Home » Sports, Warar »

Somali Week oo si rasmi ah London uga bilowday

Somali Week  2009 oo si rasmi ah maanta uga biloowday garoonka New River Staduim oo ku yaal waqooyiga magaalada London.

Sawiro badan halkan ka daawo |Qaybta labaad ee sawirada daawo

Waxaa galabta 8/4/09 magaalada London xaafada Totenham si rasmi uga furmay garoonka New River Stadium koobka Somali Week London 2009.

Koobkaas oo ay ka qayb qaadanaya 12 kooxood oo kubadda cagta oo kale duwan oo Soomaali ah oo ka kale iman doono dalalka Finland, Holand,Sweden iyo dalka England.

Ugu horeyntii waxaa saacadu markii ay ahayd 3.00 galabnimo soo buuxiyay garoonka kooxaha ka qayb galaya tartanka Somali Week London 2009 iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska kuwaasoo ka kale yimid London, Bermingham , Liecester iyo marti sharaf Sports Soomaaliyeed oo ka kale yimid dalalka Sweden ,Finland, Holand,Canada iyo USA oo y badnaa ciyaartooydii hore ee dalka Soomaaliya noocyadiisa kale duwan, si ay uga qayb galaan tartanka Somali Week London.

Waxaa kale ka soo qayb galay isla markaana ka hadlay furitaankii Somali Week London madax sar sare oo ka tirsan Dowlada dalka Ingiriis sida Rt Hon Richard Carborn wasiirka Isboortiga ahna mudane ka tirsan Baarlamaanka dalka Ingiriiska, waxana u tusaale u soo qaaday Nelson Mandela madaxwaynihii hore dalka South Africa waxana u yiri Sports waxa u midayn karaa bulshada ku nool caalamka ee kale duwan, hadii ay garoonka galaan ciyaartooyda ma eegayaan midabkooda, diintooda laakinse kuli waxay si isku mid ah wada ciyaarayaan Kubada marka waxaan kale oo ku faraxsan nahay inaan maanta halkaan kale soo qayb galo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska, waxana rajaynayaa inaan arko Olampikada 2012 iyo 2018 in dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka qayb galaan isla markaana u saftaan dalka Ingiriiska,farxad bay I tahay inaan maanta goob joog ahaado anigoo ah Ambasedeur Sports Raisal Wasaaraha dalka Ingiriiska.

Waxaa iyana meesha ka hadashay mudane ka tirsan Baarlamaanka dalka Ingiriiska lagana soo doorto xaafada Brent oo ku taal Galbeedka London isla markaana ah Wasiirka ka tirsan Dowlada dalka Ingiriiska, waxayna tiri run ahaantii jaaliyada Soomaaliyeed waa jaaliyada kaliya Yurub ku nool hadana dhax gashay aad baan ugu faraxsan nahay qaasatan waxaana ogahay inay aad ugu wanaagsan cayaarta kubada kolayga oo sanadkii hore lagu qabtey dalka Ingiriiska,marka waxaan rajaynayaa inay Garoonka Wembley iyo 2012 Olampikada inaa aragno dhalinyaradaan inay ka qayb galaan.

Waxaa xusid mudan in gabadha Xildhibanada ah Dawn Butlet inay erayo dhiiragalin ah oo hees ah kaga codsatey inay ka daba dhahaan dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee ka soo qayb galay furitaanka tartanka Somali Week London, waxayna tiri waxaa doonaysid inaa noqoto waa noqon kartaa waana kari kartaa hadii rabto,dhamaan dadkii joogayna way jeclaysteen dhirigalinta wasiirka caruurta.

Waxaa iyana meesha warbixin ku saabsan Somali Week London ka bixiyay Yasin Abdi oo ku hadlayay magaca dhamaan gudiga qaban qaabada tartanka, waxaana iyana meesha ka hadlay Ahmed Abdi Dahir ‘’ Shell’’ oo ah Gudoomiyaha Somali Diaspora oo sheegay in tartanka Somali Week furan yahay,run ahaantiina u ku faraxsan yahay barnaamijkan.

Waxaa isna ka hadlay Mudane C/qaadir Bootaan ‘’Isoomareey’’ oo ah Oday Sports oo muda dheer ku soo dhax jirey ciyaaraha Soomaalida isla markaana u dareemayo wali inuu yahay nin dhalinyaro ah madaama u wali yahay nin Sports.

Waxaa iyana meesha ka hadlay C/Rashid oo ku hadlayay magaca shirkada xawilaada Qaran Express oo ahaa maalgaliyaha tartanka Somali Week London 2009,waxana u sheegay inuu aad ugu faraxsan yihiin shirkad ahaan iyo qof ahaanba in maanta ay ka soo qayb galaan furitaanka tartanka Somali Week London ayna ka qayb qaatan inay ka caawiyeen sanadkan Somali Week in lagu qabto magaalada London, iyagoo ahaa Risponsorka kaliya ee ka qayb galay inay ku bixiyaan qarash, waxana u mudanaha sheegay inay diyaar la yihiin had iyo goor inay ka qayb galaan shirkada Qaran Express inay wixii karaankooda ah ka gaystaan barnaamijyada loo qabanaayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Waxaa isna meesha ka hadlay Prof Mussa Naasir oo ah qabiir Sports isla markaana sheegay in loo bahan yahay in xooga la saaro sidii loo soo saari lahaa ubadka Soomaaliyeed

Waxaa kale oo meesha ka hadlay qaar ka tirsan ciyaartooydii hore ee dalka Soomaaliya sida Axmed Nur ‘’ Sayga Ruushka’’, Bashir Jeenyo iyo Xaawo Taako isla markaana waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin inay ka soo qayb galaan tartankaan ayna ku faraxsan yihiin.

