Home » Warar »

Jen. Dhuumaal oo hadlay

Dhuumaal “Anigu waan caafimaad qabaa, waqtigeygana dhaafi mayo”

Iyadoo ay todobaadyadii la soo dhaafay qaar ka mid ah warbaahinta qoraalku daabaceen warar sheegaya in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Yuusuf Xuseen Dhuumaal uu sariir ku aruuray qaarkoodna ay xuseen inuu ku geeriyooday dagaaladii ka dhacay Waqooyiga Muqdisho, ayaa waxaa maanta inoo suurta gashay inaan wareysi la yeelano Jeneraal Dhuumaal.

Jeneraalka oo ku guda jiray xilligaasi howl maalmeedkiisa isla markaana amaro siinayay saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka Dowladda federaalka ayaa ii sheegay inuu maqlay in qaar ka mid ah warbaahintu ay daabaceen in dhimasho ama dhaawac halis ah labadaas u dhaxeeyo, isagoo taasina beeniyay.

“Anigu waan caafimaad qabaa, waadna I aragtaa howsheydii ayaan ku jiraa, hadde waqtina waan leeyahay oo waan aaminsanahay inaan mar uun dhimanayo balse waqtigeyga cidna igama soo hor marin karto cidna iima dib dhigi karto” ayuu yiri Taliye Dhuumaal oo hoosta ka xariiqay inuu aagaga hore ee dagaalka ku jiray xilliyadii ay socdeen dagaaladu Waqooyiga Muqdisho ee u dhaxeeyey dowladda kooxaha Mucaaridka, basle aanu la kulmin wax halis ah ama dhaawac ah sida ay qoreen Website-yada qaar.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in dhowaanahan uu safaro dibedda ah gaar ahaana dalal Afrikaan ah uu socdaalo shaqo ku soo maray isla markaana uu kala soo hadlayay arrimo ku aadan dib u dhisida ciidamo xoogan oo dalka Soomaaliya uu yeesho taasoo haatanba socota qorshaheeda.

Ugu dambeyntiina Dhuumaal ayaa xusay in cida xilkan uu u hayo ay tahay Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed isla markaana uu diyaar u yahay inuu naftiisa u huro difaaca Dalka, Dadka iyo Diintaba, isagoona ugu baaqay warbaahinta inay nabadda ka shaqeeyaan oo ay buun buuniyaan Dib-u-heshiisiinta.

Maxamed Xuseen Ugaas

ugaasyare114@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.