Home » Siyaasad »

Haddaad Na Doorataan SLN|Suldan

Haddaad Na Doorataan!

Qaybtii 1-aad

Waa qoraal nooc cusub ah oo ku saabsan horukicinta maanka iyo qaabaynta nooca dowladeed ee dalkeennu u baahan yahay. Nidaam dowladeed oo kasta dadna fekerkeeda iyo horukicinteeda ayey keenaan, qaarna fulinteeda iyo hirgelinteeda ayay ka qayb qaataan. Qoraalkan oo ku soo beegmay xilli doorasho ka socoto Somaliland ayaan doonayaa in aan ku mudmudo maanka dhallinyarada iyo indheergaradka waddaniyadu ku jirto ee ku foogan sidii dalkan yar ee curdinka ah hore loogu kicin lahaa qaab-dowladeedkiisa iyo habmaamulkiisaba. Tan iyo markii ay Somaliland xornimadeeda la soo noqotay waxa dalka gadhwadeen ka ahaa oo ka talinaayey “qabyaalad” iyo “annaaniyad” ku fushanaya danahooda, weligeedna way ka sii jiraysaa ilaa laga helo dhallinyaro iyo indheergarad fekerkooda xalaasha ah ku bilkeedaya “danta” ummadda iyo qarannimada oo ku cadcad hirgelinta himiladooda iyo hiraal fiican ee ay hiigsanayaan.

Hordhac

Dadka reer Somaliland waxay kala soo kulmeen midowgii Soomaaliya dhibaato aad u weyn iyo xanuun ay muddo ku dhow labaatan sano ilaabi waayeen, taas oo uu geystey xukunkii arxanka darraa ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre. Dadka reer Somaliland waxay xornimadooda mar kale dib ula soo noqdeen 18 May 1991 oo hadda laga joogo muddo sideed iyo toban sano ku siman.

Tan iyo wakhtigaas, ummadda reer Somaliland waxay ku naaloonayeen nabad iyo horumar, iyagoo weli baadi doonaya inay aqoonsi caalami ah ka helaan bulshada caalamka; loona aqoonsado dowlad iskeed u madax banaan oo la jaar ah Soomaaliya sida Eriteria iyo Ethiopia. Halgankii dheeraa ee ummadda reer Eriteria ay soo galeen dalkooda waa laga ajiibay ducadoodii, waxayna ku heleen madaxbanaani iyo xornimo, hase yeeshee lama ajiibin ducadii dadka reer Somaliland ee la xidhiidhay doonistooda ictiraaf buuxa, nabadgelyo taama, horumar dhaqaale iyo tartan dimuqraadi ah; taas oo ay u arkayeen inuu u soo dedejin doono go’aankii lagu dhaqangeliyey dastuurka qaranka iyo tartanka asxaabta badan iyo doorashooyinka, balse weli daalaa-dhacaya.

Caddaallad la’aanta, cabudhiska, xadhigga, cagajugleynta, shuruucda lagu tuntay, saxaafadda la xidhay, muddada la isku kordhiyey, maamulxumida, laaluushka, musmaasuqa, eexda, qabyaallada, dhaqan burburka, hoos u dhaca dhaqaale, waxbarasho, siyaasad xumida, diblomaasiyad la’aanta iyo dagaallada qabaliga ah ayaa u muuqda mid ay yar tahay rajadeedu in xukuummadda hadda jirtaa wax ka qaban karayso, masixina karayso niyad-jabka iyo walaaca laga qabo in ay awood u leedahay inay fulin karayso hawlahaas ay toddobada sano ku fulin kari wayday.

Rajo weyni kama soo muuqato xisbiyada mucaaridka ah ee magaca iyo shakhsiyaadka uun kaga duwan xukuummadda talada haysa ee fadhiidnimada iyo nidaam xummadda ku caanbaxay; taasi waxay kalkeedii soo dhaafisay dhallinyarada isbeddel doonka ah ee hiraalka qarannimo iyo nidaam qorshaysan ka fekeraya.

Waxa la soo gaadhay wakhtigii ummaddan ay u kici lahaayeen haldoorkeedii wakhtiga lahaa, wakhti kasta dad baa leh; waxay ummaddan yar ee curdinka ahi u baahan tahay haldoorkeedii qarniga kow iyo labaatanaad oo la jaanqaadaya xilliga teknooliyadda casriga ah iyo siyaasadda caalamiyeynta (globalization), suurtogal ma aha in bulshadu weligeed aqbalsanaato inay gu’ walba hortaagnaadaan isla kuwii afartankii sano ee u dambeeyey hortaagnaa, waa in isbeddel dhab ahi yimaaddo, waa in wakhti walba haldoorkiisu wax hago, waa in hoggaanka dalka la isu dhiibo oo shukaanta la wareejiyo.

Anigoo taa ka faa’iidaysanaya, waxaan damcay inaan ku hadlo afkii “haldoorka Maanta” kuwaas oo raba inay dalkooda ka samata-bixiyaan masiibooyinka waaweyn ee ku habsadey oo ay ka mid tahay; mugdiga aqoon-darrida, saboolnimada, mushkiladda qaadka iyo qabyaaladda, maamul-xumida, caddaallad-darrida iyo hoggaan la’aanta. Sidaasi darteed, waxaan idiin soo bandhigi doonaa qoraallo aan laabla-kac ahayn ee ka turjumaya waaqiciga dhabta ah ee maanta dalkeenna ka taaggan iyo sida ugu habboon ee arrimahaa loo furdaamin karo, isbeddel dhab ahina ku iman karo.

NB: haddii aad ka mid tahay “haldoorka maanta” iguna raacsan tahay nuxurka qoraalkan, ku soo dir magacaaga, si aan qormada danbe kuugu daro liiska “Haldoorka Maanta” eeg xagga hoose

La soco qaybta dambe —

Allaa mahad leh

Haldoorka Maanta

Musharixiinta Doorashada

aftahan@gmail.com

Liiska “Haldoorka Maanta”

1. Yasin Jama Nuh (Suldan) – London, UK
2. Magacaaga oo saddexan (Adiga)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.