Home » Tacsi »

Tacsi: Warsame C. Shirwac

INNAA LILAALI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Waxaa naxdin iyo murugo aan la qiyaasi karin ah dilka loo geystey wasiirkii warfaafinta ee Puntland Allaha u naxariistee Warsame Cabdi Shirwac. Dilka Wasiirka waa dil loo geystey dhammaan shacabka reer Puntland. Waxaanan uga tacsiyeynayaa guud ahaan dadka reer Puntland, gaar ahaanna ehelka uu ka geeriyoodey Marxuum Warsame Cabdi Shirwac.

Waxaan ka dalbaneynaa Dowladda iyo Shacabka Puntlandba in cidii geysatey dilkan iyo cidii ka danbeyseyba si dedeg ah loo soo qabto cadaaladana loo sootaago.

Waxaan Ilaahey uga baryayaa Marxuum Warsame Cabdi Shirwac in uu Janaddii Fardowsa ka waraabiyo. Ehelkii uu ka tagey, dadka reer Puntland iyo dadka Soomaaliyeedba ka siiyo samir iyo iimaan.

Sidoo kale waxaan halkan tacsi uga dirayaa dadka Puntalnd iyo ehelkii uu ka geeriyoodeyba Allaha u naxariistee G/sare Muuse Axmed Saalax, Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland oo ku geeriyoodey Magaalad Garoowe. Ilaahey Janadii haka waraabiyo samir iyo iimaana Allaha inaga siiyo.

Nuuradiin Aadan Diiriye.


Nuradin Dirie
Contacts
Garowe: +252 90 713937
Nairobi: +254 713 722 847
London: +44 7957 597 183

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.