ee lagu aaminay ayay wax qaban lahaayeen, war kuwaan warkooda dadka wadaa waa kuwo dambasta dhexdeeda dhinbil wax hurisa ka doondoonaya ee hadalkooda naga daaya.

  8. Talo waayeel haddii la yeeli lahaa
    Waraabe wax ma cuneen. Mudane Cali
    Samatar taladiisa 1991 haddii la yeeli
    lahaa tan manta jirta nama haysateen,
    Groupkii Manifesto iyo Rober Oakley
    meel xun Allaah ha dhigo.

  9. Maxamed Soomali says:

    Odayaal horay u qaribay wadanka ayaa dib boorka looga jaafayaa si ay mar kale u qaribaan wadanka, Soomaaliyey odayaal talo ma hayaan maxaa beenta isugu sheegaysaan waxaan kaloo talo u soo jeedinayaa saraakiisha shirarka beenta ah qabanaya horay ayay sharaftiina u dhacday oo dad badan oo aan wax galabsan ku xasuuqdeen armay idiin fiican tahay inaad qurbahiina iska joogtaan kolay soomaali waa is taqaan.

  10. Luqman says:

    farsamada casriga ah.ee.Adduunku.gaaray
    waxay sababtay inuu qof walba iska hadlo
    taa waxaan ula jeedaa. dawladdi hore
    inagaa duminay kuwii kadanbeeyeyna ingaa
    diidnay.saraakiishii hore waxaa lagu sheegay dambiilayaal .kuwa hadda joogana
    dadcunayaal .haddaba ma dadkaa xun mise dawladihii nasoo maray baa wada xummaa.
    waxay aniga ila tahay dadkeenna baan
    dawladnimaduba garan waxaan ulajeedaa
    shacabka soomaalida mafahmin dawlad waxay
    tahay.waxaanna oran lahaa shaqsi yaan la
    fiirin ee dalka,dadka,iyo diinta ha loo
    naxariito ilaahna ha laga baqo ileyn
    islaam baan sheeganaaye.

  11. abdullahi says:

    kahor inta aan lagahadlin amniga sidii loosugilahaa ama hub kadhigis loo samayn lahaa waxaa mudaan iska leh in xal siyaasadeed lahelo, oo dhinacyada dalka kudiriraya xal waara loogu heli lahaa, kadib waxaa sahlan wixii farsamo ah in lawaydiiyo cidii aqoon uleh,halka sartu kaqurantay waa sidii loo helilahaa sidii laisgu tanaasuli lahaa ileen xoog mamuuqdo la isku maquuniyo.

  12. bilaal says:

    sarkaal sare , waan kugu raacsanahay , adeer…

  13. Cali Cajiib says:

    Waan ku raacsanahay Ex. Col. Cali in nin qorrax kugu dilay uusan hoos kuu jiideyn. teeda kale aabbihii qumbulad durriyadda Albert Einsten waxaa laga hayaa ” Caqliyaddii mushkiladda abuurtay inay xal keento lagama yaabo”. Sidaa darteed odayaal maandhoobay haddana dembiilayaal ah wax wanaag ah kuma soo kordhin karaan arrimaha murugsan ee Soomaaliya.

  14. X.Maxamoud says:

    Waa talo aad u wanaagsan in koox walba ama qof kasta wax soo maamuli jirey wax laga warsado sida ay u arkaan ama u arko xal u helida wadankeena

    Saraakiishii hore ee Soomaaliyeed in la kulmiyo oo talo la weydiisto waa fikir naga maqnaa oo loo baahnaa maadaama dhibaatada wadanka heysato ugu horeeyso nabad la’aan oo waxmagarad hubka gacanta u galey ayagana loo taba-barey sida dalka loo difaaci ahaa

    Waxaa la yiri :Nin Hal ka Maqan tahay Haan Gorof ahan waa ka Raadiyaa:

  15. Jawaab ku socoto sarkaal sare Cali:Haddii aad tahay Caliyoow Sarkaal sare oo ay runtaa tahay aadna ogtahay meesha maanta xaal marayo Dalkeenii iyo Dadkeenii kama aad hadasheen wax lid ku ah Saraakiishii hore XDS wax walba waxaa nooga muhiimsan maanta sidii dhibaatada ooga bixi lahayn.Waxaase kaxaqnimo badan haddii ilaahay laga baqayo oo runta lasheegayo yaa dalka soomaaliya burburiyay jawaabta runta ah waxaytahay kuwabilaabay burburinta iyo inay kahor imaadaan Ciidamadii XDS ee Mujaahidiinta ahaa.waxayna kalayihiin 1-SSDF.2-SNM-3SPM-4USC,waana ururada bilaabay Qabyaadda iyo in shacabka soomaaliyeed la gumaado Dalkoodana laburburiyo,waxaase looga bixikaraa in khaladaad kaas dib loosoxo dalkana dibloomideeyo.Dhmme C/qaadir.

  16. Qofka maqaalka diyaariyey waa qof aad u af soomaali fiican, laakiin waxaa isaga khaladan xarfaha waaweyn iyo kuwa yar yar meesha ay galayaan. Tusaale: Dawlada federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed iyo xafiiska qaramadda midooway u qaabilsan arrimaha siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) ayaa waxay shir u qabteen saraakiishii hore ee ciidamadda iyo booliska soomaaliyeed ( waa kuwii madaxda ciidamada ahaan jirey). Shirkaasna wuxuu ka dhacay magaalada Washimgton DC inta u dhaxeysay 1-5 August 20. Xaraf weyn waxaa laga galiyaa joogsi ka dib iyo magac.

  17. Axmed says:

    Waxaa la yiri, gacantii nadiif ah ayaa wax duugta, waxa kaloo la yiraa calooli waxey ku bukatey laguma daaweeyo, Gen. Ali samanter, intuu hawshaas cagaha la sii gelayo waxey u fiicneyd inuu ka taliyo maxaa laga yeelaa, General Somaliyeed oo u adeegaya cadwgiisa, hadana janan iska ah, isagoo ka hoos shaqeeyo Captan Cadawga Somaliyeed ka tirsan, oo si toos ah & si dadban intaba ugu adeegaya inuu Dalka/Dadka/Diinka Som. si toos ah ugu soo duulay. Ali Samanter waxaan ku naqiin inuu ku takhasusay hadba jaha wareerinta Maamulkii markaa jiray iyo inuu Saraakiishii Geesiyaasha ahay oo billad geesiga mutaystey ku toogto Ciidanka hortooda, marka dadku wey fahmayaan, qiiq isku qarinta ujeedada Qarsoon isaga iyo Moorgan. Hadduu dhiig Somaliyeed leeyahay waqtiga Burburka waxey ahayd waqtiga ugu haboonaan lahayd inuu dhiigiisa iyo waayo-aragnimadiisa ku kaaliyo xasilinta ciiddiisa hooyo, xal u helidda xoogii dalka oo uu horay u kala diray. Xilkii dadnimay gabeen xuquuq danimay rabaan. , ee intiina kale dalka wax ka qabta cidi idiinma maqnee, badihii la gaday, sharafkii la gaday, waxaa dalkii u haray mar uun M/weyne i dhaha, inta kale waxba igama geline, noo soo gada wixii gadmaaya waxaas dalka ha laga xoreeyo. Wallaahi ineyan dawlad noqoneyn kuwaasi wax iskuma falayaasha ku sifoobay. Nabad Sinnaan iyo Caddaalad.

  18. Sarkal sare Cali says:

    Mahmaah soomaaliyeed ayaa oranayasa waan socon waynne aan orodno, taas waxaan ula jeeda in aysan waxba soo kordhinayn kuwii sababta u ahaa burburkii dowladdii soomaaliyeed.
    Saraakiishaasi waxay sabab u ahayeen ku dhaqanka si xun qabiilnimada taas oo la kala jeclaystay ciidammadii saraakiil iyo askarba iyada oo aan qofna lagu qiimayn aqoontiisa, kartidiisa, dadaalkiisa shaqo iyo aqlaaqdiisa midna, haddaba dadkaas maanta la sheegayo waxba ma soo kordhin karaan ee waa uga sii darayaan xaalka hadda jira.
    Ex. col. Cali