Home » Warar »

Shariif oo ka hadlay lakulankiisa Hillary

Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka sii hadlay kulanka uu la yeelan doono Hillary Clinton

Madaxweynaha dowladda fadaralka Kumeelgaarka Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka halday kulanka u la yeelan doono hillary Clinton, kulankaas ka dhaci doona magaalada Nairobi ee dalka Kenya ee lagu wado inay wada kulmaan xogayaha arimaha dibadda ee dalka Mareykanka Hillary Clinton iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Kadib shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay madaxweynaha dowladda Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa kaga hadlay qodobo badan oo ay ka mid tahay kulanka xasaasiga ee ay yeelanayaan labada doowladood ee dowlada Maraykanka iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlada Fadaraalka Kumeelgaarka Soomaaliya ayaa ugu horeyntii waxaa uu sheegay in kulanka uu yahay mid muujinaya in Caalamka uu haatan u soo jeestay dalka Soomaaliya islamarkaana hor u dhac u ah talaabo ay ku hormartay dowladda FKMG ee Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in kulanka ay kaga wada hadli doonaan labada dowladood Arimaha siyaasadda Amaanka iyo xariirka labada dal taasoo uu sheegay in ay tahay fursad shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay ka faa’iideystaan.

Dhinaca madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa la weydiiyay in uu ka warhayo dhalinyaro Soomaaliya ah oo dalka Australia lagafu qabtay xili la shegay in ay doonayeen in ay weeraro is miidaamin ah ka fuliyaan saldhigyo ciidamada dalkaasi ay ku leeyihiin Caasimadda dalka Australia.

Sidoo kale waxaa uu wax laga xumaado u tilmaamay Madaxweyne Shariif in dhalinyaro dalkooda rabshado uga cararay ay dalal kale rabshado ka geystaan taasoo uu sheegay in ay tahay waxyaabo aad iyo aad looga xumaado.

Ugu dambeyna Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sheegay in dhalinyaro kale oo dalal kale wax ku soo bartay ay haatan rabshado ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya islamarkaana ay ka bar bar dagaalamayaan Xoogaga hubaysan ee ka soo jorjeeda dowladda Soomaaliyee.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Shariif oo ka hadlay lakulankiisa Hillary "

  1. Abdisalam wadadyare. says:

    Waxalay ila tahay, in uu ku soo hagaagay xili xun, shariifku. Hadii aan is waydiino waa maxay waqtiga xun? Waxaan odhan karaa waxay tahay jawaabtu in uu is waydiiyo akhristuhu, cida yuu ka awood dalbayo Sharif iyo cida uu la dagaalamayo! Shalay maxay ka aaminsanaayeen kuwa uu gargaar ka waysiisanayo? Hase yeeshee, ma shuruudiisa ayaa lagu gar gaarayaa Shariifka mise, waxaa laga rabaa in uu fuliyo danta reergalbeedka ka dibna uu maro meshii uu cabdulaahi maray, markaa laga dhamaysto waxa laga rabo?

  2. aniga ahaan waxaan khabaa in uu heeysto shariifka fursad uu dheeryahay khabkhablayashii ka horeeyay oo ay ay il gaar ah ku eegayaan soomaaliya the west.1: alshabaab oo ay aamineen awoodooda oo ay is leeyihiin alkhaacida mark2 ayaa horn of africa ka curtay,2:iyo somali burcad badeed oo khal khal weeyn galiyey ganacsigoodii iyo isu gooshkoodii dhakhaale xaga badaha oo ay wadootyinka ugu badan oo ay isticmaalaan tahay tan gacanka cadmeed,marka waa in uu raganimo iyo xiniinyo dheerad ah la soo baxaa shriif lana tashto siyaasiyiin wadaniyaal ah oo uu ka xusho siyaasiyiinta soomalida..waana mukhadas in uu ka saaraaa liiska argagixisada qolyahaaan waddaadada waalan.xassan daahir.xasan turki iyo kuwa la mid ah oo dhan si loo helo nabad waarto.pray for peace folks.iinsha alaah..

  3. yusuf says:

    waxaan leenahay shariifka koley nin siyaasad iyo aqoon leh ma tihidee isaga tag xilkaan maxaa yeelay ku wa ka ga leh baa wax ka qaban waayay ee ha is ceebeen waligaa yugandha iyo burundi ku waardiyeen maayaan h/ciliton wax ba kuu sheegi meyso aniga waxaa tahay sxb aan jeclahay

  4. Waxaan Jeclaan lahaa inaan ka dhiibto fikradahaan: (Kulanka Madaxweynaha iyo Hillary)

    a) Inuu xoogga saaro si (objective) ah inuu kala hadlo cin cunaqabateen la saaro lana baaro cidda gacan siisa mucaaradka.

    b)Inay dowladda USA gacan ka siiso siday u ilaalin laheed badaha soomaaliya si aan losoo gelin.

    C) In si deg-deg ah loo dhiso cidaamo qaran oo ka kooban daafaha Soomaaliya-arintaasna u la shir tago iyadoo qaabeesan sida kharashkii iyo qorshahii iyo sidii lagu dhaqan gelin lahaa inuu soo ban dhigo.

  5. ibrahim says:

    waxaanse kula talin lahaa madaxweyne sharif in uu u magacaabo hal jeneraal iyo guudooyin ciidan daacad u ah gobol walba xogtana meel centre ah kawada qataan ayagana connection ka dhexeeyo. xogaga mucaaradka sidaa ma u awoodbadna oo hadii 2 or 3 front-line dagaal looga furo ma sii wadi karan

  6. Caasho says:

    Allaha guuleysiyo Dowlada iyo mujaahidinta dhabta ah, ma garan karno waxa u sii dagaalano 20 sano.

    Dadkeena waxay u baahan yihiin Nabadgalyo, Caafimaad iyo Waxbarasho.

    No more war..

    Allow na badbaadi.