Waxaa meesha si xarago leh uga hadlay fanaaniintii caanka ahayd ee Hobalada Waabari sida Mamo Fadumo Qaasim Hilowle, Maryan Muuday, Gaadaco,Karaamo iyo King Khalid, waxayna dhamaantood heeso wadani ah kaga luuqeeyen garoonka weyn ee New River Staduim,taasoo dadkii goobta joogay ay aad u jeclaysteen heesaha qiirada iyo wadaniyada xambaarsan.

Waxaa u hadlay bahda saxaafada wariyaha barnaamijka cayaaraha TV Universal mudane suxufi Cabdi Naasir oo ku magac dheer Sola oo isna uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ka qayb qaadashada tartanka Somali Week London.

Waxaa isna meesha ka hadlay madaxa Kasmo Newspeper oo ah joornaalka ugu faca wayn joornaalada Soomaalida ee ka soo baxa dalalka Yurub mudane C/qaadir Shire:waxana u yiri run ahaantii aad baan ugu faraxsan nahay barnaamij qurux badan ee halkaan aan maanta iskugu nimid Somali Week waa hambalyaynayaa dadkii soo agaasimay isla markaana waxa u meesha ka sheegay in magaalada London lagu qaban doono Somali Week Festival Weyn hadii Allah idmo hadana lagu gudo jiro sidii barnaamijkaas qiimaha leh loogu qaban lahaa jaaliyada Soomaaliyeed.

Furitaanka waxaa kale si weyn goob joog uga ahaa tiro badan oo muuqda oo ahaa ciyaartooydii hore dalka Soomaaliya oo ka kale yimid dalka Ingiriiska iyo dalka Canada, Sweden, USA, Holand, Finland.

Xaflada kadib waxaa si rasmi ah loo furey ciyaartii u horeysay Somali Week Football Tournament 2009,iyadoo lagu furey labo kooxood oo ka dhisan magaalada London, kuwasoo kale ahaa kooxda Ilamos FC iyo Kooxda Jubba Fc.

Kooxda Ilamos waxaa macalimiin u ah Macalin Axmed Bile iyo Macalin Zakariye Baliile oo ka mid ahaan jirey ciyaartii hore ee dalka Soomaaliya, halka kooxda Jubba FC oo isna macalinkooda u yahay Macalin Muriidi Abanur Abati.

Ciyaartaas oo si rasmi ah kubada u furey ciyaaryahan da’yar Soomaaliyeed oo ka tirsan kooxda Da’yarta Chelsea Muqtaar Ali Afgooye.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatey dardar iyo iska caabin ay muujinayeen labada kooxood hadane waxaan dhihi karaa waxaa meesha ka muuqatey sida labaduba ay ugu soo diyaar garoobeen ka qayb qaadashada tartanka Somali Week London hadane kooxda Ilamos oo aan islahaa maanta way ku qadayn doonta kooxda da’yarta Jubba laakinse markii ay ciyaarta socotey wax yar ayaa kooxda Jubba FC u suurta gashay inay Goal laad dheer ah oo qurux badan kaga naxsadaan kubadda goalka kooxda Ilamos FC,tasoo wax badan ka badashay saadaashii ciyaarta galabta, isla markaana kooxda Jubba ku abuurtey inay ka badin karaan kooxda caanka ah ee Ilamos, hadane kooxda Ilamos ayaa dadaal badan u gashay inay Goalka lagu leeyahay iska soogudo laakinse ciyaartii qaybtii hore waxay ku dhamaatey hal Goal iyo Eber.sw209

Latashiyo kale duwan oo koox walba ay dhinaceeda ka soo qaadatey macalimiintooda ayaa dib loogu soo noqday ciyaartii qaybteedii labaad.

Kooxda Jubba FC ayaa difaac u gashay sidii ay Goalkooda uga difacan lahaayeen kooxda Ilamos oo iyana haraad badan u qabtey inay barbar dhac la noqoto kooxda Jubba FC.

Kooxda Ilamos ayaa u suurta gashay inay aaqirkii ciyaarta Goal ka dhaliso kooxda Jubba FC, taasoo ka dhigtey ciyaartii bareejo inay noqdaan labada kooxood, waxayna ciyaartii ku soo idlaatey Goal iyo Goal oo ay isla mari wayaan labada kooxood ee Ilamos iyo Jubba FC.

Waxaa kale si weyn uga soo qayb galay Somali Week London bahda saxaafada Soomaalida iyo jaraaidka dalka Britian ee ka soo baxa magaalada London, Website-yada Soomaalida,Somalitalk, SSPAMEDIA, TV Universal, Kasmo ,Somali Week, Somali Eye, Gedonet, Mahiigaan,Onkod, Ogaalnet, Qaranimo, Hiiraan, Ciyaaro, Kubadda, Garoonka, Xidigaha,Somalisc,Dayniile,waagacusub, Aduunyo iyo kuwo kale oo badan.

Dhamaan dadwaynaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London waxaan ogaysiinaynaa inay uga faaideeyaan caruurtooda waqtiga fasaxa lagu jiro inay keenaan garoonka New River Staduim oo ay ka socdaan Somali Week London oo tartamo xiiso badan isla markaana waxaa ka socda garoonka is diiwangalinta tartanka ciyaaraha fudud caruurta da’doodu u dhaxayso 8 sano jir ilaa 14 jirada oo loo qaban doono Somali Week intuu socda insha Allah.

Sawiro badan halkan ka daawo |Qaybta labaad ee sawirada daawo

Yusuf Yusuf

Somali Week London
New River Staduim
mrsomalia@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.